Home » Warar »

Warsaxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha DFS

“Horumarku wuu sii soconayaa, iyadoo mudnaantu tahay Hiigsiga 2016, tanoo ah danta Soomaaliya”

Mogadishu, November 22: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamud iyo wafdigii uu hoggaaminayey ayaa shalay ku soo laabtay Muqdisho ka dib markii ay ka qeybgaleen shirkii Heerka Sare oo lagu qabtay caasimada Copenhagen ee dalka Denmark.

Waa inaan dib u jaleecnaa shirkii labada maalmood oo si cad loogu qeexay horumarka ballaaran ee aan ka sameynay howlihii New Deal iyo Somali Compact, waana inaan ogaanaa caqabadaha jira oo aan si wadajir ah uga hadalnaa sidii aan aan u dhameystiri laheyn inta harsan annagoo kaashaneyna beesha caalamka. Madaxweynaha ayaa yiri “Waxaan u mahadcelinayaa Dowladda Denmark oo shirka martigelisay iyo Qaramada Midoobay oo aan shirka wada shir-guddoomineynay. Doodihii shirka aad bey ii dhiirigeliyeen. Waxaana u mahadcelinayaa wafuudii 59ka dal ka kala timid oo Copenhagen nagala soo qeybgashay shirka oo na tusay sida ay uga go’antahay taageerada Somali Compact.

“Howlo fara badan baa na wada horyaalla. Horumarka siyaasada wuu sii soconayaa, oo aan dardar cusub sii gelineynaa. Weli waxaa na horyaalla howlo fara badan oo nooga baahan inaan dhameystirno iyo kuwo kale ee soo baxaba.”

Sanadka soo socda, Dowladda Federaalka waxey ahmiyad iyo mudnaan gaar ah siineysaa howlaha muhiimka ah ee noo sahlaaya inaan ahmiyadaha siyaasadeed eek u qeexan Hiigsiga 2016ka, sida Dib u eegista dastuurka iyo ansixintiisa, nidaamka Federaalka iyo doorashooyinka sida dimoqraadiyada ah u dhici doona. Xukuumadda iyo Baarlamaanka waxey diirada saari doonaan bilaha soo socda sidii loo xaqiijin lahaa inaysan dhicin daahis, oo ay hubinayaan dhismaha hay’adaha muhiimka ah iyo nidaamyada lagu xaqiijinayo in laga gun gaaro dhaqangelinta hiigsiga 2016 taasoo wadada u sii xaareysa sidii loo heli lahaa nabad waarta, xasilinooni iyo dib u heshiisiin.
In waddanka laga xorreeyo argagaxisada waa muhiim, iyo in la hubiyo qorshaha xasilinta ee socda inuu dhalo xoriyad waxey muhiim u tahay in shacabku ay dareemaan dowladnimada, iyo in maamulo haggaagsan ay ka dhashaan dhammaan degaanada dalka.

Horumarka socda waa mid ka yimid guulaha amniga iyo xasilinta oo noo keenaya faa’iidooyin fog-fog oo waqti dheer leh, isla markaasna uu shacabku ka dareemi doono dhammaan dalka oo dhan.

Madaxweynahu waxuu aaminsanyahay taageerada AMISOM iyo wadashaqeynta ciidanka Soomaaliyeed inay fure u tahay amniga iyo nabadeynta Soomaaliya.

Madaxweynahu waxuu u mahadceliyey saaxiibada Soomaaliya ee isagu yimid kulanka Copenhage, isla markaasna si gaar ah uga mahadceliyey taageeradooda dhaqaale iyo mid farsamo, waxuuna Madaxweynaha soo dhoweeyey sida ay uga walwalayaan mustaqbalka Soomaalia.

“Walow aan mararka qaarkood ku kala argti duwanahay waxyaalaha yaryarka ah, haddana waxaa dhab ah inaan dhammaanteen isku raacsanahay waxyaalaha waaweyn oo lafdhabarka u ahaa shirkan, sida in guusha Soomaaliya lagu cabirayo sida ay isku bedesho nolosha shaqsiga Soomaaliyeed.

“Anigoo ku hadlaya magaca Shacabka Soomaaliyeed, Waxaan sii xoojinayaa inaan doorano nabadda. Waxaa xoojineynaa in wadada aan dooranay ay tahay Dib u heshiisiinta – waxaana lagu gaarayaa si wadahadal, siyaasada oo laga wada qeybqaato, inaan caddeyno mas’uuliyadeena iyo howlaha naloo igmay, iyadoo ay naga go’antahay inaan howlaha mudnaanta noo leh aan ku dhameyno waqtigooda, iyo inaan isku aragti ka ahaano hiigsiga Soomaaliya waxa ay noqon doonto mustaqbalka.” Ayuu Madaxweynaha ku soo gabogabeeyey.

DHAMAAD

Shador Haji Mohamud
Office of the President of Somalia
media@presidency.gov.so

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.