Home » Faallo »

MAXAA KA RUN AH INUU FASHILMAY INDHA SARCAADKII TURKIGU KA WADAY MUQDISHO

Shirkadaha Turkiga ee u soo shaqo tegay magaalada Muqdisho ayaa ku fashilantay howlihii ay ku dayactirtay rubuc ka mid ah waddooyinka Muqdisho, kaddib roobab xoogan oo muddo ku dhow hal saac ka da’ayay magaalada ay burburiyeen inta badan meelihii ay dib u hagaajiyeen.

Waddooyin fara badan oo ku yaala xaafadaha Muqdisho ayaa waxaa gooyay roobab xoogan, kaddib markii daadadkii ka dhashay roobabkaasi ay soo jiireen waddooyinka ay laamiga saareen iyo kuwii ay dayactireen.

Shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa siyaabo kala duwan u cambaareeyay mashruuca shirkadda TIKA ee Turkiga laga leeyahay ay ku dayactirtay waddooyinkaasi, kaddib markii guryahooda ay guryahooda ugu galeen biyo ka soo hooray laamiyada ku dhow.

“Khibrad yarida ka heysata dhismaha iyo dayactirka waddooyinka shirkadda TIKA ayaa keentay in waddooyinka la mari waayo marka uu roobka da’o” ayuu yiri oday 70-jir ah oo sheegay inaan loo marin wadadii saxda ahayd ee mashruucaan.

Dhibaatada ugu weyn ee ay geysanayaan roobabka Muqdisho ka da’aya ayaa ka imaanaya meelaha waddooyinka ah ee ay Turkiga dayactireen, kaddib markii ay xireen godadka loogu talo galay inay qaadaan biyaha ku hooraya laamiga.

Runtii dhibaatada maanta la soo gudboonaatay shacabka ku dhaqan Muqdisho ayaa ilowsiisay gurmadkii samatabixin ee Dowladda Turkiga ay la soo gaartay dalka xilligii ay abaaraha ka dhaceen gobolada dalka.

Mashruuca dayactirka waddooyinka shirkadda TIKA ee Turkiga laga leeyahay oo noqday mid dhibaato hor leh u keenay shacabka Muqdisho ayaa iminka hakaday, kaddib markii ay ku guul darreysteen inay hagaajiyaan laamiyada Muqdisho oo marka ay roobabku da’ayaan ay u maaro waayeen inay dib u furaan amaba god biyo galeen ah u sameeyo wadadii aan lahayn.

“Dalkaan waa ka soo daalay in laga fuliyo mashruuc lacago badan lagu soo qaatay oo aan hadana si daacad loo fulin” ayay tiri haweeney ka mid ah dadka degan Muqdisho, gaar ahaan degmada Wadajir, kaddib markii ay ka qaxday gurigeeda oo biyo degeen noqday.

Indha sarcaadka uu Turkiga ka sameeyay wax ka yar rubac waddooyinka magaalada Muqdisho ku yaala ayaa wuxuu ku muteystay in shirkadaha faraha badan ee Muqdisho u soo qaatay boorsooyinka faaruqa ah si ay uga buuxsadaan lacago fara badan ayaa hadana Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay gacanta u gelisay howlo ka culus dayacyirka waddooyinka.

Waxaa ka mid ah goobaha muhiimka ah ee kaabayaasha dhaqaalaha oo Dowladdu kula heshiisay inay dayactiraan, ballaariyaan isla markaana ay iyagu maamulaan, hase yeeshee ka sokow in la aamino kuwii ku fashilmay waddooyinka ayaa su’aasha isweydiinta mudani waxay tahay ma ballaarin karaan Dekedda iyo garoonka diyaaradaha Muqdisho?.
turk6
Si kastaba ha ahaatee nasiib darrada u soo hoyatay shacabka ay naafeeyeen dagaalada sokeeye waa ka soo daaleen in lacago fara badan adduunka looga soo qaato mashaariic kala duwan oo aan laga fulineynin dalka, iyadoo mashaariicda shirkadaha Turkiga ay dalka ka wadaan uu la mid yahay mashaariic dhowr ah oo horay u fashilmay.

Run ahaantii Dowladda Federaalka rasmiga ah ee Soomaaliya hay’adaheeda sare way ku kala qeybsan yihiin in Turkiga lagula heshiiyo inay noo maamulaan oo iyagana nooga shaqeeyaan dib u dhiska dalka, taasi oo cawaaqibka haatan ka dhashay ay noqotay inay shaqo la’aan soo wajahdo kumanaan xoogsato iyo garab rarato isugu jira.

Soomaali waxay ku mahmaahdaa: “Ishaan meel fog wax ka arkineey dhac” waxaa laga yaabaa inaad igu dhaliisho qormadeydaan dhab ka hadalka ah bacdamaa Dowladda Turkiga ay caawisay dadkeena, hase yeeshee qof aaminsan in Turkigu abaal noo galay waxaan leeyahay ha aamino in Turkigu naga gudsaday waliba toban laab burkii dhacay iyo calalihii uu ka soo ururiyay shacabkiisa ee uu siiyay shacabkeena duruuftu dillootay.

Ugu dambeyntii mar haddii Turkigu gargaarkiisii ku bedeshay inuu dhaqaalaheedii ku qaato indho sarcaadinta madaxda dowladda Federaalka ay ugu ogolaatay in abaal marin looga dhigo u gacan gelinta goobihii ay ka shaqeysan lahaayeen muwaadiniinteena, isla markaana dalkii sidaa u galay, waxaa marag ma doonto ah in taariikhda aan duugoobin uu baal mugdi ah ka gelayo.

Waxaa Diyaariyay: Jabriil Maxamuud Nuur (Jabra)
jabriil@journalist.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.