Home » Warar »

Shan Qof oo Soomaali ah oo Koonfur Africa lagu dilay Todobaadkani iyo cabsi kale oo jirta Warbixin – Daawo Video

Shan Qof ayaa lagu dilay Koonfur Africa Todobaadkani taasi oo walwal hor leh ku abuurtay ganacsatada Soomaalida, laba ka mid ah ayaa lagu dilay hal dukaan oo ku yaala tuulada Nashville ee magaalada Port Elezabeth ee Gobolka Eastern Cape halka laba kale iyagane lagu dilay Tuulooyinka Mashashaani iyo Blad Riva ee magaalada Pologwane ee Gobolka Limpopo halka midka kale isagane lagu dilay tuulo hoos timaada magaalada Cape Town ee Gobolka Western Cape.

https://www.youtube.com/watch?v=4eiWVEersaY

Shantani ruun ayaa la soo warinayaa in si isku mid ah loo weeraray iyadoo falkaasi uu dhacayey habeenkii saqdii dhexe xili ay hurdayeen Muwaadiniinta qaarkood iyo Xilli danbe oo Fiidkii ah iyadoo midkood lagu dhuftay 7 Xabo markii ay nafta ka bixi waysana ay qoorta kaga jareen midi taasi oo argagax horleh ay ka qaadeen dadka Soomaaliyeed ee ku ganacsada Tuulooyinka.

Daahir Hilowle Xasan oo ka mid ah madaxda Jaaliyada Gobolka Limpopo kana mid ahaa dadkii ugu horeeyey ee u gurmaday markii uu falkani dhacay isla markaana ka qeyb galay aaska marxuumiinta oo aan la xiriirnay ayaa sharxaya qaabka ay wax u dhaceen iyo sida ay jaaliyada u aragto. Wuxuuna sheegay in labadani wiil dilkooda uu si isku mid ah u dhacay iyagoo la soo weeraray saq dhexe habeenkii iyagoo hurda.

midka hore ayaa waxaa la jiifay wiil kale oo Soomaaliyeed oo markii tuugada ay soo dhaceen isla markaana ay dileen mid ka mid ah muwaadiniina ay kan kale ku amreen in uu keeno lacagta iyo waxyaabaha kale ee fudfudud sida kaararka taleefoonada lagu shubtay halka midka labaad isaga kaligiisa uu jiifay meeshana lagu dilay.

Sidoo kale laba muwaadin oo midkood ahaa milkiilaha dukaanka iyo midkale oo ka shaqeynayey ayaa isku meel lagu dilay iyadoo midkood la isugu daray toorey iyo xabad sida uu sharxayo Sheekh Shaakir oo ka mid ah Culumada magaalada Port Elezabeth isla markaana ka qeyb galay aaska marxuumiintani.

koonfur

“Waxay aheyd Xili danbe ee fiidkii ah oo dukaanka albaada la isugu laabi rabay waxana la soo weearay laba nin iyo gabar Soomaaliyeed oo ku sugnaa dukaanka dabadeed waxaa la bilaabay in la dilo wiilasha gabadhiina halkaasi ayey ka baxsatay waxana la dilay labadii kale.

Marxuumiintani ayaa lagu magacaabi jiray C/qaadir Sheekh Xasan, C/rashiid Cali , Yaasiin Xuseen Rooble, Saciid Ibraahim Mocalin iyo marxuumka kale oo magaciisa lagu soo gaabiyey C/laahi Biibaaye Dhamaantood waxaa la dilay Todobaadkani waxaana lagu dilay Goobtooda ganacsi Mana Jirto cid loo soo qabtay dilalkaasi iyadoo booliska Koonfur Africa ay ilaa hadda daba gal ku hayaan dadkii falkaasi ka danbeeyey oo aanan jirin Raad loo raaco.

HALKANI KA DAAWO VIDEO
https://www.youtube.com/watch?v=4eiWVEersaY

Maxamed Muuse Nuur
Deeqdarajo.
deeqdarajo36@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.