Home » Warar »

Xildhibaano ka noqday Motion-kii – madaxwayne Xasana baaq u jeediyey

Kulan maanta ay ku yeesheen magaalada Muqdisho, xubnaha golaha
Shacabka ee kasoo horjeeda Mooshinkii dhawaan laga keenay Ra’iisul
Wasaaraha iyo Xukuumaddiisa ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Dowladda F.
Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud in uu faraha kala baxo shaqada
Xukuumadda si ay u gudato waajibaadka Qaran ee laga sugayo.

Sidoo kale kulanka ayaa lagu soo dhaweeyay tiro Xildhibaano ah oo
horey uga mid ahaa xubnihii mooshinka keenay Xukuumadda, waxana ay
tilmaameen markii ay garowsadeen danta qaranka iyo hakadka ay galeen
guud ahaan shaqooyinkii Hay’addaha dowladda in ay garowsadeen oo ay
isaga talaasulaan mooshinka.

unnamed (1)

Xildhibaan C/laahi Cumar Abshirow oo ku hadlay magaca Xildhibaanada

ayaa sheegay markii uu arkay dhibaatada Mooshinka iyo halista uu ku
yeeshay howlihii qaranka in uu go’aan saday dib inuu uga baxo
mooshinkaas, wuxuuna geesta kale baaq u diray xildhibaanada weli ku
adkaysanaya mooshinka ka dhanka ah Xukuumadda in ay ilaaliyaan danta
qaranka isla markaana ay iskaga haraan mooshinka.xildhibaan

“Anigoo ah Xildhibaan C/laahi Cumar Abshirow horey uga mid ahaa

xubnihii Xukuumadda Mooshinka ka keenay, markii aan arkay dhibaatada
laga dhaxlay mooshinkaas aniga iyo xubno kale oo xildhibaano ah
waxaan go’aan sanay inaan ka baxno, kuna soo biirno xildhibaanada
walaalaheen ah ee Mooshinka kasoo horjeeday” ayuu yiri Abshirow.

 

Dhinaca kale, Xildhibaanka ayaa akhriyay go’aankii maanta kasoo baxay
kulankii ay Xildhibaanadu yeesheen, waxana ay ku baaqeen golaha
Wasiirrada in ay shaqadooda sii wataan, isla markaana ay soo
dhaweynayaan fadhiyadii u danbeeyay ee goluhu yeeshay kuwaas oo lagu
meel mariyay dhowr Hindise iyo miisaaniyadda Dowladda.

1. In la taageero Golaha Wasiirrada oo shaqadoodii si habsi ah u
socoto, anagoo ku bogaadinaynaa go’aamada ay ku ansixiyeen labo
Hindise Sharciyeed iyo Miisaaniyadda 2015 taas oo la xiriirta
Hiigsiga 2016.

2.Waxaan Madaxweynaha uga digaynaa faragelinta joogta ah oo uu ku hayo
golaha Xukuumadda, iyadoo markii ay diideen Baarlamaanku mooshinka
sharci darrada ah uu bilaabay inuu kala qeybiyo golihii Wasiirrada
taas oo keeni karta curyaamin shaqadii dowladda.

3. Waxaan taageeraynaa baaqyada Beesha Caalamka iyo go’aamadii kasoo
baxay shirka Copenhagen ee ku aadan in aan waqtigaan loo baahayn in la
carqaladeeyo hiigsiga 2016, looguna baaqayo hoggaanka Soomaaliyeed in
ay midoobaan oo u turaan ummada Soomaaliyeed, arrintaas oo si cad u
sheegaysa in Madaxweynuhu joojiyo mooshinka uu wado, kuna taageero
Ra’iisul Wasaaraha iyo Xukuumadda howsha muhiim ka ah ee ay gacanta
ku hayaan.

4. Waa in la ilaaliyo midnimada Baarlamaanka, lagana hortago wixii
carqaladaynaya howsha baarlamaanka oo ay ahayd in uu meel-mariyo
howlaha horyaala kalfadhiga 5-aad ee ay usoo gudbiyeen golaha
Wasiirrada.
unnamed (2)

 

Ahmed Mohamed

axmednuur59@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.