Home » Warar »

Dalladda Suxufiyiinta Qorahay Media oo ka digtay Cabudhinta Saxaafadeed ee Itoobiya ku hayso Ogaadeenya

Warbaahinta Qorahay Media oo mudo dheer hawada ku soo jirtay la aasasay sanadkii 1999, waxaa loo aasasay kadib markii ay muuqatay baahida saxaafadeed & sida Ogaadeenya aysan uga jirin wax saxaaafad ah xukuumadda Itoobiyana ay ka mamnuucday guud ahaan saxaafad oo qofkii loo maleyaa in uu aqoon leeyahay lagu tuuro xabsi kuwo badana ka soo carareen.

Warbaahinta Qorahay Media waxay leedahay Yool & Ujeedo fog oo ay higsanayo waxayna marwalba dhowrtaa nadaamka saxaafadeed ayada oo marwalba tixgalisa xoriyada qofka anaga oo ujeedooyinkanagu kamid yihiin qodobadan.

Waxaa kamid ah Ujeedada Dalladan sidii loo heli lahaa warbaahin dhex-dhexaad ah oo u adeegta umadda, si looga gudbo loogana maarmo kuwa maalin & habeenba dhibaatada ku haya umadda ayaga oo adiigsanaya fulinayana danaha Itoobiya oo kali ah qaarkoodna aysan wax khibrad ah ama aqoon ah leeyayn.

Milicsi Ujeedada & Hadafka Qorahay Media

Sida ku cad Qodobka 3aad ee xeer hoosaadka Warbaahinta Qorahay Media: Hadafka Warbaahinta Qorahay Media
Isbadalada kala duwan ee Dunida ka jira isuguna jira Kuwo Siyaasadeed, Horumar, isgaadhsiin, Dhaqan, Dhaqaale, Farsamo, Ganacsi iyo Masiibooyinka Dabiiciga ahi waxay raad reeb & saamayn ku yeesheen Bulshooyinka Aduunka.
Iyadoo taas maskaxda lagu hayo ayey khasab ku noqotay Shucuubtu in ka Faa`iidaystaan Horumarka haatan ka jira dunida si ay kaalintooda u buuxiyaan.

Si hadaba ay Dunidu u ogaato xaqiiqada dhabta ah ee ka jirta Ogaadeenya & Dulmiga lagu hayo Shacabkaas la iloobay ee uu la hadhay Gumeysiga ku habsaday ee Asaagood ka reebay ayey Warbaahinta Qorahay Media isu xil qaantay in ay intii awoodeedu gaadhsiiso ay gudato.

Ogaadeenya waxay kamid tahay meelaha ugu dhibaatada badan aduunka ayada oo aysan ka jirin wax saxaafad ah.
Waxaa laga mamnuucay Wariye ama Warbaahin ayada oo magaalada JigJiga oo kali ah laga abuuray Idaacad FM ah & TV labaduba xukuumadu Fedaraalka Itoobiya gacanta ku hayso kuna soo bandhiga waxa ay dawladuu doonayso oo kali ah.
Waxaa marar kala duwan dalka lagu qab-qabtay Wariyaal isku dayay soo arkaan xaqiiqada dhabta ah eek a jirta Ogaadeenya kuwaas oo dhibaatooyin aad u badan kala kulmay, waxa loo haystayna ahayd maxaad wax u duubaysaan.

Warbaahinta Al-Jazeera ayaa sanadkii 2008 mar gashay kana soo duubtay Barnaamijka lagu soobandhigay xaqiiqada dhabta ah ee ka jira Ogaadeenya waxay arintaas gaadhay in ay Itoobiya safaaradeeda uga yeedhay dalka Qatar ayada oo ka xanaaqday xaqiiqda dhabta ah ee uu Wariya Jaamac Nuur uu ka soo diyaariyay Ogaadeenya.

Guud ahaan dalka Itoobiya kama jirto saxaafad xor ah, waxaa Addis Ababa ka jira Joornaalo yar-yar oo kolba qofkii wax ku qoraa uu xadhig mutaysto waxaana Jeelasha Addis Ababa ku jira Wariyaal badan oo wax dambi ah oo loo xidhay aysan jir.
Magaalada JigJiga waxaa ku xidhan dad aad u badan oo qaar kamid ah loo haysto waxaad tihiin Wariyaal, dhulkaas oo uuna kaba jirin wax saxaafad ah.

Kulan ay Hawl-wadeenada Dalladda Suxufiyiinta Qorahay Media dhanka isgaadhsiinta ku yesheen oo ay ujeedadiisa ugu weyn ahayd u diyaar garoowga 15 Guurada Aasaskii Warbaahinta Qorahay Media oo ku beegan 12 Dec oo qaban qaabadii lagu gudo jiro sidii loo xusi lahaana lagu hawlanyahay waxaa kulnakaas ka soo baxay qodobo muhiim ah.

Hadaba markii Dallada Suxufitiinta Qorahay Media ay arkeen cabbudhinta & cadaadiska saxaafadeed ee ka jirta Ogaadeenya ayana ka doodeen sida looga gudbi karo waxaay soo saareen qodobbadan.
Baaq:
Waxaan warbaahinta Caalamka & mida Soomaaliyeedba ugu baaqaynaa in ay ka qayb qataan sidii cunaqabatna saxaafadeed looga qaadi lahaa Ogaadeenya, Warbaahintuna u gaadhi lahayd si dunida u ogaato waxa ka jira halkaas.

Hay’adaha xuquuqul insaanka waxaan ugu baaqaynaa in ay sidahb ah ula socdaan kana hadlaan xad-gudbyada joogtada ah ee ay Itoobiya ka wado dhulka Ogaadeenya gaar ahaan dadka u xidh xidhan warbaahin ayay la shaqeyaan oo qaar kamid ah ilaa hadda aan lagaranaynin meel ay ku sugan yihiin, qaarna jeelasha ku jiraan.

Warbaahinta Soomaaliyeed waxaan ugu baaqaynaa in aysan ka gaabsanin oo ay si dhab ah u soo tabiyaan waxayaabaha joogtada ah ee Ogaadeenya ka dhacaya, sidoo kale ay joojiyaan Barnaamijyadda siyaasadaysan ee marwalba garab siinaya xukuumadda Itoobiya oo marnaba aan ogalayn in ay saxaafadxor ah Ogaadeenya ka hirgasho, waxaana leenahay Warbaahinta Soomaaliyeed ee dulmiga ugu gar-gaaraya Itoobiya waa in ay joojiyaan gaar ahaa TV yada qarkood oo wax aan jirin soo tabiya umadda Soomaaliyeedna u soo bandhiga warar & Barnaamijyo xaqiiqada ka fog.

Waxaan dhamaan saxaafada Caalamka ugu baaqaynaa in Itoobiya lagu cadaadiyo in ay Ogaadeenya saxaafada u ogolaato xaqiiqada dhabta ah ee ka jirtana ay ka soo waramaan.

Hay’adaha Xuquuqul Insaanka u dooda usoojeedinaynaa in ay wax ka qabtaan oo Itoobiya culays lagu saaro in ay soo dayso wariyaashaas, joojisana cabudhinta saxaafadeed ee ka jirta Itoobiya.

Cambaarayn:

Dallada Suxufiyiinta Qorahay Media waxay cambaaraynayaan xukuumaddda Itoobiya oo cabbudhin ku haysa saxaafadda ayaga oo suxufiyiinta xadhig iyo dil aan aabbayeel lahayn ku haysa wariyayaasha sida dhuumaasha ah ku gala gudaha dalka si ay xaqiiqada dhabta ah usoo bandhigaan, waxaa kale oo aan leenahay waa in shuruud la’aan ay sii daayaan wariyayaasha sida sharci darrada ah ugu xidhan Itoobiya.

Dallada Suxufiyiinta Qorahay Media waxay si kulul u cambaaraynayaan si xun wax u sheegga mar walba daboolaya xaqiiqada dhabta ah ee Ogaadeeniya ka jirta isaga oo magac saxaafadeed adeegsanaya sidoo kale ku xadgudbahaya shuruucda ay saxaafaddu leedahay.

Mohamed I. Mursal
Agaasimaha Guud
Qorahay Media

qorahaye

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.