Home » Warar »

Golaha Wasiirada oo Meelmariyey Miisaaniyadda dalka ee 2015 iyo Hindise-sharciyadeedyo

Muqdisho, Nov, 2014….. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa maanta shir guddoomiyey kulan uu yeeshay Golaha Wasiirada oo lagu ansixiyey miisaaniyadda dalka ee sannadka 2015 oo ay soo gudbisay Wasaaradda Maaliyadda. Miisaaniyadda oo ka kooban dakhliga gudaha ka soo xerooda iyo deeqaha caalamiga ah ayaa gaaraysa $216 malyuun oo dollar, waxana inteeda badan ku bixi doontaa dhinacyada ammaanka, adeegyada bulshada, mashaariic horumarineed iyo bixinta musharaadka shaqaalaha rayid ah iyo ciidanka ee Dawladda.

“Miisaaniyadda dalka ee 2015-ka waxay ka kooban tahay dakhli iyo kharash si cad u daahfuran oo isla-xisaabtan ku salaysnaan doonta, waxana xukuumaddu samaysay horumar dhinaca maaraynta dhaqaalaha Dawladda ah iyadoo la abuuray hay’ado karti shaqo iyo fulinta hawshaas leh sidii la soo arkay 2013 iyo 2014. Dawladda Soomaaliya waxay sii wadaysaa inay sii horumariso hay’adaheeda kala duwan, gaar ahaan kuwa maaliyada oo muhiimad weyn inoo leh. Sidaasi ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Ridwaan Xirsi Maxamed oo saxaafadda maanta la hadlay ka dib markii u shirku soo dhamaaday

Dhinaca kale, shirka Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Federaalka Soomaalaiya ayaa maanta lagu ansixiyey Hindise-sharciyadeedka Dhisidda Gudiga Xuduudaha iyo Federaalaynta oo ay soo gudbisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, waxana shaqada gudigan ay muhiim u tahay arrimaha Federaalaynta dalka iyo dhismaha Maamul Goboleedyo rigli oo ka hanaqaada dalka Soomaaliya. Tallaabadan ayaa ka ka mid ah dadaalka Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed oo aragtideedu tahay in la dhamaystiro shaqooyinka uu farayo Dastuurka dalka ka hor inta aan la gaarin 2016-ka oo loo ballansan yahay in loo dareero doorashooyin qaran.
image
” Waa tallaabo kale oo horumar ah oo ay Xukuumadda Soomaaliya u qaadday dhinaca Federaalaynta dalka iyo dhamaystirka shaqooyinka faraha badan ee hor yaalla Dawladda Soomaaliya. Guddigan waa mid madax bannaan oo xalin doona khilaafaadka Maamulada isla markaana jaan-goyn ku samayn doona xuduudaha rasmiga ah ee ay yeelan doonaan Maamul Goboleedyadu. Ayuu yiri Mudane Ridwaan Xirsi

Sidoo kale , Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta meelmariyey Hindise-sharciyadeedka Guddiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka oo ay soo gudbisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, waxana gudigan uu qaban doonaa shaqooyin fara badann oo laf-dhabar u ah xaqiijinta aragtida hiigsiga Soomaaliya ee 2016-ka iyo dimuquraadiyadaynta dalka.

” Soomaaliya waxay samayneysaa horumar ballaaran oo dhinac dimuquraadiyadaynta ah, waxana taariikhdu marka ay tahay 2016-ka loo ballansan yahay in dalka la gaarsiiyo doorashooyin xor ah oo hufan, taasina waa ballanqaadka Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya. Xukuumadda Soomaaliya waxaa ka go’an xaqiijinta aragtida qaran ee 2016, si taa loo gaarona dadaalka kasta iyo qiime kasta ayey ku bixinaysaa. Ayuu yiri Mudane Ridwaan, waxana uu raaciyey

” Dhammaan Hindise-sharciyadeedyadan waxay u gudbayaan Golaha Shacabka ee dalka oo isaguna ka gudanaya waajibaadkiisa qaran. Waxaan baarlamanka u gudbinnay Hindise-sharciyadeedyo dhawr ah, waxana qorshuhu yahay in loo gudbiyo kuwo kale oo badan xilliyada soo socda ee dhow, marka la isku darona waxa ay gaarayaan 23 Hindise-sharciyadeed. Halkaa waxaa ka muuqata in Xukuumadda ay shaqadeeda si habsami ah u gudanayso, hay’adaha kale ee dalkana ay dooneyso in ay si wanaagsan oo danta qaranku ku jirto u wada shaqeeyaan.

Ugu damayntii, Tallaabooyinka uu Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya maanta ku meelmariyey Hindis-sharciyadeedyadan labada ah ayaa ka markhaanti kacaya dadaalka Xukuumadda uu hogggaamiyo Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ee ku aaddan xaqiijinta aragtida Soomaaliya ee 2016-ka oo ah in dalka la gaarsiiyo doorashooyin guud oo ay dadku codkooda dhiibtaan.

DHAMMAAD

Abdirashid Muse Said
Warbaahinta Xafiiska R.W
Muqdisho-Somalia
Email1: media@opm.gov.so
Email2: abrashidmuse@gmail.com
Tell: +252616318823
Twitter: @SomaliPm, @AbdirashidMuse

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.