Home » Warar »

WARSAXAAFADEED Kasoo baxay Xafiiska Gudoomiyaha Baarlamaanka Oo Ku Aaddan Dhisidda Maamulka Koonfur Galbeed

Annagoo ka duuleyna qodobka 11aad ee heshiiskii laba dhinaclaha ahaa
maamul dhisidda Koonfur Galbeed Soomaaliya oo qeexayey “Xukuumadda
Federaalka Soomaaliya ayaa mas’uul ka ah meel-marinta iyo taabbo-gelinta heshiiskan”ayaa Madaxda ugu sareysa Dowladda Federaalka Soomaaliya 9kii
bishan November si mideysan u go’aamiyeen hakinta iyo toosinta habraaca
maamul dhisidda Koonfur Galbeed Soomaaliya ayadoo qaadashada go’aankaasina
uu ka dambeeyey tixgelinta cabashooyinka kasoo yeeraya Odayaasha
dhaqanka,siyaasiyiinta,bulshada rayidka iyo ergooyinka weli dibadda ka
jooga howlaha geedi socodka maamul dhisidda gobollada Koonfur Galbeed.
jawaari
Iyadoo sidoo kale la ogsoon yahay go’aankii Ra’isulwasaaraha Xukuumadda ee
soo baxay 01-11-2014 oo cadeynayey in aanan la qaban karin doorasho inta
ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka hubineyso iney si buuxda uga wada
qeyb qaataan qeybaha bulshada ka go’aan gaarista masiirka iyo maamul u
dhisidda gobollada Koonfur Galbeed.

Hadaba ayadoo la xeerinayo qodobbadan kor ku xusan waxaa halkan looga
digayaa guddiga iyo ergada shirka maamul dhisidda Koonfur Galbeed iney ku
kicin wax carqalad ku keeni kara habsami u socodka maamul dhisidda
gobollada Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo sidoo kale go’aammo dhalin kara
carqalad,xasilooni darro iyo dib u dhac baaxad weyn oo ku yimaada
xaqiijinta himilada dhismaha maamul loo wada dhan yahay.

Ugu dambeyn waxaan halkaan ku cadeynayaa natiijo kasta oo khilaafsan
go’aannada Dowladda ee kor ku xusan ineysan Dowladda Federaalka Soomaaliya
aqoonsan doonin ayadoo taasina ay xad gudub ku noqoneyso Dastuurka Dalka
qodobkiisa 48aad,farqada 2aad ee siineysa Xukuumadda Federaalka awoodda
hagidda iyo maamul dhisidda gobollada dalka,mas’uuliyadda wixii cawaaqib
xumo ah ee ka yimaadana ay qaadi doonaan cidii ku xad gudubta go’aammada
Dowladda Federaalka Soomaaliya.

—DHAMAAD—

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Ee Guddoonka Baarlamaanka

Media and Public Relation Office Of Speaker

Email:- Media@parliament.gov.so

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.