Suldaan Dhirane Muxumed Nuuriyow oo ka mid ah Odoyaasha Dhaqanka oo ku haybta ah Marxuum Saalax Maxamed Nuur oo Bishii Janaayo 28 2014 ay dileen Ciidamada Amisom ka dib markii si bareer ah u jiirsiiyeen Gaari ay lahaayeen ayaa dhaliil u jeediyey Taliska sare ee Ciidamada Amisom
“ Balan qaadyadii ay u sameeyaan Taliska Amisom Qoyskii Marxuum Saalax iyo weliba Bixinta Diyadii Marxuumka ilaa iyo hada ma jiraan wax ka fuley Balamadaas” ayuu yiri Suldaan Dhiirane oo sheegey in ay weli uga fadhiyaan Taliska Amisom dhamaan Balan qaadyadii ay u sameeyaan Qoyskaas
“Dhowr jeer ayaa la kulaney qaar ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Amisom kuwaa oo balan qaadey in ay wax u qabanayaan Qoyska Marxuum Saalax hase yeeshee waxaan ogaaney in Balanqaadyadaas ay yihiin kuwa aan dhaafsiisaney Afka Baarkii” ayuu yiri Suldaan Dhiirane oo ugu Baaqay Dowlada Faederaalka in ay gacan ka geystaan sidii Qoyskaas uu u heli lahaayeen Xaquuqdooda
“Dowladda Federaalka iyada ayaa laga doonayaan in raadiso Xaquuqda Muwaadinitooda waayo waxaa uu Xil ka saaran yahay in ay Dabagal ku sameeyaan Xadgududbyada loo geysto Shacabkooda, Dowladaha aduunka iyagaa u raadiya Muwaadiniintooda Xaquuqaha ka maqan” ayuu yiri Suldaan Dhiirane oo sheegey in hadii aysan Dowlada dabagal ku sameyn Xaquuqda dadkeeda ay Arintani ayaa muujinaysa in qofka muwaadinka Soomaaliyeed uusan qiimo ka ag laheyn
Marxuum Saalax Maxamed Nuur oo ka tagey ilaa Sagaal Caruur ah ayaa qofkii doonaya in uu Gacan siiyo Ogoontaas waxay kala soo Xiriiri karaan
Suldaan Dhiirane Muxumed Nuuriyow
Tel 00252615824754
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.