Home » Maqaallo »

Xildhibaannada Mooshin hallaga keeno! (Qalinkii Maxamed Xaaji)

Waxaan ka mid ahay dadka aaminsan inaysan Soomaalidu ahayn dad weli fahmay ama u bisil waxa la yiraahdo nidaamka iyo kala dambaynta daysan ee aan dan gaar ah ama caadifad toona ku dhisnayn (absolute rule of law).

Waxaa Muqdisho ka dhacay kulan hordhac u ah mashruuca madhalayska ah ee loo bixiyay New Deal balse u muuqda ’New Dheel’’ kaasoo ay ka qaybgaleen madaxda ugu sarreeysa dowladda dhexe oo is khilaafsan jeer uu caalamkii siyaasadda dabaal-jooglayska ah ee ‘qowda maqashii’ nagula dhaqmayay uu isla bihin-bihinayo ‘’Ooyintii Yaxaaska’’ iyagoo leh ‘’War maad heshiisaan aannu wax idinla qabannee’’.

Yeelkeede, inay wax qabanayaan iyo in kale, inay anaga khasab nagu tahay inay danaha dalkeenna ku xirno sugitaanka Beesha Caalamka iyo ciddii khaldan iyo ciddii toosan ku mashquuli maayo, waayo mid saxani iima muuqdo marka lagasoo tago in dalkeennii lagu magac dilayo dano shakhsi ah, siyaasad la qabyaaladeeyay iyo aragti la’aan ku wajahan mustaqbalka kiisa dhow iyo midkiisa dheer.

Waxaanse doonayaa inaan dul istaago arrin la yaab iyo shaamarreer gelisay dad badan oo ah inaan idaacadaha ku aragno xildhibaanno iyo xitaa wasiirro lakala safan madaxda dalka, kuwaasoo kaliya la arko ama la maqlo marka uu khilaaf jiro oo ay aguugaan mooshin maal raadis ah iyagoo ku awr-kacsanaya ‘’Hebel waxba ma qabanin’’ iyo ‘’hebel dastuurkii buu ku tuntay’’.

Su’aasha iswaydiinta mudani waxay tahay: ‘’Inaan wax la qabanin ma waxaa la dareemaa oo qura maalinta ay is khilaafaan madaxda sare oo aan marna dan dal leeyahay aan isku haynin?’’ Awalse maxaa la qabanayay’’?.

Miyaysan jirin maxkamad dastuuri ah oo kala saarta qofkii dastuurka qadfa ama xeerka dhinac mara? Maxaa khasab ka dhigaya in mooshin mixnad ah uun lagu kala boxo? Miyaan madaxda sare lala xisaabtami karin iyadoo ay howl-maalmeedka dowladeed ay caadi u socoto?

Haddii ay wasiirradii howsha wadey lakala saftaan madaxda sare yaa qabanaya shaqadii loo igmaday waaxda fulinta ee dowladda? Shacabkuse miyaysan dareemi karin in nimankan ay lakala safan yihiin aysan danohooda ku dirirsanayn sidaa daraadeedna aysan micne samaynaynin inay dacaska iskaga dhameeyaan kala difaacooda?
Xildhibaannada Mooshin Halaga Keeno?

Dad badani markii horaba lama dhacsanayn habka ay ku yimaadeen iyo hab-dhaqanka ay u wajahayeen siyaasadda iyo go’aan qaadashadooda oo ay dad badan aaminsan yihiin inay inta badan ku dhisan tahay laaluush iyo wax is daba marin, xajmi la’aan, daacad darro, khibrad iyo xitaa aqoon la’aan dhanka howsha ay ku magacaaban yihiin ah iyo la’aanta mabda’ iyo micne qaran.

Sidaa daraadeed waxaan shacbiga usoo jeedin lahaa inay ka dhiidhiyaan xildhibaanaddan aanu qayladooda maqalno oo qura maalinta uu khilaaf jiro, iyagoo weliba maalintaa u hiilliya ninkii hanti dhiiba sidaana ku lumiya dantii guud iyo kalsoonidii iyo ballantii ay ILAAHAY kula galeen inay u shaqeeyaan shacabka Soomaaliyeed.

Haddii aydnaan sidaa yeelinna howshu waxay ku dhamaan doontaa sidatan soo socota:
SHACABKA: ‘’Waxaa saxan hebel maxaa yeelay waa beeshayda.’’
XILDHIBAANNADA: ‘’Waxaa saxan hebel maxaa yeelay beeso ayuu bixiyay.’’
BEESHA CAALAMKA: ‘’Waxaa saxan hebel maxaa yeelay waxaan ugu bognay daneheenna.’’

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji Xuseen Raage
Farriin-Danabeed: maxaaji@hotmail.com
Gothenburg, Sweden
maxamed xaaji

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.