Home » Warar »

Wasiirka iyo Shaqaalaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo kulan tacsi ah u sameeyay Marxuum Maxamed Cabdi Juusto.

Mogadishu, November 05, 2014- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh ayaa maanta kaga qeybgalay Xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda kulan tacsi iyo duco loo sameeyay Allah u naxariistee marxuum Maxamed Cabdi Maxamed Dhollawaa “ Juusto” oo ka mid ahaa howlwadeenada Wasaaradda oo koox hubeysan ay ku dileen Xaafadda Buulo xuubey ee degmada Wadajir ee Magaalada Muqdisho 02 November 2014.
1

Kulanka ducada ayaa Wasiirka kula dardaarmay Shaqaalaha Wasaaradda , isagoo sheegay in naf waliba ay dha-dhamin doonto geerida maalinta xaqqa ah ee ugu qoran diiwaanka xifdisan “ Loox almaxfuud” , isagoo sheegay beegsashada iyo dilka dadka rayidka ah uu dhammaan doono , Soomaaliyana ay ku waari doonto nabad iyo barwaaqo.

Wasiir Dr. Abdirahman D. Beileh waxa uu yiri “ Marxuum Maxamed Cabdi Juusto waxa uu ahaa nin dhalinyaro ah , Allah ayaa qadaray geeridiisa , mustaqbalkiisa ayuu horumarinayay si uu ugu adeego dalkiisa”.

Wasiirka iyo Shaqaalaha Wasaaradda ayaa Allah weydiistay in naxariistiisa iyo nicmadiisa uu hugiyo Marxuum Maxamed Juusto ,gurina uga dhex dhiso Janadiisa Alfardows al aclaa “ Aamiin yaa Allah”.

Marxuum Maxamed Cabdi Maxamed Dhollawaa “ Juusto” waxa uu ka mid ahaa howlwadeenada qeybta Xogheynta ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga , isagoo Wasaaradda ku soo biiray bishii May 2014 , waxa uu noqday Xogheynta gaarka ah Xoghayihii joogtada hore ee Wasaaradda Cabdullahi Dool Maxamed , ka hor Wasaaradda waxa uu ka shaqeeyay Ururo dhalinyaro iyo hey’ado ka dhisan deegaanada Maamul goboleedka Puntland.

Marxuum Maxamed Cabdi Juusto , waxa uu ku dhashay tuulada Sheerbi ee gobolka Bari sanadkii 1988 , heerka aqoonta waxa uu heystay darajada master degree oo uu ka qaatay Xiriirka Caalamiga , Jaamacadda Caalamiga ah ee Kampala “ Kampala Intertaional University” , waxa uu kale oo bishii September ee sanadkan Wasaaraddu u dirtay inuu ku soo qaato Magaalada Seoul ee wadanka Koonfurta Korea tababar diblomaasiyeed oo muddo laba todobaad soconayay.

INNAA LILLAAH WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN

Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda
Section of Press and Public Relations
<info@mofa.gov.so
2

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.