Home » Warar »

Wafdi ka socda hay’addaha QM oo booqday degmada Garbahaarey ee gobolka Gedo.

Saraakiil ka tirsan hay’addaha QM qaarkood ayaa maanta gaaray degmada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo, wafdiga oo kasoo kicitimay magaalada Nairobi ayaa waxaa degmada Garbahaarey kusoo dhaweeyay mas’uuliyiinta maamulka gobolka Gedo oo guddoomiyaha gobolka Maxamed Cabdi Kaliil uu horkacayo.

Guddoomiyaha gobolka Gedo Mudane Maxamed Cabdi Kaliil oo ugu horeyn hadalka qaatay, ayaa xusay in waxyaabaha ugu waaweyn ee ay wefdiga Qaramada Midoobey ka socda ka wada hadleen ay kamid yihiin: sidii wax looga qaban lahaa deegaanada ay abaaruhu ka jiraan ee ku yaal dhulka magaalooyinka ka durugsan iyo weliba sidii kor loogu qaadi lahaa nolosha dadka barakacayaasha ah ee xoolahoodii ku waayey abaarta.

Kaliil ayaa sidoo kale sheegay in ay isla soo qaadeen xubnaha Wafdiga UN-ka sidii mashaariic horumarineed looga fulin lahaa deegaanada gobolka Gedo iyo in ay si joogta ah uga howlgalaan gobolka Hay’addaha Qaramada Midoobay ee dhinacyada Siyaasadda iyo Samafalka qaabilsan.

Guddoomiyaha degmada Garbahaarey Mudane Iimaan Caddoow Kaarshe oo ka mid ahaa mas’uuliyiintii la kulantay saraakiisha ka soctay UN-ka, ayaa sheegay in ay ka wada hadleen arrimo la xiriira siddii loo gargaari lahaa dadka ku dhaqan degmada oo mudo dheer sida uu sheegay wax gargaar ah helin.

”Saraakiisha waxaa ay ahaayeen xubno dhinaca gar-gaarka u qaabilsay hay’addaha QM, qiimeyn ayeey ku sameynayeen xaaladda amniga degmada iyo sidda ugu fudud ee gargaar loo soo gaarsiin karo dadka ku dhaqan degmada Garbahaarey oo mudo dheer aan wax kaalmo ah helin,” ayuu yiri Iimaan Caddoow Kaarshe.

gedo75
Waxaa uu sheegay in ugu danbeyntii leysku afgartay in sida ugu dhaqsiyaha badan kaalmo loola soo gaaro dadka ku dhaqan degmada oo saameyn ay ku yeesheen abaarihii sida daran u saameyay qeybo kamid gobolka Gedo

waxaa soo tebiyey Ahmed Mohamed

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.