Madaxda ugu sareysa dalka oo ka qeyb galay Aas Qaran oo loo sameeyay Taliyihii Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.
Mogadishu, 02 November 2014 –Madaxda ugu sareysa dalka ayaa ka qeyb galay Aas Qaran oo gelinkii danbe ee maanta loogu sameeyay Dugsiga tababarada Ciidanka Booliska ee General Kaahiye, Taliyihii Ciidammada Booliska Soomaaliyeed S/G Maxamed Sheekh Xasan Ismaaciil oo oo maalintii khamiista ku geeriyooday magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda F. Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan “Jawaari”, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, Xubno ka tirsan labada gole ee dowladda, Saraakiisha Ciidamadda dalka, Siyaasiyiin, iyo dadweyne kale ayaa wadajir marxuumka ugu tukaday Salaadda Jannaasada, waxana ay dhammaantood alle uga baryeen in uu jannaadiisa ka waraabiyo ehelladiisa iyo ummada Soomaaliyeed ee uu ka baxayna samir iyo iimaan uu ka siiyo.
—DHAMMAAD—
Ahmed-Nur Mohamed
Warbaahinta Xafiiska R.W
Mogadishu-Somalia
Tel: +252-6155-02546
Tel: +252-6988-88022
comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.