Home » Warar »

Ku Simaha Madaxweynaha Dalka Oo Taageeray Go’aanka Xukuumadda Ee Dhismaha Maamulka Koonfur Galbeed “VIDEO”

Ku simaha Madaxweynaha Dalka ahna Gudoomiyaha Golaha Shacabka
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari
ayaa taageeray go’aannada Xukuumadda oo la xiriira in la ballaariyo
dadaallada ku aadan in loo wada dhamaado gogosha shirka ergada dhisidda
maamul sameynta gobollada Koonfur Galbeed Soomaaliya oo ka soconeysa
magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay.

jawaariMudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari Ku simaha Madaxweynaha Dalka ayaa
yiri “waxaan hor iyo horaan doonayaa in aan halkaan ka ayido aniga oo ku
hadlaya magaceyga,magaca Madaxweynaha Jamhuuriyadda go’aannada kasoo baxay
Ra’isulwasaaraha Xukuumadda ee lagu xoojinayo dadaallada is fahamka iyo
wada hadalka ah ee ka socda magaalada Baydhabo si ugu dambeyn loo helo in
shirka ergada ee ka socda magaalada Baydhabo uu u noqdo mid loo wada
dhanyahay oo dhammaan shacabka Koonfur Galbeed ay ka wada qeybgalaan”.

“waxaan rabaa inaan xusuusiyo dhammaan ergooyinka,wasiirrada howsha wada,
siyaasiyiinta,guddiga farsamada iyo guud ahaanba shacabka Koonfur Galbeed
markii howlahan oo kale la qabanayo habraaca ayaa ka muhiimsan natiijada
soo baxda waana muhiim in habraaca loo marayo howsha dhameystirka dhismaha
maamulka Koonfur Galbeed inuu noqdo mid loo wada dhan yahay si loo helo oo
uu u sameysmo maamul lagu diirsado,loo wada dhan yahay islamarkaana lagu
qanac sanyahay sida uu madasha furitaanka ka sheegay Madaxweynaha
Jamhuuriyadda in dhinacyada gogoshaasi ka maqan oo ay Odayaasha ugu
horeeyaan laga wada qeybgeliyo”ayuu hadalkiisa sii raaciyey Ku simaha
Madaxweynaha Dalka.

Ugu dambeyntii Ku simaha Madaxweynaha Dalka ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka
Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari waxa uu u
mahad celiyey Xildhibaannada Golaha Shacabka ee ku sugan magaalada
Baydhabo dadaallada ay wadaan iyo xubnaha howshooda gacanta ku siiyey
waxaana uu ugu baaqay dhammaan shacabka iyo siyaasiyiinta Koonfur Galbeed
iney mar walba ilaaliyaan xasiloonidooda ayadoo laga fogaanayo wax kasta
oo qalalaase keeni kara.

—DHAMAAD—

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Ee Guddoonka Baarlamaanka

Media and Public Relation Office Of Speaker

Email:- Media@parliament.gov.so

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.