Home » Maqaallo »

Labakacleyntii Qabyaaladda (from Dekad to Saldhig)

Inkasta oo duufaanadii qabyaaladeed ee maalmahan magaalada Hargeysa ka dhex socdey, ay foolxumaayeen dhamaantoodba, haddana waxaa soo ifbaxayey in sidii lagu sheegi jiray cudurka HIV/AIDS marxaladaha ay dadkiisu maraan, ay ugu xuntahay marxalada dafiraada ama isdiidsiinta. Taas oo noqotey ta ugu xun ee qarisa in xalka la helo. Kuwa qabyaalada la badheedhay aad ulamaan sii yaabin, waxaase ka sii yaab badnaa intii qarsatada ahayd ee hadana qabyaaladu ka muuqatay. Oo qaar badan baa Hargeysa ama buqcad dhul ah dusha ka saarayey inay qabyaaladu biyo dhigtey. Waxaa ugu xumaa kuwii iyagoo aan niyadsamayn yidhi xaal baanu bixinay,,xaalku sidaa muu ahayne waxan sidan loo bixinayaa maaha xaal ee waa Xumayn.

Marka la milicsado, waxaa la yaabka ugu weyn dhigay iyadoo arday iyo dhalinyaro ka hadleyso in xarunta akhriska ee Gaandi Library la iibiyo ama la baabiiyo, kuwii magaca qabiilka huwiyey ee yidhi maxay reer hebal ka hadlayaan. Kuwii ugu jawaabay magaca qabiilku iyaguna may dhaamin. Anigu horaan u dhigi bahasha ma qiranaa horta markaas baynu xalka gaadhi karnaaye. Haddiise hoosta lagu wada haysto dushana aqoonyahan laga sheegto, waa munaafaqad, waana ta dadkeenu maanta u dhimanayo, munaafaq+qabyaaladaasi. Waxaa iigu yaab badnaa, bahashan qabyaaladda in la isugu faanaa waa wax xune, haddana dadkii ay ka soo farcantey isugu faanku ee Qureesh iyo xiligii Casrul-jaahiliga, oo haddii nin sheegto dhulka oo dhan ka u jawaabayaa samada oo dhan buu sheegan jiray. Maanta waxaad arkaysaa xitaa inaan sidaa Casrul-jaahiliga aynu kasii hooseyno oo kuwa Dekadaha sheegtey haba khaldanaadaane, kuwii Saldhigyada iyo Baloodhada sheegtey baa kasii liitay..kkkkk…waxaanad ka arkaysaa sida cadaabta loogu sii kala hooseeyo.

Sida ka muuqata taariikhda yara fog, dhulkan waxaa inooga soo horeeyey oo aynu ka hirney “Galla” oo ka tirsan Oromada. Haddii aynu Xaaji hebel baa dhulkaa lahaa aynu dhaafiweyno, waxay soconaysaa in xaaji kale uga sii horeeyey oo sidaa isku dabotaxnaato ilaa loo galo Oromadii oo aynu balaayo inaga maqan u sacabo tumano.

Haddaba, marka maanta la eego marxaladan la marayo waxaa aabo u ah hogaanka dalka oo dariiqa xun iyo ka wanaagsan labadaba isugu jeexi kara. Haddii dib aynu u eegno, sanadihii todobaadanaadkii (1970s) ilaa sideetanaadkii (1980s) ayaa iyadoo hore uu Siyaad Barre u yidhi qabyaaladii waanu aasney haddana laga arkayey maamulkiisii isagoo ku shaqanaya qabyaalad. Waxaa aad u yaab badnaadey dad isdiidsiinayey oo lahaa qabyaaladi ma jirto, oo dawladnimo iyo wax wanaagsan baa jira ee yaan la hadlin lahaa. Kuwaasi dadkey lugooyeen. Waxaana ka fiicnayd iyagoo runta la iska garto oo la qirto, kadibna xalka la isla meel dhigo. Maanta sidii oo kale ayaad moodaa in qudhun la qarsanayo. Wixii aad qarsataana wuu ku qarsadaaye. Aan soo qaato tuducyo kamid ah marxaladii wakhtigaasi taagnayd iyo gabayga Duufaan ee uu tiriyey Allah ha u naxariistee Cali Xasan Banfas 1980-kii. Wixii ka dhacayna waa la ogaa, ee maanta wax halagu qaato. Tuducyadaasina waa kuwan:

• Dugsi maleh qabyaaladi hadii la isku dagay haatan;
• Daraygii la keen miiska oo diirkii laga qaadye;
• Duuduubku cuna waa waxay nagu dabreeyeenne;
• Dirxigaa halkii uu ku jiray loogu daadegiye;
• Dulucdiyo ujeedada anoon dabaqa saaraynin;
• Duca iyo habaar lagu wadyoo daafad lagu waaye;
• Ilaahbaa dawaarka u rogoo kiciyey duufaanne;
• Dunduntii adkeyd maanta waa iney dulaantaaye;
• Abeeskii dushuu saaranyahay daalinka ahaaye;
• Dabkii lagu shiduu soo baxoo xagani waa daadde;
• Xaga kale ayuu doontay oo dabinkii baw yaalle;
• Xaga kale daluumaa ka qodan laga danbeeyaaye;
• Inuu duulo mooyee dhulkii daw ka heli waaye;
• Si kastaaba waw darantahoo soona degi waaye;
• Diiwaanaday buuxiyeen daymankuu qabaye;
• Gugii hore dantaaduu wadaa waan u daaqsadaye;
• Dacartaa la ii qooshaybaan doobigaw culaye;
• Gugii xigay dareenbaa igalay igana daahnaaye;
• Gugii xigay intaan daynayuu daabka ii tumaye;
• Gugii xigay dabkuu iga dhigoo kiisiibay dilaye;
• Gugii xigay aniyo duunyaday nala dawaareeye;
• Gugii kale dushuu iiga baxay sida dameerkiiye;
• Gugii kale wuxuu damacsanaa loo diyaafadiye;
…. …. …. ….
• Dhankastaba markii laga dayo iyo daakhilkiyo guudka;
• Dal ma jiro e soomaali waa dabargo eediiye;
• Dembi calanka lama saarayoo madhay dadkiisiiye;
• Darmadiyo naftaadaa cidlada lagula doodaaye;
• Hadba diric intii lagu hawiro daacad lagu sheegye;
• Daldaloolka iyo shaadirkaan diiradku hayaaye;
• Dirays kale hadii aynoo xidhaan waa dirkii hore;

• Duqdu waa shan madaxley hadaad dili karaysaane;
• Calaalaha darandoorigii diirka ka idleeye;
• Waxba yaan durbaankii horiyo daasadley tuminne;
• Ninka dawladnimo sheegayow daawo noloshaada…

Hadal iyo dhamaan, waxaa inala gudboon inaynu ducaysano, in Illaahay inaga daweeyo qabyaaladda iyo munaafaqadda. Oo sidii Illaahay ugu talo galay in qabaa’il iyo bulshooyin la noqdo la isku garto, oo la isku xidhiidhiyo, in la isugu faano oo la isugu hanjabana Ilaahay inaga badbaadiyo.

Garyaqaan: Xasan Cali Xasan (Banfas)
Email: qareenxasan@hotmail.com
qareen

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.