Home » Maqaallo »

Geediga Wadaay & Maxaa Iga Gallay!

——— ———- BULXAN ——– —–
1) Kacaan baa dhashay; Bishaaro! Bishaaro! Geeddiga wadaay!
2) Qabyaaladdii waa la aasay; Bishaaro! Geeddiga wadaay!
3) Af-Soomaaligii waa la qoray; Bishaaro! Geeddiga wadaay!
4) Waxbarashadu illaa jaamacad waa billaash, Geeddiga wadaay!
5) Ololihii -Miyigaa waa la hirgaliyay; Bishaaro! Geeddiga wadaay!
6) Waxqoreyaal oo ahaa 3%, hadda waa 67%; Geeddiga wadaay!
7) UN Billado ayay ina siisay; Bishaaro! Geeddiga wadaay!
8) Abaartii 1974 dadkii waa loo gurmaday; Geeddiga wadaay!
9) 30 warshadood baa la dhisay; Bishaaro! Geeddiga wadaay!
10) Laamiyo dhaadheer baa la dhisay; Geeddiga wadaay!
11) Dakado waawayn baa la dhisay; Bishaaro! Geeddiga wadaay!
12) Airportyo waawayn baa la dhisay; Bishaaro! Geeddiga wadaay!
13) Bacaadkii Shalambood waa la joojiyay; Geeddiga wadaay!
14) Jaamacaddii Ummadda waa la hirgaliyay; Geeddiga wadaay!
15) Wadankii wuu horumaray; Bishaaro! Geeddiga wadaay!
16) Dadku way is jecel yihiin; Bishaaro! Geeddiga wadaay!
17) 1980-ku waa higsiga isku filnaanshaha; Geeddiga wadaay!
18) Xoogga Dalkaa Africada madow u fiican; Geeddiga wadaay!
19) Jabuuti waa la xoreeyay; Bishaaro! Geeddiga wadaay!
20) Ruushku hanaga baxo; Bishaaro! Geeddiga wadaay!
21) Soomali Galbeed waa la xoreeyay; Geeddiga wadaay!
22) Qaadkii waa la mamnuucay; Bishaaro! Geeddiga wadaay!
——— ———— GURXAN ——– ——–
1) Dalku waa hawl & hanti wadaag; Maxaa iga gallay!
2) Wadaadaddii waa la laayay; Maxaa iga gallay!
3) Ruushku wuxuu yiri ciidankiina la baxa; Maxaa iga gallay!
4) Ciidamadii waa la soo celiyay; Maxaa iga gallay!
5) Inqilaab baa kashifmay; Maxaa iga gallay!
6) Majeerteen mucaarad buu noqday; Maxaa iga gallay!
7) Majeerteen waa la laayay; Maxaa iga gallay!
8) SSDF oo Ethiopia caawiso ayuu samaystay; Maxaa iga gallay!
9) Majeerteen waxbuu laayay; Maxaa iga gallay!
10) Galdogob & Balanbal xabashi baa qabsatay; Maxaa iga gallay!
11) Booli qaran baa la dhistay; Maxaa iga gallay!
12) Qabyaaladdii way soo noqotay; Maxaa iga gallay!
13) Madax baa la xirxiray; Maxaa iga gallay!
14) Isaaq mucaarad buu noqday; Maxaa iga gallay!
15) Isaaq waa la laayay; Maxaa iga gallay!
16) SNM oo Ethiopia caawiso ayuu samaystay; Maxaa iga gallay!
17) Isaaq waxbuu laayay; Maxaa iga gallay!
18) Hawiye mucaaradbuu noqday; Maxaa iga gallay!
19) Hawiye waa la laayay; Maxaa iga gallay!
20) USC oo Ethiopia caawiso ayuu samaystay; Maxaa iga gallay!
21) Hawiye waxbuu laayay; Maxaa iga gallay!
22) Ogaadeen mucaaradbuu noqday; Maxaa iga gallay!
23) Ogaadeen waa la laayay; Maxaa iga gallay!
24) SPM oo Ethiopia caawisuu samaystay; Maxaa iga gallay!
25) Ogaadeen waxbuu laayay; Maxaa iga gallay!
26) Raxanwayn mucaarad bay noqotay; Maxaa iga gallay!
27) Raxanwayn waa la laayay; Maxaa iga gallay!
28) RRA oo Ethiopia caawiso ayay samaysteen; Maxaa iga gallay!
29) Raxanwayn waxbay laysay; Maxaa iga gallay!
30) Dawladdii way burburtay; Maxaa iga gallay!
31) Daarood waa la laayay; Maxaa iga gallay!
32) Daarood waxbuu laayay; Maxaa iga gallay!
33) Waquuyigu goosashuu ku dhawaaqay; Maxaa iga gallay!
34) Beesha shanaad waa la laayay; Maxaa iga gallay!
35) Mooryaan baa dillaacday; Maxaa iga gallay!
36) Gabdhihii dariska waa la kufsaday; Maxaa iga gallay!
37) Odaygii deriska waa la dillay; Maxaa iga gallay!
38) Deriskii waa la biliqaystay; Maxaa iga gallay!
39) Warshad $50 Million ah, $50 kun lagu gaday; Maxaa iga gallay!
40) Xarkahii korantada maar-nimaa loo gaday; Maxaa iga gallay!
41) Taalladii qaranka macdan-nimaa loo gaday; Maxaa iga gallay!
42) Tuumbooyinkii biyaha bir-nimaa loo gaday; Maxaa iga gallay!
43) Dhirtii dhuxul ahaan baa loo xaalufiyay; Maxaa iga gallay!
44) Dalkii macaluulbaa ka dillaacday; Maxaa iga gallay!
45) Abaarihii way soo bateen, Maxaa iga gallay!
46) Baddii sun baa lagu aasay; Maxaa iga gallay!
47) Baddii maraakiib Jiriif ah baa xaalufisay; Maxaa iga gallay!
48) Dad tahriibay ayaa badda ku le’day; Maxaa iga gallay!
49) Soomaali baa South Africa lagu laayay; Maxaa iga gallay!
50) Ragbaa Ethiopia loo gacan galiyay; Maxaa iga gallay!
51) Niman afduuban baa dad laayay; Maxaa iga gallay!
52) Argagixiso la dirir baa dad iibiyay; Maxaa iga gallay!
53) Gaajo, silic, abaar, & colbaa naga dhergay; Maxaa iga gallay!
54) Diinta xageedaa loo cararay; Maxaa iga gallay!
55) Maxkamaddo Islaami ah baa midoobay; Maxaa iga gallay!
56) Ashahaado la dirirkii waa laga adkaaday; Maxaa iga gallay!
57) Dawlad taag daran baa dhalatay; Maxaa iga gallay!
58) Dawladdii riddaa lagu sheeggay; Maxaa iga gallay!
59) Dhiigga riddadu waa xalaal baa la yiri; Maxaa iga gallay!
60) Dawladdii dagaal baa lagu qaaday; Maxaa iga gallay!
61) Ethiopia ayay hiil waydiisatay; Maxaa iga gallay!
62) Maxkamadihii waa laga adkaaday; Maxaa iga gallay!
63) Ethiopia hanaga baxdaa la yiri; Maxaa iga gallay!
64) Shabaabbaa dalkii dib u qabsaday; Maxaa iga gallay!
65) Shabaab alqaaciday noqotay; Maxaa iga gallay!
66) Badda shidaalka leh Keyna ayaa sheegatay; Maxaa iga gallay!
67) Burcad baddeed baa badihii la mari wayaay; Maxaa iga gallay!
68) Burcad & Argagixiso baa la noqday; Maxaa iga gallay!
69) Caalamkii baa naga qayliyay; Maxaa iga gallay!
70) Cawaanka dawlad haloo dhiso baa la yiri; Maxaa iga gallay!
71) Africaan & reer galbeed baa soo gurmaday; Maxaa iga gallay!
72) Kenya Jubooyinkii bay qabsatay; Maxaa iga gallay!
73) Ethiopia hanoo soo noqotaa la codsaday; Maxaa iga gallay!
74) Shabaab waa laga adkaaday; Maxaa iga gallay!
75) Burcadbadeed waa la tirtiray; Maxaa iga gallay!
76) Maamul gobolleedyo ayaa naloo dhisay; Maxaa iga gallay!
78) Deeqdii Turkiga Xamar uun baa lagu dhisaa; Maxaa iga gallay!
79) Faraax badel & maya ayaa layku haystaa; Maxaa iga gallay!
80) Caalamku muraad igama laha illaa ay iga baqaan mooyee!
81) Burcad & Argaxiso dartood ayuun baa la inagu caawiyaa!!!!
82) Haddaba, miyaan inoogu duceeyaa inuu Illaahay labadaa inoo soo badiyo, mise Bulxanoow reerka sida waa laga daynayaa????

W/Q: Axmed-Assad
Ahmedy98@yahoo.com
unnamed

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.