Home » Warar »

Xulashada Jimcaha: Furitaankii Masaajidka Abubakar Al-ssadiq ee Ohio

Sidaan la wada soconno waxaa maalintii sabtiga oo ay taariikhda miillaaddigu aheyd 25/10/2014 curtay sanadkii cusbaa ee Hijriyada Islaamka 1436. Haddaan nahay bahda Somalitalk-na waxaan guud ahaan umadda muslimiinta ah u rajeynaynaa sanad khayr qaba.

Haddaba, waxaa farxad u ah Somalitalk in ay xulashada toddobaadkan ku soo qaadato furitaankii masjidka weyn ee Abubakar Asaddiiq oo magaalada Ohio, Columbus laga furay maalintii uu curtay sanadka cusub ee Hijriyada. Xaruntan cusub ee Abubakar Asaddiq Islamic Center, waxay noqoneysaa xarunta Islaamiga ah ee ugu weyn oo ay Soomaalidu ku leedahay Waqooyiga qaaradda Ameerika.
abubakar-ohio
Tallaabadan horumarka ah ee ay ku tallaabsatay jaaliyadda Soomaaliyeed ee Waqooyiga Ameerika, gaar ahaan reer Ohio, Columbus, waa mid ku dayasho iyo hambalyeyn mudan. Horumarka sidan oo kale ahina, wuxuu muujinayaa awoodda ay leeyihiin iyo waxa ay qabsan karaan, haddii ay dadka Soomaaliyeed is aaminaan, iskuna tashadaan ayagoo kaashanaya walaalahooda muslimiinta iyo guud ahaan inta nabadda jecel.

Somalitalk waxay u rajeyneysaa xarunta cusub ee Abubakar Islamic Center, iney noqoto mid lagu soo hirto oo umadda Muslimiinta ah iyo ummadaha kale ee ay la noolyiniihba u horseeda horumar.

Video:

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.