Home » Warar »

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo geeriyooday

Muqdishu: General Maxamed Sheekh Xasan Ismaaciil ayaa goor dhawayd ku geeriyooday magaalada Muqdishu. General Maxamed ayaa u geeriyooday si dag dag ah, ilaa hadana lama xaqiiyin wax sababay geeridiisa, Raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa magacaabay gudi xaqiijiya Geerada taliyihii Ciidanka Booliska.
Taliyaha

Bahda Somalitalk ayaa ka tacsiyeynaysa geerida ku timid Taliyaha ciidanka Soomaaliyeed, General Maxamed Sheekh Xasan Ismaaciil, Inaa lillaahi wa innaa ilahayi raajicuun, illaahay isagana ha u naxariisto, dhammaan ehelka iyo ummada Soomaaliyeedna samir iyo iimaan ha ka siiyo.

War  xafiiska Raysal wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiwali Sheekh Axmed Maxamed  soo gaarsiiyey Somalitalk kana hadlaya geeridan dag daga ah ayaa waxa uu u qornaa sidan;

“Dhanka kale. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda F. Soomaaliya ayaa magacaabay Guddiga Wasiiro ah oo ka kooban shan (5) oo beeritaan kusoo sameeya geerida kadiska ah ee ku timid taliyihii ciidanka booliska Soomaaliyeed.

Waxayna kala yihiin.
1. Ra’iisul Wasaare ku-xigeen ahna Wasiirka Diinta iyo Awqaafta, Mudane Ridwan Xirsi Maxamed (Guddoomiye)
2. Wasiirka Caafimaadka Mudane Cali Maxamed Maxamuud (Xubin)
3. Wasiirka Warfaafinta Mudane Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow (Xubin)
4. Wasiirka Beeraha Mudane Axmed Cabdi Baaffo (Xubin)
5. Wasiirka Amniga Qaranka Mudane Khaliif Axmed Ereg (Xubin)”

Sidoo kale waxaa ka hadlay Kusimaha Madaxwaynaha ahna Gudoomiyaha Baar lamaanka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, qoraal kasoo baxay xafiiskiisana wuxuu u qoraa sidan;

Ku simaha Madaxweynaha Dalka ayaa yiri “INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI
RAAJICUUN, Hor iyo horaan anigoo ku hadlaya magaceyga,magaca
Madaxweynaha,magaca Guddoonka Baarlamaanka iyo magaca Xildhibaannada
Golaha Shacabka waxaan ka tacsiyadeynayaa geerida naxdinta leh ee ku timid
Allaha u naxariistee walaalkeen General Maxamed Xasan oo ahaa Taliyihii
Ciidammada Booliiska Soomaaliyeed,waxaan Alle uga baryayaa inuu
naxariistiisa jano siiyo,dhammaanteenna uu samir iyo iimaan naga wada
siiyo”.

Waxaa kaloo ka mid ahaa qorlaaka Xafiiska gudoomiyaha Soomalitalk soo gaarsiiyey in General Maxamed u geeriyooday xanuun dag dag ah oo kusoo booday, hadalkuna wuxuu uqoraa sidan;

“Allaha u naxariistee General Maxamed Xasan Ismaaciil oo ahaa taliyaha
Ciidammada Booliiska Soomaaliyeed ayaa goor dhow magaalada Muqdisho ugu
geeriyooday xanuun deg deg ah oo kusoo booday”

General Maxamaed Xasan Taliyaha Ciidanka ayaa xilkan loo magaca caabay bilogii bisha July ee sanadkan.

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.