Home » Faallo »

 Yaa curyaamiya  Hananka Dawladnimo  ee Soomaaliya?

Waxaa markale dib u bilowday Ciyaarihii Villa Soomaaliya ee’ ahaa Khilaafka Madaxwaynaha iyo Ra’iisul wasaaraha sidda  ‘ aan maqlay  R’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdiwali Shiikh  Axmad ayaa isku shandhayn ku Sameeyey qayb ka midda Gollaha Wasiiradda taasoo  soo shaac  saartay khilaafka Madaxada  sare ee Dawladda  Federalka ee Soomaaliya  markhaati  ma doontana ka dhigtay  khilaafka u dheexeya   Ra,iisul  wasaaraha iyo Madaxwaynaha  waa Xasan  Shiikh iyo  Cabdiwali sheikh.

Wax nagu cusub ma`ahan  inay  xulufo kala leeyihiin madaxada sare ee Soomaaliya  Hogaamisa  ayna   danta ummadda   ka hormariyaan saxiibadooda  waana midda  keenta  khilaafka  mar walba ka dhex  qarxa   Madaxwayne iyo Ra,iisul wasaare Wasiir Hebal yaan labadalin iyo  waa la badalaya   Ninkas  xilkaas u magacow iyo  u Magacaabi mayo   waa midda  saldhiga u ah Khilaafka soo kala dhex gala Madaxda sare ee Soomaaliya   waxaan ogayn  wixii ka dhashay xil ka qaadistii ay Gollaha Wasiiradu ku sameyeen  7, Sitembar 2014 Taliyihii  Nabad sugida  Mudane  Cabdulahi Maxamad Cali (Sanbaloolshe)  taasoo markii hore  Madaxwaynuhu ku shegay  arrin lagu dag dagay  in kastoo markii dabe uu aqbalay   maantana  waa  khilaaf ama is afgaran waa   lamida kii  hore..  kadib markii madaxwaynuhu   tiri  wasiir kaste  ha sii wato shaqadiisa .

Faarax Sheekh C/qaadir oo ah wasiir aad ugu dhow madaxweynaha ayaa loo dhiibay Wasaaradda xannaanada xoolaha, dhirta & daaqa, iyadoo Sidoo kale wasiirkii xilkaas hayay loo magacabay  wasaaradda cadaaladda oo Ahayd mida uu horay u hayay Faarax Shiikh C/qaadir taas oo madaxwayne  Xasaan sheikh  Maxamuud uusan ku Qanacsanayn kuna  farxin waayo Madaxwayne Xasaan ma doonayo inuu lumiyo  mid kamidda  xulufadiisa aadka ugu dhaw.

Faarax Shiikh Cabdul Qaadir runtii waa nin wax wayn ka baddalay Hananka Siyaasadeda ee Viila Soomaaliya waa ninkii ka dabeeyey Hishiiskii Jubland iyo Dawladda  Federalka  ku dhex maray  Dalka Itoobiya  Ama Ethiopia) sidookale waa  Ninkii   soo xero Galiyey  Korneyl  Bare Adaan shire  ( Bare  Hiiraale) oo ka soo Horjeestay Mamulka  ku meel  gaarka ee  Jubaland  waana  Nin ay aad  isku dhaw yihiin  dhanka Fikirka  Madaxwayne  Xasaan sheikh

                          Gaashaanka ku dhuftay  Isku  badalka Wasiiradda

Dhanka kale Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Shiikh ayaa Gaashaanka ku dhuftay Ama diiday wareegtata ka soo baxday Xafiiska R’iisul Wasaaraha waa khilaafkii ugu Waynaa  ee dhex mara labadda Ma’suul tan iyo markii uu madaxwaynuhu  xilka  R,iisul wasaare u magacaabay  Cabdiwali sheikh Maxamad oo lagu  tilmaamo  Nin  ku adag muuqufkiisa

Sidda muuqata waa marxalad kale oo curyaamin doonta geedi socodkii Dawladnimo ee Rajada laga qabay waana cudur caadi ka noqday Villa Soomaaliya inay is qabtaan Madaxwayne iyo Ra’iisul wasaare laga soo Bilaabo Dawladdii Carta lagu soo dhisay ilaa maanta xaqiiqaduna madaxda sare  ayaa curyaamiya  hananka  Dawladnimo  ee Soomaaliya  waayo malahayn  mooqaf  midaysan.

Nickolas Kay  oo saadaaliyey   xili hore khilaafka Dadaxda sare ee Soomaaliya
Wakiila Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u Qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay, ayaa mar uu ka Hadlayey heshiisii Puntland iyo Dawladda Federalka dhex maray ee Garoowe lagu saxiixay wuxuu ka dhawaajiyey inay walwal ka Qabaan khilaaf soo kala dhex gala madaxdda sare ee Dawladda Soomaaliya  waana   Soo  shaac baxday arrintii   uu  Nicholas  Kay  walaaca  ka muujiyey xili hore..

 Amarka uu bixiyey Madaxwaynaha
1,Inuu wax kama jiraan yahay waxa lagu sheegay isku shaandheynta xubno ka tirsan Golaha wasiirradda ee ka soo baxay Xafiiska Rai-sul Wasaaraha 25kii Oktoobar 2014;
2, In Wasiir kasta uu sii wato xilkii lagu ogaa, samaynna aanay ku yeelan warka ka soo baxay Xafiiska Ra’isul wasaaraha 25kii Oktoobar 2014

3, In Ciidammada Ammaanku sii adkeeyaan siina wadaan howlgallada hada socda;

  1. InSaraakiisha iyo shaqaalaha rayidka ee Dowladda ay howshooda caadiga ah sii wataan..  taasoo ku tusaysa  heerka ay marayso  khilaafka madaxda sare

                      Yaa curyaamiya  hananka Dawladnimo  ee Soomaaliya?

Soomaaliya waxaa  curyaamiyey Dawladnimadeedii hogaanka sare ee  loo dhiibo Talada Soomaalidu waxay ku mahmahdaa (Geela  Duqdiisii   durdurisay    maxaad moodaa  Aarankiisa)   waxaan ula jeeda   mar hadii  hogaankii  sare ee Soomaaliya ay  maalin kasta  is qabqabsanayaan    xagee  bay shacabu  joogan? xageebay  Mamul Goboleedyadu joogan?   Alle ayaan ka sugaynaa  hogaamiyayaal   dhaba

                     Ugu dabayntii

Ugu  dabayntii   waxaa  beenowday   balan qaadkii  Madaxwayne Xasan Sheekh   uu  Balan qaaday  xiligii  uu  ku guulaystay  xilka Madaxwayne nimo ee Soomaaliya  markaas uu ‘uu balan qaaday inaysan  marnaba  is  khilaafi doonin   Asaga iyo  R’iisul wasaare  taasoo noqotay  mid aan waxba ka suuroobin   ilaa haddana  aan ognahay  inay labbo  Ra ‘iisul wasaare   xilka qabteen   tan iyo markii Xasan Sheikh  hogaanka dalka  la waregay   Soomaaliya   laga soo bilaabo  2000  ilaa  manta  khilaafka  Madaxwayne iyo R ‘iisul wasaare  uu dhexeya aya  noqday  curyaamiya  haykalka Dawladnimo.

Waxaa  Qoray

Cabdinuur Faarax Maxamuud

 Email-guuleed72@hotmail.com

cabdinuur

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.