Home » Warar »

Bulshada Rayidka oo ka Hadley Khilaafka u dhaxeeyo Madaxda Dowlada codsadeyna in la dhameeyo.

Cabdulaahi Maxamed Shirwac “Khilaafku waxaa uu salka ku hayaa Saddex arrimood”

Cabdi Abshir Dhoore “Waa in Shacabka la xisbaabtamaan madaxdooda”

Mudane Abkow “Bulshada rayidka waxay jecel yihiin in la dhameeyo khilaafka maadaama ay dowlad ku nool yihiin”

maanta oo ay taariikhdu tahay 29 october 2014 waxay dalladda SOSCENSA Jjilayaasha aan dowliga ahayn ee Koofurta iyo bartamaha soomaaliya) ku qabteen xaruntooda magaalada muqdisho kulan wada tashi oo looga arrrinsanyey khilaafka u dhaxeeya madaxda ugu sareysa dowladda federaalka gaar ahaan madaxweynaha iyo raiisul wasaarihiisa

xubnihii halkaas ka adley waxaa ka mid ahaa Cabduqaadir Ibraahim Gacal Abow oo ka mid ah xubnaha bulshada rayidka waxaana uu sheegey in khilaafka u dhaxeeya laba mas’uul ee ugu sareysa owladda federaalka uu sababey sicir barar ku yimid dhamaan cuntooyinka laga soo saaro dalka guddihisa iyo kuwa laga keeno dalka dibadiisa taasoo uu sheegey in bulshada soomaaliyeed aaney xamali karin oo ay culeys ku tahay, waxaana uu kulanka ka sheegey sida ay u jecel yihiin in khilaafkaan la soo afjaro maadaama ay dadka yihiin kuwa dowlad ku nool ah.

Screen shot 2014-10-29 at 7.49.00 AM
waxaa kale oo kulanka ka hadley Cabdi Abshir Dhoore oo ka mid ah saraakiisha rugta ganacsiga soomaaliya waxaana uu yiri “Aniga ma doonayo in aan la hadlo madaxda dowlada ee waxaan doonayaa in aan la hadlo shacabka soomaaliyeed waxaana leeyahay oo ku boorinayaa in shacabku ay la xisaabtamaan madaxdooda kuna abaal mariyaan wax qabadkooda xumaan iyo samaan marka aan sidaa leeyahay madaxdu waxay ka bilaabantaa xildhibaan, wasiir, raiisul wasaare iyo madaxweyne waxaana qabaa in cid waliba lala xisbaatamo”

Gabagabadii kulanka waxaa ka hadley gudoomiyaha dalladda SOSCENSA Cabdulaahi Maxamed Shirwac oo yiri “ khilaafkaan waxaa uu soo tixnaa tan iyo sannadkii labada kun, mana aha mid loo dulqaadan karo sidaa darteed waxaan ka codsaneynaa Xildhibaanada baarlamaanka in ay u istaagaan xalinta khilaafka madaxda dowladda iyagoo ka fogaanaya qabiil, eex iyo musuqmaasuq “ waa uu sii hadley mudane Shirwac waxaana uu yiri Kkhilaafkaan waxaa uu salka ku hayaa saddex arrimood kuwaas oo kala ah kow madaxda dowladda oo aan u tureyn shacabkooda, labo iyagoo aan ilaalineyn sharciga dalka u yaala maadaama aan la sameyn maxakamadii dastuuriga ahayd iyo saddex marka labadaas isbiirsadaan waxay keentey wada shaqeyn la’aan dhexdooda ah “

Isagoo ku hadlaya magaca bulshada rayidka mudane Shirwac waxa uu ku taliyey “ in Dhammaan bulshada soomaaliyeed ay u istaagaan dib u eegis lagu sameeyo dastuurka ku meel gaarka ah waxaana balan qaadeynaa in arrintaas soscensa door muhiim ah ka qaadaneyso “ Waxaa uu hadalkiisa ku soo gabagabeeyey “ waxaan baesha caalamka iyo dadweynaha soomaaliyeed ka codsaneynaa in ay gacan ku siiyaan haya’daha dastuuriga ee dalka sidii ay howshooda u qabsan lahaayeen lana taageero wixii ka soo baxa laguna kalsoonaado ”

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.