Home » Warar »

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibdda Buri’ Hamza oo la kulmay ergeyga midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya

Mogadishu, October 28, 2014- Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E. Buri’ Mohamed Hamza ayaa maanta ku qaabilay Xafiiskiisa ergeyga gaarka ah ee Ururka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa howlgalka AMISOM Ambassador Maman S. Sidikou , Taliyaha ciidanka AMISOM Lt. Gen. Silas Ntigurirwa iyo Saraakiil kale .
Kulankan ayaa looga hadlay xoojinta wadashaqeynta Wasaaradda Arrimaha Dibadda kala dhaxeysa ergeyga midowga Afrika iyo howlgalka AMISOM, adkeynta ammaanka dalka ,ka hortagidda dhuxul laga dhoofiyo dekadda macmalka ah ee degmada Baraawe ee gobolka Shabeellaha hoose iyo dekadda Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubada hoose , si loo dhaqan-geliyo go’aanka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Hassan Sheikh Mohamud iyo go’aanka golaha ammaanka ee Qramada Midoobey ay ka soo saareen arrintan .
Wasiiru dowlaha , waxa uu ugu baaqay ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM inay ka qeyb qaataan ololaha lagu joojinayo , laguna hor istaagayo in dhuxul laga dhoofiyo Xeebta degmada Baraawe iyo dekadda Magaalada Kismaayo.
Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E. Buri’ Mohamed Hamza ayaa muujiyay in dhuxusha ay sabab u noqotay in dhirta iyo deegaanka ay la soo gudboonaato dhibaatooyin kala gedisan, taasina ay ugu wacan tahay dadka oo gubaya geedaha iyo dhirta gobolada dhexe iyo kuwa koonfureed ka baxa si ay u dhuxuleeyaan , ugana ganacsadaan.
Golaha ammaanka ayaa cunaqabateyn ku rogay in Soomaaliya ay dibadda uga dhoofisho dhuxusha laga gubo dhirta, taasi oo la aaminsan yahay inuu yahay isha dhaqaalaha kooxda Al shabaab ee xiriirka la leh Ururka Alqaacida .

Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda
info@mofa.gov.so
unnamed (3)

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.