Home » Warar »

Machadka EISA oo Garoowe ku soo Gabagabeeyey Tababar

Machadka EISA oo Garoowe ku soo Gabagabeeyey Tababarka ku saabsan sida looga qayb qaato Doorashooyinka

Tababarkaan oo ay soo qabanqaabisey Machadka Electoral Institute for Sustainable Democracy in Africa (EISA) oo inta badan qaabilsan Arrimaha Doorashooyinka iyo Dastuurada ayna ka qeyb-galleen dad laga soo xulay bulshada rayidka qaybaheeda kala duwan ayaa lagu soo gabagabeeyey Magaalada Garoowe ee xarunta Maamulka Pundland Gaar ahaan Jaamacadda Bariga Afrika

Tababarkaan oo socdey mudo Afar maalmood ayaa lagu baranayey Habka Dooroshooyinka loo sameeyo, Codbixinta iyo Dimoqoraadiyadda waxaa ka qeyb-galay mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland Madax ka socotey Machadka EISA iyo marti-sharaf kale oo lagu Casuumey

Ugu horeyntii waxaa ka Hadley Xuseen Cabdi Jaamac Agaasimaha Guud ee Dowlad Gaoboleedka Puntland u qaabisan arrimaha Dastuurka, Federraalka iyo Dimoqoraadiyadda waxaa uu sheegay in tababarkan noqonayo mid u faa’ideynaya hay’addaha aan dowliga aheyn gaar ahaan bulshada ku nool Deegaanadda Puntland ,

C/qani Axmed Faarax oo ah Hormuudka Kuliyadda Deegaanka ee Jaamacadda Bariga Afrika oo isna ka Hadley Gabagabadii Tababarkaas ayaa u soo jeediyey Machadka EISA in ay kordhiyaan Barnaamijyada Wacyigelinta ah oo Shacabka lagu Baraarujinayo sidii ay Doorashada 2016 uga qayb gali lahaayeen maadaama ay tahay Mustaqbalka Doorashada ugu horeysa ee la filayo in ay dalka ka dhacdo

Ka qayb galayaashii Tababarka qaarkood oo halkaa ka hadlay ayaa sheegay in loo baahan yahay ugu horeyn in tira Koob lagu sameeyo Ummadda Soomaaliyeed inta ka horreysa Doorashada 2016-ka si loo ogaado Tirada Rasmiga ee ka qayb galeysa Doorashada soo socota ee Sannadka 2016

Macalimiintii ka socotey Machadka EISA oo iyna hadlay ayaa Mahadcelin ka dib waxay sheegeen in Ujeedka Siminaarka yahay sidii Soomaaliya ay u gaari lahayd Doorasho Madaxbanaan iyaguna Waajibkoodu yahay in ay sameeyeen Barnaamijyo Wacyigelin ah oo loogu gogal xaarayo Doorashada la filayo in ay ka qabsoonto Dalka Soomaaliya sida Qorshuhu yahay.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.