Home » Warar »

Halkaan ka Akhriso Wararkii ugu Dambeeyey ee Soomaaliya

Somalitalk 28-10-2014

Madaxweynaha Dawladda Federaalka oo furey Shirkii Maamul u sameynta Koonfur Galbeed

Wafdigii uu hor kacayay Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa barqanimadii maanta ka degay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Baydhabo. Madaxweynha Xasan Shiikh iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka Diyaaradaha Magaalada Baydhabo ku soo dhaweeyay Xubno uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya oo ay ka mid yihiin Guddigii Xukuumaddu u soo igmatay maamul u samaynta Gobolada koofurta Soomaaliya qaybtiisa Sedaxda Gobol.

Madaxweynaha ayaa markiiba u gudbay halka uu ka soconayo Shirka Maamul u samaynta isagoo xarigga ka jaray Shirka lagu soo dhisayo Maamulka Sedaxda Gobo lee Koofur Galbeed ee Soomaaliya.Madaxweynaha ayaa halkaa ka jeediyay Khudbad aad u ballaaran isagoona hoosta ka xarriiqay in nidaamkan federaliismka uu yahay mid uu qorayo Dastuurka Dalka kaasoo wadada u sii xaaraya in Soomaalaiya ay ka gudbto Nidaamkii ay hore ugu soo dhaqmi jirtay sida uu qorayo DastuurkaDalka Soomaaliya. Madaxweynaha oo Khudbaddiisu aad u dheereed ayaa meelo kala duwan ka hadlay isagoona ugu yeeray Shacabka Soomaaliyeed midnimo iyo walaalnimo isagoona ka codsaday in wixii khilaafaad ah ee jirana wada hadal lagu dhameeyo.

Dibadbax looga soo hor jeedo Imaatinka Xasan Shiikh ee Baydhabo oo maanta a ka dhacay.

Iyadoo maanta Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay uu gaaray Madaxweynaha Dawladda federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh isla markaana si diiran halkaa loogu soo dhaweeyay ayaa dhinaca kalena waxaa jiray Dibadbax looga soo hor jeedo imaatinkiisa oo magaalada ka dhacay. Dibadbaxan oo ay soo abaabuleen maamulka uu hoggaamiyo Madoobe Nuunoow ayaa u muuqanayay mid rabashado wata taasoo ciidamada ammaanku Rasaas lagu kala ceeyrinayo dadkii isu soo baxay ay ku rideen. Taasoo keentay in dibad baxayaashuna ay dhagaxyo ku tuuraan Ciidamada.

Buundadada Abshir Kaahiye oo ay dibadbaxayaasha iyo Ciidanku isaga hor yimaadeen ayaa dadkii dibadbaxa dhigayay waxay dib ugu soo laabteen gudaha Magaalada iyagoo ku qasbayay Ganacsatada in ganacsigooda ay soo xiraandibad baxana ka qayb qaataan. Qaar ka mid ah dibabaxayaasha oo war baahinta la hadlay ayaa sheegay in dibad baxan ay kaga soo hor jeedaan imaatinka Madaxweynaha iyo Maamulka la sheegayo in halkaa laga samaynayo.

Dagaal maalintii labaad Duleedka Magaalada Kismaayo ka socda

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in maalintii labaad Dagaal u dhaxeeyay Ciidamada Maamulka Jubba iyo kuwa Kenya ee qaybta ka ah hawl galka Amisom oo isku dhinac ah iyo dagaalyahanada Xarakada Shabaab.Dagaalka ayaa waxaa soo qaaday ciidamada is garabsanaya iyadoo dagaalyahanada Xarakada Shabaab ee halkaa ku sugana ay kala hor yimaadeen iska cabin taasoo keentay in dagaalku sii socoshadiisu daba dheeraato qolabana mar la riixo. Dagaalka ayaa waxaa ka qayb qaatay diyaaradaha dagaalka ee dalka Kenya kuwaasoo marar kala duwan dukheyn ka gaystay goobta la isku haysto oo ah Birta dheer oo dhowr kilo mitir u jirta Magaalada Kismaayo.

Wararkii u horeeyay ee halkaa naga soo gaaray ayaa sheegaya in illaa iyo iminka dhimashadu ay gaarayso Illaa afar qof oo dhinacyadii dagaalamayay ka kala tirsan halka dhaawucuna intaa ka badan yahay. Dadkii shacabka ahaa ee halkaa degganaa ayaa waxa ay bilaabeen in halkaas ay isaga cararaan iyagoo ka baxsanaya colaadda maalintii labaad halkaa ka soconaysa..

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
unnamed (2)

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.