Home » Gabay »

Sirta kulafaq.

19/03/13

1. Kelinimo sugnaanshale u qira, saatir waa axade
2. Ku salliyoo rumee muxamed waa, suubanii nebiye (scw)
3. Salaadda iyo soonkiyo xajkiyo, sadaqadii maalka
4. Waajibaadka lagu saaray iyo, raac sunnada qaado
5. Cibaadaa laguu suubsadee, saamac kelimaadka
6. Caqli sugan samiic iyo basiir, siiye kuu unugye
7. Saxa iyo xumaantana fahmada, sooce kala saarye
8. Laba surin midkaad mari ogaal, waad la socotaaye
9. Midna naarta kugu sii dhoweyn, salaw cadaabeede
10. Kan kalana jannaduu kugu sugaa, soohdin loo bogaye
11. Saacadaad khiyaar leedahay, dunidan suushaaye
12. Nafta markaad sogootido hadhow, soo ceshooy malehe
13. Saaxiib iyo qaraabiyo tolkaa, saacidkood dhimaye
14. Camalkii saxnaabaad ka heli, saamaxaad dhabehe
15. Sadaqiyo qaraabada waxsiin, waa sad dheeriyehe
16. Sakaraadka geerida ayay, saad u noqotaaye
17. Samhariiray kaa seexisaa, silica maantaase
18. Sawdka fiican isaguna sidaas, waa sawaab jira e
19. Falkastood samaysoo habboon, sadaqo weeyaane
20. Saamaleylka salaaddii habeen, waa siraad koride
21. Dadkoo seexday sacabada markii, samada loo taago
22. Hungo sooma celiyoo rabbigay, sii wuxuu rabaye
23. Sirta kula faq leylkii ilaah, wuu ku saamixiye

24. Sacaadada qiyaamaha nin ogi, seyryay dunidiiye
25. Si kastood barwaaqada saldano, saami kore gaadho
26. Mawd seegi meysidoo hantida, waad ka socotaaye
27. Halka aad siniin iyo miniin, joogin sahay qaado

28. Shaydaan sixroolaa ku dhihi, sabadu waa guule
29. Haka siisan wuxuu doonayaa, wehel saciiraade
30. Waa kii sarreeyihi rabbigi sawd, ku caasiyaye
31. Sujuuddii la faray waa midkii, diiday samaceede
32. Siritaan khiyaamiyo dhibbuu, kuu saddahayaaye
33. Soomalhaadka wuxuu doonayaa, silica kaagaahe
34. Cadaw sugan inuu noo yuhuu, saatir noo dhigaye
35. Iska suuli si uu kugu galaba, sibiq xaluushaaga

36. Sumcadda iyo sharaftaadu waa, xaqa samayntiiye
37. Quraankiyo sunnada raacideed, sahal muraadkaa e
38. Siiradiyo saxaabada warkood, maanka saacide e
39. Wacdigii ku sola laabta wuu, saxartiraayaaye
40. Suuradaha qiyaamaha sharraxaa, fiira saa’idine
41. Cabsi saaqda bedenkaa ayaa, maanku sidayaaye
42. Ka sikoo hagelin naarta baa, fahamku suurayne
43. Simbiriirix ruuxii kufaa, sigay jabniinkiiye
44. Saracii jannada kii og wuu, saabilahayaaye
45. Nimcaduu sarreeyuhu dhex dhigay, koobiwaa saxa e
46. Taratan socodka dheereeye waa, tiigsan suu rabaye
47. Saaricuu maqfiradii rabbigay, aayad baa sugiye

48. Bidhaamahan sibbaakhee dunida, saaran waa khalade
49. Dhalaal suuli weeyaan waxaad, moodi sii jira e
50. Waa lacib sagootiyi shamsada, seexan ee dhiciye
51. Suhdi kii ka gala baa rajadu, guul ku simi meele
52. Midkii sabarka laacaa tog iyo, siibad lagu xoorye
53. Sabbaynteeda mawjadaha buu, sahal dabaashaaye
54. Siddiqabaxda sheekada surgo’an, suulka loo jabiye
55. Subcis heesa iyo dhaantaday, sookac leedahaye
56. Siijeedka wuxuu daaimoo, laydhu sidataaba
57. Saacad aan fogaynbaa wadkii, sarafariistaaye
58. Markaasuu sax iyo maag fahmaa, xaalku suu yahaye
59. Talo fara kasiibane muxuu, suubin waa tagaye

60. Waqti kuma sugaayoo dabayl, socota weeyaane
61. Saacaddii ku dhaaftaa cimrigoo, siibtay lagu sheegye
62. Malagyada garbaha saaran waa, kaatib saaxiyehe
63. Wixii aad samaysay qoraan, xumiyo suubnaane
64. Sadaradaas qiyaamahaad akhriyi, siday ahaadaane
65. Kitaabkiisa siiya la oran, samabax liibaanye
66. Ama bidixda uga sayra waa, saqara kooxdiise
67. Camalkaagu sabaduu ku dhigo, baad ku socotaaye
68. Inkastoo sarreeyuhu ufalo, sida u doonaayo
69. Saamaxaadda kuu rabo ayuu, sahal u siiyaaye
70. Kan kalana samuum jahanamuu, sal uga yeelaaye
71. Naxariis safayn gaarta buu, saad u leeyahaye

72. Soo jire khalqigoo idil haddii, subax lasoo taago
73. Mid walbaaba suu rabo hadduu, siiyo danihiisa
74. Senti kama dhinmaayoo mulkigi, malaha seer oode
75. Ilaahow adaa saatiree, nagu sug diintaada
76. Cafis saamaxaan kaa baryiye, sahal amuurteenna
77. Mu’miniinta samabixi sujuud, caabudkaa badane
78. Soomaaliyana eebbow ka yeel, maamul sara gaara
79. Sinnaantiyo cadliga nabadda oo, sugan ku weydiistay
80. Midnimiyo samaac iyo ismaqal, xaqa lasaaciido
81. Sida wacan allow nagu haddee, siganay dhawr jeere.

Curiye:- Xasan Bulxan Cali
Email. bulxan105@hotmail.com
Darwin, Australia.
gabay

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.