Home » Faallo »

Sidee Guul Loo Garaa? Sirta Guusha

Qof walibaa oo dunidan ku nool waxa uu jecel yahay in uu gaaro guul ama hadafkiisa uu ka dhiidhiyo balse si aan hadafkeena u hiiksano waxa ay inooga baahan tahay in aan la imaano wadadii aan u mari laheyn ka dhabeynta himiladaa, hadaba hadii aan jecel nahay in aan guul gaarno aan raacno qodobadan soo socda:

1. Hilow: hilowga loo hiloobo gaaritaanka guusha ayaa qofka ku qasba inuu shaqada qabto , oo uusan ka seexanin kadib dhicin dadka jacel in ay guul garaan uma shaqeyaan in ay helaan lacag oo kaliya, ee waxay u dadalaan inay shaqadooda ku raaxeystaan, kadibna waxey isla helaan guul iyo maal badan.
2. Shaqo: guul oo dhan waxaa shaqo u ah , shaqo loo maro dhib badan. wax bilaash ku yimaada ma jiraan , hadey jiraana waa wax raqiis ah oo aan qiimo badan laheyn, dadka horumarka gaara waxey qabtaan shaqo ay ku raaxeystaan waqtigooda iyo naftoodana u huraan waxeyna u shaqeyaan si qota dheer.
3. Tababar iyo ku celcelin fara badan: si aad u noqoto guuleysato bilaaw shaqo fiican aadna u badi tababarasho iyo ku cel celinta, oo riyo iyo tabarashada dhab ah si aad shaqada master ugu noqoto.
4. Hadafkaaga beegso: isagana ku seexo kuna soo kac balse hadafkaaga qura indhaha ku haay habeen iyo maalin, soo jeed iyo hurdo labaduba.
5. Cadaadinta nafta: naftaada ku cadaadi sidey horay ugu gu socon laheyd mar kasta iyo si kastaba , haka shakinin hana ka xishoon hadafkaaga magac dhawgiisa iyo ku cel celintiisa, naftaadana ha mahdinin , hubsana inaadan wali gaarin meeshii u sareysay u qiimaha badanayd , mar kastaa sii raadi meesha aad joogto meel ka sareysa .
6. Dadka u adeeg una qabo wax qiimo leh ; taasi waa jidka ugu gaaban ee guul lagu gaaro, kaligii noolaade ama dantii raadiye meel dheer ma gaaro , oo qofka naftiisa uun kaliya ka fakara hadafkiisa aad buu u gaaban yahay, qofka meel dhaw ku socdaana daalka uusan xusuusaninba.
7. Raadi fikrad cusub: hana sugin sixir ama wax hal jeer kugu soo dago oo guul weyn ku gaarsiiya guusha waa fikrado yar yar oo laysku daray lagu celceliyay, la kobciyay oo aan lagu daalin (dhibicda yar ee dhulka ugu dhacda si isdaba joog ahi, god bay qodaa lakiin baldi biya buuxa hadii hal jeer dhulka lagu shubo god ma qodi karo)
8. Haka harin: dadaalkii aad soo waday, xataa haday kaa hortimaado guul daro, ama dadka shaqo la’aanta ahi ku cayaan. waxaadna ogaataa inay guul darradu dhasho guul qiimo badan tahayna hordhici guusha weyn, hadaad ka hartase waxaad noqoneysa qof cumrigiisa khasaariyay.

tilmaamahani waa kuwo guul lagu gaaro, waxaana haboon qofka inuu isaga is miisaamo meesha uu ka joogo tilmaamahaas balse si guud waxaan u oron karnaa umada somaaliyeed waa umad lagu imtixaansay fudeyd, dag dag iyo dhaqso afka buuxso, guul oradeysi dusha kaga dhac.
taasina waa mid ka hor imaaneysa sunada ilaahay ee ku dhisan in guusha la gaaro kaliya markii la helo fikir wanaagsan, niyo adag dadaal isdaba joog iyo rabi oo la tala saarto.

ALLAA Mahad & Mudnaanba leh,
maamuus7@hotmail.comunnamed (1)
TELL: 063-4000578
AHMED RASHEED
HARGEISA SOMALILAND

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.