Home » Faallo »

SHARTA SHIICADA

Ugu horreyn ILAAHAY baa Mahad leh naga dhigay Muslim haddana SUNNI ah,marka xiga waxaan ku Sallinaya Suubanahay (CSW),Asalaamu Calaykum Waraxmatu LLAAHI Wabarakaatuhu.

Maadaama aynu joogno Bishii Muxaram oo ah Bisha 1-aad ee Islaamka maalmaheedi ugu horeeyay oo ah Bil ay aad u Qadariyaan una xurmeeyaan Shiicadu oo ah Bisha ISTUNKA Shiicada oo WaziIyihii u dambeeyay raadadkooda iyo dhaq-dhaqaqooda Soomaaliya ku jahaysnaa ayaan waxaan go’aansaday inaan wax yar ka iftiimiyo Shiicada waxay tahay iyo caqiidadooda? ereyga Shiico muxuu yahay? yididiilada iyo hammiga ay rajaynayaan waqtiyada soo socdo? iyo saansaantooda ka soo if baxday Soomaliya?

CAQIIDADA SHIICADA:

Qofka markuu diin ka baxo oo uu diin kale galo sida caadada ah waxaa loo yaqinaa towxiidka diintaas uu galay asagoo sidoo kale ku kufriyahaya tii uu ka soo baxay.Sidaas daradeed waxyaalaha caqiidada u ah ay qofka shiicoobaya ILAAHAY hanaga hayee ku galo ayaa ah
1-Inuu Shahadateeynka qiro:oo ay ula jeedaan kuna sheeganayaan inay muslimiin yihiin si aanan looga didin loona oron dadkani diin aan tan islamka ahayn bay haystaan sidaas daradeed bay gabbaad ka dhigtaan Shahaadateeynka

2- Waa inuu ku kufriyaa Caayaana Diinta ISLAAMKA: oo ay macnaheeda tahay inuu caayo,jaa ifaysto,cadaabna ILAAHAY uga baryo saxaabaddi RASUUL (CSW). Dadkii oo ugu waaweynaa iyo khulufadii sida ABUBAKAR,CUMAR,CISMAAN.IYO CAAI’SHA..(RC) oo aynu ognahay ayagoo nool in JANNO loogu bishareeyay,NABIGANA (CSW) nalaga dar-daarmay inan Sunnadiisa iyo tan khulufaa u Raashidiin raacno.

Caqaa’iddooda ma ku sii dheeraanayno oo waxaa nooga filan diinta soo galitaankeeda noqotay in lacaayo KUBURADII SAXAABADA,cadaabna looga baryo inuu ILAAHAY geeyo qofkastoo garaad leh Muslimna ah wuu dareemi karaa biyo shubkeeda iyo balayooyinka ka dambeeyaba.

EREYGA SHIICO MUXUU YAHAY?

Sida aan ka soo xigtay SH.MAXAMUUD SHIBILE ILAAHAY ha xifdiyee ereyga “ Shiico marka laga eego qaamuska iyo kutubta luuqada carabigaba ah wuxuu kuu sheegayaa inuu yahay ISKU HIILINTA/ISGARABSIINTA koox kasta oo isku hiilisa waxaa luuqada carabiga lagu yirahdaa SHIICA ,, Qurankana Erayga Shiico waxaa lagu sheegay afar micnood…

1: Mar waxaa weeye Xigto iyo Qaraabo dad wada ah Tusaale qisadii Nabi Muuse (CS)Suratul Al Qasas,ayadda 15aad kaga hadlay labadii nin oo is dagaalayay Quraanku waxuu u isticmaalay macnaha midkood inuu NABIGA CSW uu lahaa xigto.

2: Dadka isku mabda’a ahna wuu u isticmaalay tusaalle Qisadii NabiI Nuux (CS) Suratu Safat) ayadda 83aad…in Nabi Nuux isku mab da’ a ahayeen Nabi Ibrahim (Cs)….

3: wuxuu Quranku u isticmalay koox gaar u taagan ama koox koox ah Tusaale Suratul Ancam Ayadda 159aad.
“Kuwaa kala geeyay diintoodii oo kooxo kooxoobay”…..

4: wuxuu u isticmaalay marka dad mabaadii kala duwan qaataan oo khilaaf dhex yaalo Tusaale Suratul Ancam 65aad.
Intaas oo macno ah buu quranku u isticmaalay ereyga Shiico…

Sunnada Nabigana CSW wuxuu ku yimid ereyga Shiico ayadoo loola jeedo koox ama dad aad raacsan tahay TUSAALE Xadiith uu wariyay IMAMUL AXMED Sanedkiisuna saxiix yahay oo loo yaqaano XADIITHKII KHAWARIJTA (ninkii Nabiga ku yiri caddaalad samee maadan caddaalad sameynine!!! NABIGA CSW wuxuu ku yiri ninkaas waxuu lahaan doonaa ”Shiicatan”koox garab istaagta oo u hiilisa raacdana kuwasoo diinta uga bixi doona sida Waranka uga baxo………….

Maadaama aan ogaanay ereyga Shiico hadaba waxa is weydiin mudan yaa la yiraahdaa Shiico oo markaad maqashid magacaas maxaa kugu soo dhacaya? Waxaa in badan isku dayay inay ka jawaaban ereygaas culumo badan oo joogtay laga so bilaabo bartamahihii Qarnigii 3aad iyo 4 aad ee Hijrada ilaa iyo hadda waa laga hadlahayay culumadii joogtay waqtiyadas mid kasta waxuu isku dayi jiray inuu ku qeexo hadba waqtigaas la joogo muddo kadib qeexitanadaas waxna waa iska badalaan waxna waa ku darmaan hase ahaatee marka laysku soo cel-celiyo oo laysku uruuriyo waxa ugu soo dhow Shiicada kuwa yiraahda “Cali baan taageersanahay oo u hiilinaynaa NABI MUHAMED CSW markuu geeriyooday khilaafada waxa lahaa CALI mana ahan arintaas mid dadka ka dhaxaysa ee waa arrin ilaahay Quranka ku sheegay NABI MAMAHAMEDNA CSW Axaadiith ku sheegay, kadibna Cali faraciisa inay dhaxal u leeyihin oo aysan waligood gacantooda ka baxaynin” intaasana waxay kusii dareen arintaas ninkaan rumaynin inuusan muslim ahayn iyo ereyo kaloo anan halkaan ku suoo koobi karin qisadoo dheer owgeed…. ……….

TAARIIKHDA EREYGA:

Ereyga Shiico wuxuu soo bilowday taariikh ahaan ilaa iyo xilligii (Cali RC) laga soo gaaro koox la yiraahdo Shiico oo gaar loo yaqaanay ,ma jirin laakin isticmaalid ama in qolo loo isticmaalo wuu ka horeeyay Cali (RC) sidaan horay u soo sheegaynayba.

YIDIDIILADOODA IYO AHDAAFTOODA:
Sida aan ognahaya waayihii dambe dunida ISLAMKA waxaa ku soo badanayay fikirka Shiicoowga si xowli ah waliba,haddaan tusalooyin dhowr ah u soo qaadano wadamad ay aadka oogu faafeen waxaa kamid ah.
1-lubnaan
2-Ciraaq
2-Koonfurta sacuudiga
3-Baxrayn
4-Yeman
5-Soomaliya…iwm.

SHARTOODA:

Hadafkooda 1aad waa inay naf iyo maalba kula dagalaamaan Sunniga si ay ooga bataan xag Ciidan, Caddad, iyo Cududba.
Qaarkiin laga yaabo inaad is tiraahdaan qoraagu maxuu Ugu soo daray dalkanaga Soomaaliya??

Waxaan ognahay lana soconaa dhaq-dhaqaaqyada safarada IIRAAN ku leedahay magaalada Xamar waxa ugu weyn ay qabataa waa inay faafisaa afkaartodaas Mun Xarifka/qaloocan,waxaana ognahay inay Maraakista/xarumaha ugu waweyn ku leeyihiin iyo Madaarisba ay ka mid yihiin Markas ay ugu magacdareen hoggamiyahooda AYATULLAHI KHUMAYNI EE (KHUMAYNI FOUNDATION).Waxayna quudiyaan gacantana ku hayaa dhalinyaro aad u badan siday sheegaana ay wax baraan, waxaan xasuusanaa KHUMAYNI FOUNDATION markay isku guurisay Dhalinyaro 8 Gabdhood iyo sideed wiil taariikhda markay ahayd 12 Juun 2014 Arooskaas 16 kaas lammaane waxuu ka dhacay XAMAR, waxaana xafladaas kasoo qeyb galay rag Culumo,Siyaasiyin,waxgarad sheegta!!!!!.

Haddaba haday inta muuqata TV yadana laga soo daayay banaanka la yimaadeen dhaqdhaqaaqoodii bal qiyaas inta qarsoodiga ah ama dahsoon!!!!
Soomaaliya waxaan aaminsanahay tirikoob (Statistics) iyo la socod baanan jirin inay wadamo badana oo carab ahi ay kaga tiro badan yihiin dhagaxlaha /Shiicada Soomaaliya,sababahaan jira awgeed:

B-Dowlad dhexe oo xoog leh hantidana waxa baxa soona gala dalka oo anaan jirin.
T-Xuduudada dhulka,Badda,Hawada dalka oo furan iyo suurto galnimada lagu faafin karo fikir walba oo ka baxsan caqiidada dhaqamaadka iyo afkaarta ummada Soomaliyeed leedahay.

J-Dowrkii culumada oo gaabis ka noqday ka hadlidda afkaarahaas soo darriyay ee Shiicoowga,Gaalaynta,iyo ka hadli la’aanta xad gudubyada lagu hayo diinta,dhaqanka,Cirdiga,sharafta, iyo guud ahaan akhlaaqiyaadka ummada soomaliyeed.

X-Shacabkii oo aanan ku baraarugsaneen waxyaalaha loo keenayo ama loo sheegayo taasoo sabab u ah jahli,iyo baahi looga faa-idaysanahayo inay qolo kastaayi ka gaddo afkaarteeda iyo waxay aaminsan yihiin, oo ah “ Cunno caqiido ku Badalasho.
KH-Diin jaceylka dadkeena oo loogu sheekeeyay waxaanu u gar-garayna Ahlu Baytka,waxaanu jecelnahay Ahlu Beytka,iyo faraca NABIGA CSW,(Xassan iyo Xuseen).

D-Qandaraas layaal iyo dilaaliin luuqadayada ku hadla oo ka dilaala inay faafiyaan kana gadaan fikirkaas Munxarifka ah ummada.

DAR-DAARAN:

Waxaan dar-daarmayaa dhamman ummadda Soomaliyeed inay marka hore u laabtaan ALLE,marka xigana ogaadaan qof walboo garaad leh inay masuuliyad ka saaran tahay dhibaatooyinka,iyo waxyaalahaas aan kor ku soo xusay ka hor tagooda Af iyo Adinba,isna cafino gacmahana is qabsano dul-duleelada ayuu cadawga ka faa iidaystaaye Wadaad iyo Waranleba aan baraarugno iskana iloowno waxa yare ee noo dhexeeya ogaadana intaan isku maqannahay in nalagu maqanyahay…

WABILLAHI TOWFIIQ…

image

W/Q: FAARAX CABDI CISMAN NUUR(Cawl)
Arday Bartay Maamulka Ganacsiga (Business Administration)
Pakistan, Karachi.
faaraxcismaan@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.