Home » Warar »

Guddoonka Baarlamaanka Oo Ka Hadlay Kala Fikir Duwanaanshaha Madaxtooyada Iyo Laanta Fulinta

Guddoonka Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka
hadlay kala fikir duwanaanshaha u dhaxeeya laanta fulinta iyo Madaxtooyada
ayadoo Guddoonka Baarlamaankana sheegay inaanay arrimahaasi saameyn ku
yeelan doonin howlaha Dowladda.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan jawaari ayaa yiri
“dhammaan shacbiga Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan iga guddooma
salaan qadarin iyo xishmad leh. Waxaan rabaa inaan ka hadlo ra’yi kala
duwanaanta maalmahan kasoo if baxday warbaahinta oo ku saabsan in ra’yi
kala duwanaan ay jirto.waxaan rabaa inaan shacbiga iyo beesha caalamkaba
xusuusiyo in loo baahanyahay arrimaha noocaan oo kale ah in la
dejiyo,hubaal waxaa ah in xaaladahan iyo kuwo kasii culusbo ay nasoo
mareen balse aynu ku xalinay biseyl siyaasadeed oo Golaha Shacabka uu
gaaray”.

“waxaan rabaa inaan idiin xaqiijiyo in wada sahqeyntii ka dhaxeysay Golaha
Shacabka iyo Laanta fulinta ee la xiriirtay sharciyadii loo dejinayey
hiigsiga 2016ka in sidooda ay u soconayaan oo aanay kala fikir
duwanaanshahan wax saameyn ah ku yeelan doonin oo sidooda ay u socon
doonaan oo aanay jirin wax hakan doona, sidaasi ayeyna go’aansadeen
guddoonka iyo xildhibaannada Golaha Shacabka, wey soconeysaa howsha,wixii
dhexdeenna oo kala aragti duwanaansha ahna si biseyl siyaasadeed,
degenaansho,wadaniyad iyo u daneynta dadka iyo dalka Soomaaliyeed ayey ku
dhamaaneysaa”.

“Ugu damebyntii waxaan umadda Soomaaliyeed ka codsanayaa meel kasta oo ay
joogaan iney is dejiyaan oo aanay wax dhibaato ah jirin,jirina
doonin,sidoo kale Beesha caalamkana waxaan ka codsanayaa inaanay arrimahan
buun buunin oo la qaboojiyo,waxan wey dhamaanayaan,si nidaam leh ayey ku
dhamaaneysaa,howl hakaneysa ma jirto,wada shaqeyntana wey soconeysaa,
Allaha Subxaanahu Watacaalaa waxaan ka codsanayaa inuu nagu toosiyo
dhammaanteen wada ay ku jirto wanaaga danta dowladnimada Umadda
Soomaaliyeed”.
image

—DHAMAAD—

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Ee Guddoonka Baarlamaanka

Media and Public Relation Office Of Speaker

Email:- Media@parliament.gov.so

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Guddoonka Baarlamaanka Oo Ka Hadlay Kala Fikir Duwanaanshaha Madaxtooyada Iyo Laanta Fulinta "

  1. maxamed says:

    Haddii ay ii suura geli lahayd inaan la xariiro waxaan mr jawaari weydiin lah Sababta dastuurka uu ku shaqeynayo ee Sida qaldan u qoran ay Baarlamaanku u saxi la’yihiin oo mar walba ay dhibaato oo kaliya xallinteeda ay ayaga ugu soo noqonayso ee aanay tii hore cashar ugu qaadaneyn. Siday ku dhici kartaa in awoodda madaxweynaha ay ku caddahay inuu wasiir xil ka qaadi, raysulwasaarahana ka qaadi karo, haddiise ay labadoodaba ka wada qaadi karaan sidee buu Madaxweynuhu ku diidi karaa tan raysulwasaaraha?.