Safaaradda Soomaaliyeed ee dalka Masar
Ma geed ay tol gaar ah ku arinsadaan mise mid loo dhanyahay?
Carabtu waxay tiraahdaa Dhab u hadlidda ayaa raaxo leh, sidoo kale Soomaalida waxay ku maah maahdaa Ilko iyo runba waa la caddeeyaa, sidaas darteed waxaan doonayaa inaan Faaladaan ku qaadaa-dhigo xaqiiqda Daahsoon iyo xaqiiqooyinka dahsoon ee ka jira Safaaraddeenna, si xog buuxda loogu helo in Safaaraddaani tahay mid matasha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool guud ahaan dalka Masar iyo in kale.
Aqristaha qiimaha leh ee waqtigiisa qaaliga ah gelinaya warbixintaan, waa inuusan go’aan deg deg gaarin inta uu ka dhameynayo maqaalka si guddoon u gaarin isagoo la fal-galayo xamaasadiisa balse waa inuu dhuuxa qoraalka ka dibna uu gaaraa qaraarka isaga la quman isagoo adeegsanayo garaadkiisa.
Warbixinta dhab ka hadalka ah, waa run sheegid ayadoon shaqsi, urur diimeed, maamul iyo beelo Soomaaliyeed midna duulaan lagu ahayn, inkastoo run sheegiddu ay tahay ceeb sheegid mararka qaar, marka loo eego hab dhaqanka Soomaalida.
Inta aan u guda gelin faalladaan waxaan jecelahay in aan akhristaha la wadaago ujeedada igu dhalisay in aan faalladan qoro.
1-In aan ifyo maamul xumo ku tala gal ah oo ka socdo Safaaradda.
2-In aan Madaxdeenna hordhigo xaqiiqda ka jirta Xarunta ummadda ee Wadankan.
3-In aan Xanta magaalada iyo xaqiiqda miiska saaran kala saaro.
Markii aan taa kaga imaado afeef, waxaa jirta in aan wareystay oo aan la xiriiray qeybaha bulshada oo u badan arday iyo waalidiin si aan u ogaado dhibaatada ka haysata Safaaradda. Kolley dhibtaatadaasian waan idiin soo gudbin doonaa Insha.Allah. Qorlaakan oo Af-Carbi waxaa tarjumi doona mid ka mid ah Arday ka qalin jabiyay Kualiyadda Luqadaha si aan ugu gudbino Safiirkeenna Sharafta leh Cabdullaahi Xasan maadaama uusan Af-Soomaaliga akhrin karin.
Bismillah,
Intii aan wadankan joogay waxaan Safaradda kala kulmay waxyaabo badan oo wanaag ah iyo qaar kaloo xumaan ah. Wanaagga Safaaradda haddaan ku hormaro waa in ay jirto deeq waxbarasho oo 50 qofood ah sanad waliba. In ay jirto fududeynta waraaqaha duugista muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhinta wadankan iyo jirtitaanka maamuus xarun Soomaaliyeed oo aad weheshato Safarad ahaan.
Hadaba waxyaabaha xun-xun ama qaladaadka aan arkay waxaa ka mid ah in deeqaha waxbarasho ee 50-ka ah aanay jirin qaab hufan oo lagu bixiyo iyada oo ay jirto in reer kaliya ay qaataan 75% deeqaha waxbarasho ama waxa af carabiga lagu dhaho minxada. Waxaa jira arday 2-3 sano raadinayaay deeq waxbarasho oo loo diiday, yaad taqaanaa, yaa ku yaqaano, yaad ahayd iyo mararka qaar meeqo ayaad ogoshahay awgeed. Waxaa jira arday deeqdii waxbarasho lagala noqday. Waxaa jira kuwo kulliyadii ay ku jireen laga badalay. Laakin dulmigaas oo dhan ma ahan dulmi loo dhanyahay ee waa mid u gaar ah ardayda ka soo jeedda beelaha gaar. Tusaaale ahaan waxaa jirta in 26 arday oo ka soo Jeedda Somaliland laga hor istaagay deeqdoodii waxbarasho, sidoo kale waxaa jira in arday ka soo jeeda Somaliland loogu gooddiyay in la xirayo, laguna soo dallacay lacag aanu awood u lahayn in uu bixiyo. arintaan iyo arimo kale oo la xiriira caburinta iyo dulmiga lagu hayo ardayda Soomaaliyeed ee ka soo jeeda Somaliland waxaa ka hadashay Marwo Samsam Cabdi Aadan oo ah Wasiirka waxbarashada Somaliland. iyadoo BBC-da ka caddeysay in Safiir Cabdullaahi uu yahay nin maaggan Walaalaha Soomaaliyeed ee Woqooyi. Taana sir ma ahan oo kulmada iyo kal-fadhiyada Safiirka ayaa laga dheehan karaa isagoo mar waliba ku celiceliya ereyga ‘Ii-Door” oo uu ula jeedo Isxaaq!.
Akhristeyaal dulmiga kuma koobna oo kaliya Ardayda Soomaaliyeed ee Somaliland sidoo kale waxa uu si lixaad leh u haystaa Ardayda Koofureed oo iyagu aad mooddo in ay aaanno gaar ah kala dhaxeyso Safaaradda. Waana tan keeneysa in 5 sano oo la soo dhaafay ay 9 (Sagaal) arday oo kaliya ka helaan Deeq/Minxo Wabarasho Safaaradda.!
Arinta ugu foosha xun ee dhacday waxa ay tahay in arday deeq waxbarasho waayay oo iska go’aansaday in ay tahriibaan la xiiro, dabadeedna la tarxiilo, halka qaar ka mid ah tahriibeyaasha oo aan arday ahayn ay Safaaradda soo sii deyso. Waliba taa waxaa ka daran in Mas’uuliyiinta Safaaradda ay ku booqdaan muwaadiiniiinta qaar xabsiga, soona daayaan halka kuwo kalena laga tarxiilo.
Arimahan iyo arimo la mid ah ayaa keenay in gebi ahaanba ay bulshada ka niyad jabto Safaaradda. Waana arin xun in jaaliyadda iyo safaaradda oo ah Muraayddii wadanka ay is nacaan. Waxaa muddo maanta laga joogo 3 todobaad dhacay arin aad u fool xun oo ahayd in Website-yada qaar ay soo daabcaeeen war been abuur ah oo ka hadlaya geeridia Safiir Cabdullaahi. Dabcan Safiirku wuu noolyahay, arintaanna waxay ahayd arin fool xun, balse waxaa ka axdin badneyd in Jaaliyadda qaar ay ku farxeen warkaas. Arinka markuu meeshaa maraayana waa halkii ay Soomaalidu dhidhi jirtay “Barako Maleh!”.
Hadaba waxaan ku talinayaa in safiir Cabdullaahi oo ah mas’uulka ugu weyn ee Safaaradda in uu ka soo dego dabaqa kore ee uu ku sheekeeyo. In uu dadka uu la qaxweeyo iska baddalo ee uu dhageysto dhibaatada Jaaliyadda, isla markaana wax ka qabto. In uu la xisaabto masu’uuliyiinta iyo shaqaalaha Safaaradda musuqmaasuqa ku haya.
Waxaan kale oo ku talinaayaa in madaxda sar-sae ee dowladda gaar ahaan Wasaardda Arimaha Dibadda ay la xisaabtamo mas’uuliyinta Safaaradda.
Dhanka Jaaliyadda waxaan ku talinaayaa in ay is abaabulaan oo ay cod mideysan kula hadlaan safaaradda iyagoo ka fogaanaya is maagga, iyo warxumo tashiilka, illeyn run iyo ilkaba waa la cadeeyaa.
Ugu Dambeyn Safaaradda waa Safaaraddeenii, Safiirkana waa safiirkeennii in kastaa uu yahay nin da’ ah oo iska hawl-gab ah hadana waxay ila tahay in khibraddiisa oday dhaqameed aan ka faa’iidi karno.
Wabillaahi Tawfiiq.
W/Q : Xuseen Saxnuuni
Cairo, Egypty
comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.