Home » Warar »

Sannadka Cusub ee Hijriyadda 1436

Maanta oo Sabti ah oo Bisha Miilaadiga ah 25-10-2014 waxaa Curanaya Sanadka cusub ee Hijriyadda Islaamka 1436, waana Bisha Muxaram oo ah Bil ay ka buuxaan Khayr badan islamarkaan waa Bisha la bixiyo Zakada, iyadoo taasi jirto ayaa Shacabka Soomaaliyeed ku baraarugsaneyn dhalashada Sanadka cusub ee Islaamka taas oo lagu sababeeyey kadib markii ay qabatimeen ku dhegenaanshaha sanadka Miilaadiga oo isagu haatan maraya 2014, Bilo kadibna la geli doono 2015.

hijrigaDalalka aan haysan Diinta Islaamka si weyn ayay u qiimeeyaan sanadkooda marka uu dhalanayo waxayna sameeyaan Fantansiyo iyo Dabaaldegyo, hase yeeshee dadka Islaamka ayaa iyagu qaarkood aan ka war qabin Dhalashada Sanadka islaamka, qaarkood haddii aad weydiiso dhalashada Sanadka cusub, waxa uu la soo boodayaa ma kii Nataalaha ama Miilaadiga, qaarkoodna waxaa la sheegay in ay isku hambalyeeyaan.Sannadka Milaadiga

Sanado ka hor dadka Soomaaliyeed waxay Hambalyo iyo Fantasiyo u sameyn jireen Sanadka Miilaadiga, hase yeeshee markii ay bilowdeen ururada Diiniga ah ayaa Fantasiyahaasi istaageen qaarkood waxay ku macneeyeen in ay ugu wacan tahay arrimo dhinaca Nabadgelyada, iyadoo dhallinyarada qaarkood sheegeen in ay xusi lahaayeen Sanadka Miilaadiga .haddii ay heysan lahaayeen Ammaan

Warbaahinta oo laga rabay in ay Bulshada ku hagto wadada saxda ah ayaa iyaduna ku baraarugsaneyn Dhalashada Sanadka cusub ee Hijriyadda, waxaana taas ugu wacan iyadoo markay barnaamijiyada ama wararka sheegayaan isticmaala Sanadka Miilaadiga ah, waxayna dadka qaarkii sheegeen in sababta koowaad leedahay warbaahinta oo la rabay in ay bulshada Soomaaliyeed ku hagaan Sanadkooda Hijriyadda.

Sanadka Hijriyadda ayaa soo bilowday waqtigii Nabiga la amray in uu ka hijroodo Magaalada Makka ALMukarama una Hijroodaan Magaalada Madiina ayaa ah sanadka saxda ah ee loogu talagalay in ay ku dhaqmaan dadka Islaamka, kuna saleeyaan noloshooda, sida Ballamaha, Munaasabadaha iyo Dhacdooyinka kale iyo wixii la mid ah, kana hirgeliyaan ama lagu baro carruurta Islaamka Jaamacadaha, Iskuulaadka i Dugsiyadda Qur’aanka welibana lagu saleeyo Manhajyada kala duwan ee Waxbarashada, sidaas si la mid ahanna waxaa wanaagsan in ay wadamada Islaamku ugu baraarugsadaan la socoshada Taariikhda Islaamka ee Hijriyadda, waxaa xusid mudan in Dowladda Sucuudiga ay tahay dowladda keliya ee isku taxlujsa la socoshada taariikhda Hijriyadda, waxayna sameysaa Kalandaro ku qotoma Taariikhda Hijriyadda.

Sannadka Islaamka waa laba iyo Toban Bilood waxay kala yihiin.

  • 1-Muxaram
  • 2-Safar
  • 3-Rabiicul Awal
  • 4-Rabiicul Thanii
  • 5-Jamadul Awal
  • 6-Jamaadul Thannii
  • 7- Rajab
  • 8-Shacbaan
  • 9-Ramadaan
  • 10-Shawaal
  • 11-Dul-Qacdi
  • 12-Dul-Xaj

Bisha Muxaram oo maanta Bilaneysa waxaa ku jira Khayr fara badan wuxuuna Nabiga NNKH sheegay ay Bishaan ay ku jirto Yoomu-Cashuuraa oo ah in la Soomo 9-ka iyo 10-ka Waxaana loo dhaafayaa qofkii Sooma labadaas Maalmood Dambigii Sannadkii hore , waxay bishaan ka mid tahay 4-ta Bilood Xurmada leh oo ah in aan la dagaalamin laakiin Islaamka haddii la soo weero waa dagaalamayaa , waxaa kaloo ka mid ah Bilaha Xurmadda Saddex waa isku xigaan waxayna kala yihiin Dul-Qacdi , Dul-Xaj iyo Muxaram bisha kale waa Rajab

Qofkasta oo Muslim ah waxaa laga rabaa in uu la socdo Bilaha Islaam uuna yiraahdo maxaa Khayr ah ayaa ku jira bishaan si aysan dhaafin Khayrka Isku soo wada duuboo Sanadka cusub ee Islaamka 1/1/1436 waxaa leeyahay dhamaan Bulshada Islaamka gaar ahaan dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, in Sannadkaan Sannadkiisa Ilaah ku gaarsiiyo Nabad iyo Barwaaqo

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.