Home » Warar »

Golaha Wasiirada Soomaaliya oo isku shaadhayn lagu sameeyay

War degdeg ah oo ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha DFS:

Waxaa isku shaadhayn lagu sameeyay golaha xukuumadda ayadoo wasiiro laga beddelay xilalkoodii.

Wasiirka Warfaafinta Mustaf Sh. Cali Dhuxuloow ayaa warkaas warbaahinta u akhriyey:

Wasiirada iyo wasiir dawlayaasha iyo wasiir xigeenada la magacaabay hoos ka akhri

1-Wasiirka Wasaaradda Garsoorka iyo Arrimaha Dastuurka Mudane Saalim Caliyoow Ibroow

2-Wasaaradda Xanaanada Xoolaha,Dhirta iyo Daaqa Mudane Faarax Sheekh C/qaadir

3-Wasiirudowlaha Wasaaradda Maalliyadda Mudane Burci Maxamed Xamsa

4-Wasiirudowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiiragelinta Maalgashiga Mudane C/laahi Maxamed Nuur

5-Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda iyo Dhiiragelinta Maalgashiga Mudane C/raxmaan Cabdi Cismaan

6-Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maalliyadda Mudane C/laahi Sheekh Cali Qaloocoow

7-Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ah Mudane Mahad Maxamed Salaad

8-Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Marwo Fahmo Axmed Nuur

Halkan ka dhagayso wasiirka warfaafinta oo warkaas akhrinaya

[audio:http://somalitalkradio.com/cod/2014/dhuxulow.mp3]

Wareegtada kasoo baxday ra’iisal wasaaraha hoos ka akhri

Ra’iisul Wasaare Cabdiweli oo isku-beddelid ku Sameeyey Golaha Wasiirada

Sabti, 25, October, 2014– Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka
Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa maanta isku-beddelid kooban ku sameeyey xubno ka tirsan Golaha Wasiirada, waxana Wareegto ka soo baxday Xafiiskiisa oo summadeedu tahay XRW/000.221/10/2014 xilalkii la isugu beddelay Wasiirada, Wasiiru Dawlayaasha iyo Wasiir ku-xigeenada ku xusan warqadda magcaabista ee ku lifaaqan bayaankan.

Isku-bedelidan ayaa looga golleeyahay in lagu dardargeliyo hawlaha ay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed u hayso qaranka Soomaaliya.

DHAMMAAD

Abdirashid Muse
Warbaahinta Xafiiska R.W
Mogadishu-Somalia
Email1: media@opm.gov.so
Email2: abrashidmuse@gmail.com
Tell: +252616318823
Twitter: @SomaliPm, @AbdirashidMuse

image

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.