Home » Warar »

Madaxweynaha Dawladda Federaalka soomaaliya oo ku gacan sayray go’aankii isku shaandhaynta wasiirada ee uu soo saaray ra’iisul wasaaraha

Warsaxaafadeed kasoo baxay madaxweynaha DFS hoos ka akhri

WAR KA SOO BAXAY XAFIISKA MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA FEDRAALKA SOOMAALIYEED

Sida aad ka warqabtaan waxaan mar walba ku guubaabiyaa umadda soomaaliyeed iyo madaxda dawladaba, in ay u hoggaansamaan Dastuurka Ku Meel Gaar ka ah iyo shuruucda dawliga ahba.

Waxa kale oo xusid mudan inaan mar walba hoosta ka xariiqo si loo unko qaran Soomaaliyeed inay laga marmaarmaan tahay wada tashi, is maqal, iyo wada shaqeyn joogta ah. Taas oo ku dhisan tixgelinta xurmada, wada shaqeynta, horumarinta nidaamka iyo kala dambeynta dawliga ah.

Arrimahaas oo dhan, waxay inoo horseedeen inaan maanta dawladnimada Soomaaliyeed aan soo gaarsiinno meel lagu faani karo oo isla xisaabtan ku dhisan. Waxaan diyaarinay barnaamijka siyaaseed ee Higsiga 2016, kaasoo saldhigiisu yahay qoddobbada hoos ku qoran:

1. Dib U eegista iyo dhaqangelinta Dastuurka;
2. Dhisidda maamul goboleedyo federaali ah iyo
3. Dimoqraadiyeynta dalka, oo ku salaysan doorasho xor ah, Sanadka 2016.

Waxaa sidoo kale guulo wax ku ool ah laga soo hooyey dagaalka ka dhanka ah kooxaha xag jirka ah, iyada oo sida la wada og-yahay dib loogu soo celiyay gacanta dawladda gobollo badan oo ay Al-Shabaab horey uga talin jireen, oo ay ugu dambeysay guushii laga soo hooyey xorreynta degmada Baraawe.

Waxaa guulo la taaban karo laga gaaray dib u dhiska kaabayaasha hay’adaha dowladda. Waxaa kale oo guulo lataaban karo laga gaaray maamul u samaynta gobollada intooda badan. Waxa fooda inagu soo haya u diyaar garowga shirka caalamiga ah ee lagu qaban doono Copenhagen, kaas oo looga hadlayo arrimaha Soomaaliya.

Waxaase nasiib darro weyn ah, in iyada oo ay na horyaalaan dhamaystirka barnaamijyada kur ku xusan, iyo weliba ansixinta hindise sharciyeydyada muhiimka u ah dawlad dhisidda, in Raisul Wasaarahu si isdabajoog ah usoo saaro go,aano tashwiish ku abuuraya geedi socodka dawlnimada iyo wada shaqaeynta hayaadaha dawliga ah.

Waxaan dhawr jeer, aniga oo eegaya danta guud u dulqaatay tallaabooyin qalafsan oo xad gudub ku ah awoodaha dawliga ah ee Madaxweynaha iyo kan Dastuurkaba. Waxaan si kooban u xusi karaa:

1. In uu xil ka qaaday, magacaabayna Wasiirro asaga oo aan wax wada tashi ah la yeelan Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaaliga;
2. In uu Saraakiil Sare xil u magacaabay kuwa kalena ka qaaday si aan waafaqsaneyn Dastuurka.

Ugu dambeyntii, maanta wuxuu ku dhawaaqay waxa uu ku sheegay isku shaandeyn Wasiirro isagoo aan wax wada tashi ah la samayn Madaxweynaha Jamhuuriyada.

Sidaas darteed, aniga oo eegaya waqtiga xaasaasiga ah ee lagu jiro, ilaalinayana habraaca dawliga ah, quwaaniinta iyo shuruucda dalka u deg san, waxaan go,aamiyey:

1. Inuu wax kama jiraan yahay waxa lagu timaamay isku shaandheynta xubno ka tirsan Golaha wasiirradda ee ka soo baxay Xafiiska Rai-sul Wasaaraha 25kii Oktoobar 2014;
2. In Wasiir kasta uu sii wato xilkii lagu ogaa, samaynna aanay ku yeelan warka ka soo baxay Xafiiska Ra’isul wasaaraha 25kii Octoober 2014

3 In Ciidammada Ammaanku sii adkeeyaan siina wadaan howlgallada hada socda;

1. In Saraakiisha iyo shaqaalaha rayidka ee Dowladda ay howshooda caadiga ah sii wataan.

–Dhamaad—

For more information please contact
Shador Haji Mohamud
Office of the Somali President
shadorhaji@presidency.gov.so
Twitter: @thevillasomalia/@Shador_Haji

Halkan ka akhri go’aankii isku shaandhaynta ee ra’iisul wasaaraha

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.