Xulashada jimcaha ee toddobaadkan, waxaan ku soo qaadan doonnaa qaybo ka mid ah suugaanta iyo sooyaalka halgamaagii Soomaaliyeed ee Xaaji Aadan ( Afqallooc).
Xaaji Aadan Axmed oo lagu naaneysi jiray “Afqallooc” wuu ku dhashay miyiga Ceerigaabo qiyaasihii 1864kii. Waa mid ka mid ah geesiyaasha Soomaaliyeed ee halganka dheer u soo galay sidii ay Ummadda Soomaaliyeed uga xoroobi lahayd gumesteyaashii geyigooda ku soo duulay. Xaaji Aadan (AUN ) wuxuu ummaddiisa uga tagay keyd dahabi ah, waxayna suugaantiisii dhaxalgalka aheyd noqotay mid ku daabacan xusuusta soomaalida samaddoonka ah, ayadoo uu jiilba jiil sii dhaxalsiin doono. Xaaji Aadan Afqalooc (AUN) waxa uu ku geeryooday 5 July 1986 Magaaladda Ceerigaabo ee Xarunta Gobolka Sanaag isagoo cimrigiisu dhaafay 120 sano.
Qoraaladii hore ee xulashada Jimcada: https://somalitalk.com/tag/xulashada/
comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.