Home » Faallo »

Oktoobareey 23 Sanno kaddib weli waa la Kufaa Kacayaa

Bisha Oktoobar 21-deeda 1969-kii waxayy ku buuxsameysaa shan iyo Afartan Sano Maaliintii Saraakiil da’yar oo Ciidamada Xoogga Dalka u badan taladii dalka ay la wareegeen Xukuumaddii Rayidka ahaydna ay inqilaabeen.

21kii oktoobar sanadkii 1069kii ayay Dadka Muqdisha ku waabariisteen meel walba oo uu taagan yahay Askeri gashan Tuute iyo Koofiyaddii Halmadka ahayd Qoriguna garabka u suran yahay, meelaha sida gaarka ah Ciidamada loogu arkayay waxaa ka mid ahaa Wadada Maka Al Mukarama oo qaab ahaan ka duwaneyd sida ay iminka tahay, Ex. Barlamaan, Xaruntii Radio Muqdisho, Xaruntii Taliska Ciidanka Xoogga Dalka oo ahayd Afisioni iyo qaybo kale oo ka mid ah Magaalada Muqdisho.

Dadku waxba ma fahamsanayn ujeedka Ciidankana lama garanayn illaa uu goor dambe Hoggaamiyihii Towradda Maxamed Siyaad Barre uu Idaacadda ku hadasha afka Dawladda ee Radio Muqdishu uu ka sheegay in Ciidamadu taladii dalka la wareegeen taasoo baaqaas ay u soo ban baxeen dad aan sidaa u badneyn oo is bedelka dhacay soo dhaweynayay.

Towraddii uu Jaalle Siyaad hoggaaminayay durbaba waxay Xabsiyada u taxaabtay Siyaasiintii Dalka iyadoona si weyn loogu eedeeyay Musuq Muusuq iyo wax is daba marin marka laga reebo Madaxweynihii Barlamaankii Xiligaas Shiikh Muqtaar Alle ha u naxariistee sida la sheegay u fududeeyay in Ciidanku Talada qabsadaan kashifayna habeenkaas uu Kacaanku Talada qabsanayo in shir uu ka socday Xaruntii waagii dambe loo bixiyay SYL halkaasoo ay ku shirsanaayeen Siyaasiintii Dawladdii Rayidka ahayd iyagoo ka arrinsanayay Ciddii Beddeli lahayd Madaxweynihii la dilay Dr Cabdirashiid Cali Sharma’arke..

Xaqiiqdii sanadihii ugu horeeyay Kacaankii uu Majaraha u hayay Jaalle Siyaad tallaabooyin dalka ku cusub ayay qaadaysey iyadoo markii ay Tawraddu dhalatayba soo saaray warqado laba ah oo ay ku cad yihiin Siyaasadda Milateriga Taladii dalka la wareegay iyadoo loo qaybiyay qodobo dibadda ah iyo kuwo dibadda ah.

Qodobadii ku xusnaa mid ka mid ah Warqadahaas labada ah ayaa waxaa ku qornaa in halgamo midnimada Umadda Soomaaliyeed, in la qoro afka Hooyo iyo in dhallinyarada shaqo loo abuuro iyadoo Tawraddu ay eegayso kolba xiliga la marayo iyo marxaladaha kala geddisan ee la wajahayo

Tallaabooyinkii Ciidamadu ku tallaabsadaan dadkana kaga yaabiyay waxaa ka mid ahaa Qaramadii Cambaniyadii dalka ka jiray sida Muuska, Shidaalka iyo wixii la mid ah oo ay hore Shirkado Khaas ah gacanta ku hayeen, waxaa sidoo kale la abuuray Mashaariic kala duwan sida Mashruucii la oran jiray Crash Progaram oo dhallinyaro fara badan laga shaqaaleysiiyay.

Muddo kooban kaddib ayuu Kacaanku sheegay inuu qaatay Mabdi’ii Shuuciga ahaa ee Hanti-wadaagga iyadoona la abuuray Kaadiris dhaqan galiyay Mabda’aas Shuuciga ah ee laga soo min guuriyay Midowgii Sofeeti oo xiligaas ahaa hormuudka nidaamkaas Maarkiisiimka iyadoo xiriirkii Soomaaliya iyo Sufiyeedkuna uu gaaray meel aad u saraysa.

Ballan qaadkii Hoggaankii Ciidamada waxaa kaloo ka mid ahaa in dalka dib loo dhiso, waxaana Magaalada Muqdisho laga hirgaliyay Boqolaal Mashaariic oo dhamaantoodba lagu dhisay Iskaa wax u qabso, waxaana ka mid ahaa Mashaariicdaas, Dugsiyo, Jaamicad,, waddooyin Isbitaalo iyo waxyaabo kale oo aad u fara badan.

Kacaankii Oktoobar guushii ugu ballaarneed ee weli la sii xasuusto waxaa kamid ahayd qoristii iyo Hirgelintii Afka Soomaaliga oo maanta Adduunka iyo gudahaba si weyn loogu caano maalo, waana guusha la dhihi karo Alleylahe wey ahayd in qoro Farta Hooyo taasoo maanta dad badan ay waxku qoraan ama ay akhriyaan.

Tallaabtii taa xigtay ayaa ahayd tii keentay ama bilowgii bur burka kacaanka, waa tallaabo aan la mahadin waa dhismihii Xisbigii Hanti-wadaagga Kacaanka Soomaaliyeed oo cid kasta loo fasaxay inay xubin ka noqdo taasoo keentay in Siyaasaddii dalku ay ahaato mid iska Caariyaad ah qof walbana dhankuu doono u jiito iyadoo taasina ay astaan u noqotay dib ugurashadii Kacaanku uu ka sameeyay dhinaca Maamul xumada.

Dhacdadii ugu dhaliisha Xoogganeed ee uu kacaanku la yimid waxa ay ahayd tii salfatay Wadaadii Dharaarta cad dhiigga dhegta loo daray ka gadaal markii ay ka soo hor jeesteen sinnaantii Ragga iyo Dumar oo barnaamijkii Qoyska lagu qeexay.

Wax walba way qaldamaan Kacaankii Oktoobarna qaladaadkaas way ka dhaceen in kasto oo uu leeyahay qaybo fara badan oo dhinaca wanaagga ah sida Halggankii Gobanimadoonka Soomaaliyeed oo xiligaas lagu xoreeyay dhul aad u fara badan laguna soo ban dhigay Cududda Soomaaliya marka ay meel qura ka soo wada jeestaan..

Oktoobareey 23 sano kaddib weli waa la kufaa kacayaa, marka aan dhinac kale ka eegno waxaa xusid mudan Kacdoonkii Kabaha u tuuray Kacaanka ee USC oo aan weli himiladiisii aan la gaarin maxaa yeelay weli lama hayo Nidaamkii Dawladnimo ee la garanayay, lama haayo Soomaali-weyn lama haayo Cadaaladdii lama haayo Noloshii sida Shaqaalihii Dawladda ee faraha badnaa, lama hayo adeegyadii bulsho ee bilaashka ahaa sida tcliintii, Caafimaadkii iyo kalsoonidii umaddan u dhaxaysey.

Kacdoonkii Kabaha u Tuuray Kacaankii Oktoobar wuxuu dhalay Maamul goboleedyo, Madaxweeynayaal tira badan, Qabiileysi iyo Nin jecleysi, iyo adduunkii oo ku jah wareeray Soomaaliya, haka reebin Soomaali oo maanta dal walba qaxootinimo ku joogta, tacabkii oo hoos u dhacay, Waddankii oo wada qaribmay, Bur Cad badeed aan wali loo maqal iyo wax kasta oo lugta jiidaya Sumacaddii Soomaaliya ay lahaan jirtay beri.

Oktoobareey 23 sano kaddib weli waa la kufaa kacaya dhinac kale ka eeg dad jeclaystay in ay isaga baxaan Soomaalinimada oo inkirayba inay Soomaali yihiin kaddib markii Soomaalida magaceeda dad xumaynaya ay kukaceen falal aan wanaagsanayn oo ka caraysiiyay Caalamka intiisa kale.

Isku soo duubo shan iyo Afartan sano kaddib lama oga Xaalka Soomaaliya sida uu ahaan doono iyo halkauu wajihidoono, xumaan iyo samaanse waa la xusayaa 21kaOktoobar oo aan dhihi karo waa halkii ay ka anba qaadday Il baxnimada Soomaalida, geesinimada Soomaalida, deeqsinimada Soomaalida, derisnimo wanaagga Soomaalida iyo waaya aragnimada Midnimada Soomaalida.

unnamed (15)W/Q. Ustaad Aadan Macalim Aaddaamo
Tel 0615511863
E-maileaadaamo2@hotmail.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.