Home » Warar »

Kulan Bulshada looga Wacyigelinayey Khatarta Xanuunka EBOLA oo ka Dhacay Magaalada Muqdisho.

unnamed (1)

unnamed (2)

unnamed (3)

unnamed (4)

unnamed (5)

unnamed (6)

unnamed (7)

unnamed (8)

unnamed (9)

unnamed (10)

unnamed (11)

unnamed (12)

unnamed (13)

unnamed (14)

unnamedKulan ay si wadajir ah u soo qaban qaabiyeen Shirkadda Korantada Banaadir (Beco) iyo Golaha Salaadiinta iyo Dib u heshiisiinta iyo Wacyi gelinta Soomaaliyeed kaasoo looga hadley Cududrka Halista ah ee EBOLA ee Dhawaan ka dilaacay Qaar ka mid ah Wadamada Afrika , waxaana ka qayb gaely Qaybaha kala duwan ee Bulshada , Dhaqaatiir , Haween iyo Masuuliyiin ka socotey Dowladda Federaalka .

Ugu horeyn waxaa halkaa ka hadley Dhaqaatiirta kala ah Dr Cabdi Ibraahim Jiya, iyo Dr Yaasiin Maxamed Nuur waxayna labadooduba ku dheeraadeen Waqtigii uu bilowdey Cudurkaas iyo Siyaabaha looga hartagi karo iyagoo ugu baaqey Bulshada Soomaaliyeed in ay ka digtoonaadaa isla markaana la badiyo Wacayigelinta ku saabsan Xanuunka Ebola .

Maxamed Saadaq oo ku hadlayey Magaca Shirkadda Korontada ee Banaadir ayaa waxaa uu sheegey in Shirkadda ay mar waliba ay diyaar u tahay in ay ka qayb qaadato Wacyigelinta Bulshada si looga hartago wax kasto oo dhibaato ku ah Bulshada Soomaaliyeed gaar haan Xanuunka EBOLA ,sidoo kale waxaa uu hoosta ka Xariiqey in Shirkadda ay dhawaan Sameyn doonto Qiime Dhis iyadoo ay ka faaiideysaneyso awooda Qoraxda

Suldaan Cali Suldaan Axmed Nuur oo ka hadley Kulankaas ayaa waxaa uu sheegey in Odoyaasha Dhaqanka ay bilaabi doonaan Barnaamijyo Bulshada looga digayo Khatarta Xanuunka Ebola , sidoo kale waxay u soo jeediyey Dowladda Federaalka in ay Feejignaan dheeri sameyso lana socoto Dhaqdhaqaaqa dadka soo galaya Dhulka Soomaaliya

Xubnihii kale ee ka hadley Kulankaas waxaa ka mid ahaa Xoghayaha Guud ee Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed Marwo Canab Maxamed Cosoble waxayna sheegtey in dalka ay ka bilaabi doonaan Olole Bulshada looga wacyi Gelinayo Khatarta Xanuunka Ebola Madaama dad gaaraya ilaa Afar kun ay u dhinteen Xanuunkaas.

“ Xanuunka Ebola waxaa looga hartagi karaa iyadoo la soo celiyo Adeegyadii Caafimaad ee ay Bulshadu lahayd waayo Xanuunkaas waxaa Afrika Ugu badan yahay iyadoo ay meesha ay ka maqan tahay adeegyadii Caafimaad “ ayuu yiri Gudoomiyaha Dalada SOSCENSA Cabdulaahi Maxamed Shirwac oo Qaybaha kala duwanee Bulshada u soo jeediyey in la kordhiyo Wacyi gelinta ku saabsan Dhamaan Xanuunada kala duwan ee Bulshada waxyeela .

Boqor Faarax Cabdi Guure oo isna halkaas ka hadley ayaa ugu Horeyntii u Mahadceliyey Shirkadda Korontad iyo Golaha Salaadiinta iyo Dib u Heshiisiinta Soomaaliyeed oo uu sheegey in La’aantood uusan qabsoomi lahayn Kulankaan wuxuuna u soo jeediyey in ay halkaas ka sii wadaan Barnaamjyada Bulshada looga wacyi gelinyo Cudurrada kala duwan oo uuu ugu horeeyo Xanuunka Ebola .

Ug dambeyntii waxaa halkaas ka hadley Agaasimaha Guud ee Wasaarada Shaqada iyo Shaqaalaha Aweys Xadaad iyo Madax arrimaha Bulshada iyo Xiriirka Dadweynaha Cabadicasiis Dhaga Qool waxayna Labadooduba ay balan qaadeen in ay Dowlada Gaarsiin doonaan in Xanuunkaas uusan u soo Gudbin Guud ah Dalka islamarkaana waxay ka Codsadeen Qaybaha kala duwan ee Bulshada in ay sii Kordhiyaan Wacyigelinta ku saabsan Xanuunka EBOLA .

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.