Home » Warar »

Hayadd SAF oo Furtey Wajigii Labaad ee ka Wacyiyi Gelinta Bulshada ee Gudniinka Firciiniga

Waxaa Dib loo furey Wajigii Labaad ee ka wacyi Gelinta Bulshada Gudniinka Fircooniga , waxaana Ololahaan uu ka furmey Qaar ka mid Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo Gobolka Gedo , Iyadoo Furtaankii ay ka soo qayb galeen Madax ka tirsan Dowladda Federaalka, Ururrada Haweenka , Dhalinyaro , Madaxda hayadAha Samafalka iyo Marti Sharaf kale.

Ugu Horeyntii Waxaa Halkaa hadal Kooban ka soo jeediyey Xoghayaha Guud ee Ururka Somali Aid Fountain ( SAF) Faysal Axmed Nuur Camyanje oo sheegey in Barnaamjkaan ku saabsan Gudniinka Fircooniga uu Wajgiisii Labaad uu ka bilaabanayo Gobolka Banaadir iyo Gobolka kaasoo socon doona -2014-2015 waxaa uu intaas ku sii darey “ Hayadu waxay dooneysa in Dalka oo dhan laga Ciribtiro Gudniinkaas maadaama uu yahay mid Dhibaato ku ah Gabdhaha Soomaaliyeed”

Xubnihii kale ee halkaas ka Hadley waxaa ka mid ahaa Dr Luul Maxamed Maxamuud oo ka socotey Isbitaalka Banaadir waxayna Tiri “ Gudniinka Fircooniga waxaa ka mid ah Dhibaatooyinkiisa Dhiig-bax fara badan oo sababi kara dhiig-yari, in la jaro qaar ka mida Kaadi-Mareenada, Xanuun daran waqtida Gudniinka oo sababi kara Suuxdin, Huritaan ama nabarka oo infections qaada u gudbin cudurada faafa sida Teetano Qalabka oon nadiif ahayn dartii.” Waxay sii raacisey Dhibaatooyin yimaada Gabadha Mustaqbalka sida Dhiigga-Caadada oo ku adkaada, Foosha oo ku cuslaata,Xanuun xilliga galmada iyo IWM

Ugu Dambeyntii waxaa Barnaamjkaas looga hortagayo Wajigiisa Labaad furey Wasiir ku xigeenka ahna ku simaha Wasiirka Caafimaadka. Dr.Ahmed Adan Ahmed wuxuuna uu ugu horeyntii u Mahadceliyey Hayada SAF oo uu sheegey in ay Bulshada u hayso Howlo Muhiim u ah waxaa kale uu u soo jeediyey Bulshada Soomaaliyeed in Xooga saaraan sidii loo Cirirbtiri lahaa Gudniinka Fircooniga , waxaa kale oo halkaas ka Hadley Shiikh Maxamed Khayr oo ka socdey Wasaarada Owqaata iyo Arrimaha Diinta waxaana uu sheegey in Diinta Islaamka uusan wax raad ku lahayn Gudniinka Fircoooniga.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
unnamed (1)

unnamed (2)

unnamed (3)

unnamed (4)

unnamed (5)

unnamed (6)

unnamed (7)

unnamed (8)

unnamed (9)

unnamed (10)

unnamed (11)

unnamed (12)

unnamed

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.