Home » Warar »

Guddiga Adeegga  Bulshada Ee Baarlamaanka Oo Booqday Dhaawacyada Ku Jira Isbitaallada Muqdisho

Guddiga Adeegga Bulshada u qaabilsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya
ayaa booqday shacabka dhaawaca ah ee ku jira isbitaalka Madiina ee
magaalada Muqdisho gaar ahaanna dadkii shacabka ahaa ee ay dhaawacyadu
kasoo gaareen qaraxyadii lala eegtay qaar ka mid ah maqaayadaha ku yaala
magaalada Muqdisho.

Ugu horeyn Guddiga Adeegga Bulshada waxa ay warbixin ku aadan xaalada
dadkii ku dhaawacmay qaraxyada ka dhageysteen Agaasimaha Isbitaalka
Madiina Dr Maxamed Yuusuf oo isagu sheegay in inta badan dadkii
dhaawacyada ahaa ay ku dadaaleen dhaqaatiirta islamarkaana ay xaaladooda
wanaag santahay intooda badan waxaana warbixintaasi kadib ay guddigu u
kuur galeen oo ay mid mid u booqdeen dhammanba dadkii dhaawacyada ahaa.

Gudoomiye ku xigeenka Guddiga Adeegga Bulshada ee Baarlamaanka Soomaaliya
Xildhibaan Axmed Aabi Aadan oo booqashadooda kadib la hadlay saxaafadda
ayaa tilmaamay in u jeedada booqashada guddigooda ay tahay iney indhahooda
ku arkaan xaalada ay ku sugan yihiin dadka shacabka ah kadibna ay u
gudbiyaan baahida ay qabaan dhaawacyadii ay la kulmeen Wasaaradaha
qaabilsan si wax loogu qabto.

Gudoomiyaha Guddiga Adeegga Bulshada ee Baarlamaanka Dr Cusmaan Maxamuud
Maxamed (Dufle) oo isagana dhankiisa booqashadooda kadib la hadlay
saxaafadda ayaa tilmaamay iney dareen ahaan aad uga xun yihiin dhibaatada
soo gaartay muwaadiniintan Soomaaliyeed,xanuunkana ay la wadaagayaan
waxaana uu dhinaca kale ballan qaaday ineysan guddigu ka seexan doonin
sidii wax loogu qaban lahaa dadkan shacabka ah.

Waa qeyb ka mid ah waajibaadka uu Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka
Soomaaliya u igmaday Guddiga Adeegga Bulshada iney si dhab ah ugu kuur
galaan xaaladaha ay qabaan dadweynaha kadibna baahiyahooda loo gudbiyo
hay’adda fulinta si wax loogu qabto.

—DHAMAAD—

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Ee Guddoonka Baarlamaanka

Media and Public Relation Office Of Speaker

unnamed (1) unnamed (2)u
unnamed (4) unnamed (5) unnamed (6) unnamed (7) unnamed (8) unnamed (9)


unnamed (11)

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.