Home » Maqaallo »

AL-SHabaab Hum Sharul Bariyah !!! ( أُوْلَئِكَ هُمْ شَرُّ الْبَرِيَّةِ )

Horudhac :

Akhristoow labo Qolo ayuu Quraanku Sheegay ( أُوْلَئِكَ هُمْ خَيْرُ الْبَرِيَّةِ ) iyo ( أُوْلَئِكَ هُمْ شَرُّ الْبَرِيَّةِ ) Qolo wuxuu ku tilmaamay kuwa khlaa’iqda ugu kheyr Badan iyo kuwa Khalaa’iqda ugu Sharka Badan .
Annigu markaan fiiriyey Al-shabaab,Boco Haraam,Aqim, ISIS ,AL-Qaacidda,Taalibaan IWM , waxaan ku tilmaami lahaa ( أُوْلَئِكَ هُمْ شَرُّ الْبَرِيَّةِ ) !!! Maxaayeelay wax ay ku mutaystaan ( أُوْلَئِكَ هُمْ خَيْرُ الْبَرِيَّةِ ) kuma aanan arkin.
Daliilo Fara badan baanan u haystaa Allaah wuxuu Quraankiisa ku leeyahay :
ومن يقتل مؤمنا متعمدا فجزاؤه جهنم خالدا فيها وغضب الله عليهولعنه واعد له عذابا

Ruuxii Qof Mu’min ah kas u dila Abaalmarintiisu waa Jahanamo xaal uu ku waaraayo dhexdeeda ,Allaahna wuu u caroonayaa wanaan lacnadayaa ,wuxuuna u diyaarinayaa Cadaab Weyn .
Sidoo kale wuxuu Quraankiisa ku yiri markuu ka hadlaayey kuwa Ahlu Kitaabka iyo Mushrikiintaba in ay Jahannamo galayaan .
(إِنَّ الَّذِينَ كَفَرُوا مِنْ أَهْلِ الْكِتَابِ وَالْمُشْرِكِينَ فِي نَارِ جَهَنَّمَ )
Marka Al-shabaab iyo labaddaan qoloba horta Jahannamo ayey ku kulmayaan Sida Nusuustu sheegeyso, se wey dhici kartaa in Al-shabaab aysan ku waarin jahannamo sida Nusuus kale sheegayso.(1)
Maxay Culummado ku fasireen waaritaanka jahannamo uu ku waaraayo qofkii Mu’min kas u dila :
1) Saxaabigii weynaa mufasirihii Quraanka iyo Caalimkii Ummadaan C/llaahi ibnu Cabaas Allaah ha ka raali noqdee muxuu ku fasiray ruuxii ruux muslim ah kas ku dila :
وقد كان ابن عباس ، رضي الله عنهما ، يرى أنه لا توبة للقاتل عمدا لمؤمن .
وقال البخاري : حدثنا آدم ، حدثنا شعبة ، حدثنا مغيرة بن النعمان قال : سمعت ابن جبير قال : اختلف فيها أهل الكوفة ، فرحلت إلى ابن عباس فسألته عنها فقال : نزلت هذه الآية : ( ومن يقتل مؤمنا متعمدا فجزاؤه جهنم [ خالدا ] ) هي آخر ما نزل وما نسخها شيء .
C/llaahi ibnu cabaas wuxuu asagu ku tagay in ruuxii mu’min kas u dila in uusan toobad laheyn sida uu ka wariyey Ardeygiisa Saciid ibnu jubeer oo uu yiri Aayadan ayey reer kuufa isku khilaafeen ,markaas ayaan ayaan awrkaygii u rartay Ibnu cabaas oon weydiiyey ,markaas ayuu igu yiri : Aayddan ( ومن يقتل مؤمنا متعمدا فجزاؤه جهنم ) Aayddan waxay aheyd wixii ugu danbeeyey ee soo daga wax nasakhayna ma jiro .
Sidoo kale Ibnu Cabaas wuxu Qabaa Aayadda Suuratul Furqaan in ay laga wado dadka mushrikiinta ah ee markaas soo Islaamay wixii waqtigii gaalnimadooda ay soo sameeyeen:
[ وقال ابن جرير : حدثنا ابن بشار حدثنا ابن أبي عدي حدثنا شعبة عن أبي بشر عن سعيد بن جبير قال : قال عبد الرحمن بن أبزى : سئل ابن عباس عن قوله : ( ومن يقتل مؤمنا متعمدا فجزاؤه جهنم خالدا ) فقال : لم ينسخها شيء ] وقال في هذه الآية : ( : ومن يفعل ذلك يلق أثاما ] ) [ الفرقان : 68 ] قال نزلت في أهل الشرك
sida uu ka warinaayo C/raxmaan ibnu Abzaa la weydiiyey ayadda : قال عبد الرحمن بن أبزى : سئل ابن عباس عن قوله : ( ومن يقتل مؤمنا متعمدا فجزاؤه جهنم خالد markaas ayuu ku jawaabay wax nasakhay ma jirin ]ayadda kale: والذين لا يدعون مع الله إلها آخر [ ولا يقتلون النفس التي حرم الله إلا بالحق ولا يزنون wuxuu ku jawaabay waxay ku soo degtay ahlu shirkiga .
2) Sidoo kale salafka waxaa qabay in uusan toobad laheyn :
وممن ذهب إلى أنه لا توبة له من السلف : زيد بن ثابت ، وأبو هريرة ، وعبد الله بن عمر ، وأبو سلمة بن عبد الرحمن ، وعبيد بن عمر ، والحسن ، وقتادة ، والضحاك بن مزاحم ، نقله ابن أبي حاتم .
Zeyd ibnu thaabit , Abuu Hurayrah,C/llaahi ibnu Cumar ,Abu Salamah ibnu C/raxman , Cubayd ibnu Cumar,Xasan basri,Qataada ,Dhaxaak ibnu maxaazim kuwaas waxaa soo guuriyey ibnu abii xaatim.(2)
Akhristoow waxaa kaloo ku dartaa Xadiiska uu warinaayo Imaam Axmed bin xambal waa xadiiska Mucaawiya ibnu abii sufyaan ee oranaaya : قال الإمام أحمد : حدثنا صفوان بن عيسى ، حدثنا ثور بن يزيد ، عن أبي عون ، عن أبي إدريس قال : سمعت معاوية ، رضي الله عنه ، يقول : سمعت رسول الله صلى الله عليه وسلم يقول : ” كل ذنب عسى الله أن يغفره إلا الرجل يموت كافرا ، أو الرجل يقتل مؤمنا متعمدا ”
Nabigu NNKH wuxuu oranayaa : ( Dambi kasta waa laga yaabaa in uu Allaah cafiyo oo u dhaafo Ruuxii fala ilaa Ruux Gaalnimo ku dhintay mooyee ama Ruux Qof mu’min ah Kas u dilay ).
Haddaba Akhristoow Al-shabaab oo Maalin kasta & Habeen kasta Dad meel iskaga caweynaaya ama iskaga shaaheynaaya oo Mu’miniin ah haddii ay Qarxiyaan ama Bambo u dhigaan sow ma ahan ( sharul Bariyah ) !!!mise waxaan dhahnaa kheyrul bariyah ???!!!.
Anniga uun koleey Sharul Bariyah ayaan ku cadeynayaa !!! danbigaasna loo dhaafimaayo Sida uu Nabigu yiri xadiiska Mucaawiye sida uu sheegaayo amaba uu ibun cabaas ku tagay !!! Maqaalkaan waxaa fiicnaa in aan ku magacaabo : ( Ibnu Cabaas oo al-shabaab ku tilmaamay Sharul Bariuyah ) sidii caadada ii aheyd .(3).

Axaadiista ku soo aroortay abaalmarinta uu leeyahay Ruuxa Mu’min kas u dila :

وأخرجا عن البراء بن عازب أن النبي صلى الله عليه وسلم قال: ( لزوال الدنيا وما فيها أهون عند الله من قتل مؤمن ولو أن أهل سماواته وأهل أرضه اشتركوا في دم مؤمن لأدخلهم الله تعالى النار ) .

وفي رواية الأصبهاني عن ابن عمر أنه عليه الصلاة والسلام قال: ( لو أن الثقلين اجتمعوا على قتل مؤمن لأكبهم الله تعالى على مناخرهم في النار وأن الله تعالى حرم الجنة على القاتل والآمر ).
( Adduunka oo la rogo ayaa Allaah uga sahlan in Ruux Mu’miniinka ah la Dilo???? Haddii Samada Dadka dega waa Malaa’igtee Iyo Dhulka Dadka dega ay isku biirsadaan Ruux Mu’miniinka ah Dhiigiisa Allaah kor ahaaye Naarta Ayuu galiyaa ) !!!!!
Riwaayatdaha kale waxay leedahay Haddi Dadka Iyo Jinku ay isku biirsadaan Ruux Mu’miniinka ah Dhiigiisa Allaah wuxuu Naarta ugu Tuura San San, Allaahna Jannada waa ka xaaraantimeeyey Ruuxa Ruux Dila Iyo kan Dilitaankiisa Fara labadaba ) !!!!!.
Dadka Shabaabka Taageera ee aan Soomaaliya Jooogin Xukunkooda Muxuu noqonayaa :

Dadka Debaddaha Joogga ee Haddana Falalka Shabaab Taageera, Xukunkoodu Muxuu noqonayaa, Xadiiskan baa noo Sharxaaya ee dhagaha u fur :

أخرج ابن عدي والبيهقي عن ابن عمر قال: قال النبي صلى الله عليه وسلم : ( من أعان على دم امرئ مسلم لينظر كلمة كتبت بين عينيه يوم القيامة” آيس من رحمة الله تعالى ) .

Nabigu NNKH wuxuu yiri :
( Ruuxii Ruux Muslim ah ku caawiya in la Dilo ha fiiriyo Kalimad Maalinta Qiyaamo Labaddiisa Indhood Dhexdooda lagu dhigi doono [ waa mid ka Quustay Naxariista Allaah ] .
Haddaba Akhristoow Dadka Debedda Jooga ee Xamar ka fog ee Haddana Falalka Al- Shabaab Qalbiga kala jira ee Raaligaa ka ah in la Dilo Dadka Muslimiinta ah ee Sooman Cibaadadooda la Aqbalimaayo , Maalinta Qiyaamahana waxay imanayaa ayagoo labadoodaba Indhood dhexdooda kaga taalo [ waa mid ka Quustay Naxariista Allaah ].
Subxaanalaah Muxuu Camalkiisa ku khasaariyey wax uusan Shaqo kulaheyn???!!!!!Dil Allaahuu ka fogeeyey Ayuu Camalkiisa u burinayaa ???
3) Sida Culumada badankoodu qabaan anniguna aan ku raacsanahay Ruuxa ruux mu’min ah kas u dila ee ka toobad keena Allaah wuu ka aqbalayaa ,haddii uu la yimaado shuruudihii Towbadda .
والذي عليه الجمهور من سلف الأمة وخلفها : أن القاتل له توبة فيما بينه وبين ربه عز وجل ، فإن تاب وأناب وخشع وخضع ، وعمل عملا صالحا ، بدل الله سيئاته حسنات ، وعوض المقتول من ظلامته وأرضاه عن طلابته .
قال الله تعالى : ( والذين لا يدعون مع الله إلها آخر [ ولا يقتلون النفس التي حرم الله إلا بالحق ولا يزنون ومن يفعل ذلك يلق أثاما يضاعف له العذاب يوم القيامة ويخلد فيه مهانا ] . إلا من تاب وآمن وعمل عملا صالحا [ فأولئك يبدل الله سيئاتهم حسنات وكان الله غفورا رحيما ] ) [ الفرقان : 68 ، 69 ] وهذا خبر لا يجوز نسخه . وحمله على المشركين ، وحمل هذه الآية على المؤمنين خلاف الظاهر ، ويحتاج حمله إلى دليل ، والله أعلم .
وقال تعالى : ( قل يا عبادي الذين أسرفوا على أنفسهم لا تقنطوا من رحمة الله [ إن الله يغفر الذنوب جميعا إنه هو الغفور الرحيم ] ) [ الزمر : 53 ] وهذا عام في جميع الذنوب ، من كفر وشرك ، وشك ونفاق ، وقتل وفسق ، وغير ذلك : كل من تاب من أي ذلك تاب الله عليه .
waxayna soo daliilsadeen aayadda suuratul furqaan ee aan horay u soo sheegay iyo Aayadan Suuratul Zumar A: ( : ( قل يا عبادي الذين أسرفوا على أنفسهم لا تقنطوا من رحمة الله [ إن الله يغفر الذنوب جميعا إنه هو الغفور الرحيم ) Nabi mohamadoow ku dheh adoomadeyda xad gudbay ha ka quusanina raxmadeyda ,allaah danbiyadda oo dhanba waa dhaafaa waa allaah danbi dhaaf badan oo naxariis badan.
maqaalkayga waxaan ku soo gunaanadayaa al-shabaab waa sharul bariyah maadaama ay dadka gumaadayaan marna ma noqon karaan kheyrul bariyah.

fii amaanilaah.
sahidmohamed yusuf
USA,VA
sahidyusuf@yahoo.com
Al-mutakhasis fil xarakaat Al-islaamiyah.
1)sida jamhuurka culumadu qabaan.
2)ugu noqo tafsiir ibnu kathiir.Alnisa
3 Imaam Ahmed bin xanbal oo al-shabaab lacnaday & Imaam shaafici oo Al-shabaab aamusiiyey

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.