Nin kasta oo ina ka mid ah wuxuu jecelyahay inuu sharaf iyo karaamo ku noolaado oo aadanuhu qaddariyaan isaga, dadkiisa, diintiisa iyo dalkiisaba, mana jiro nin jecel ama raalli ku ah in la ihaaneeyo, la gumaysto, la dulmiyo ama hoos loo eego isaga iyo inta uu jecelyahayba.
Dhinac kale dad badan oo inaka mid ah ayaa doonaya inay liidaan, dulmiyaan, laayaan, boobaan ama barakiciyaan qabiilooyinka ama jifooyinka kale, isla markaasna ay iyagu ka badbaadaan burburka iyo magac-xumada soo gaartay qolyahaas kale.
Ninka doonaya inuu sharaf iyo ciso ku noolaado isaga iyo tolki, qabiilooyinka iyo jifooyinka kalena dullinimo iyo liidnimo ku jiraan waa nin is burinaya oo doonaya inuu shay iyo lidkiis (kasoo horjeedkiis) isku wado; waayo ciso iyo karaamo dunida ku yeelan maysid adiga iyo qabiilkaagu haddaanay dadkaaga iyo dalkaaga oo dhan kula wadaagin.
Haddaba waxaa ina horyaal labo khiyaar oo mid seddexaad lahayn oo ah:
a) in aynu ciso iyo sharaf ku wada noolaano oo qofka soomaaliyeed dunida meeshuu ka marayaba lagu qaddariyo, luguna ixtiraamo, cid ku xadgudubtana la waayo
b) in aynu wadaagno ihaanada, magac-xumada iyo baaba’a oo aan cidina (qof, qabiil, gobol, koox iwm) kaligeed haweysan sharaf iyo qiime gaar ah oo aanay soomaalida kale la wadaagin.
Tolkayow haddaynu dadkeena (qof qof, qabiilooyin iyo kooxo) qaddarino oo aynu dhibteena af iyo addinba ka ilaalino, isla markaasna aynu danahooda ka shaqayno, kana difaacno wax kasta oo wax u dhimaya diintooda iyo adduunyadooda waxaa hubaal ah inay intaas iyo ka badan inoo samaynayaan. Haddii aynaan waxba u tarin ee aynu dhibno, dhibaatada quruumaha kalena aynaan ka difaacin waxaa hubaal ah in aysan wax inoo tarayn ee ay iyaguna inoo gaysanayaan intaynu u gaysaney iyo ka badan, dhibaato dibad inooga timidna aysan inaga difaacayn inay inaga hiilliyaan mooyee.
Haddaba tolkayow innaga oo danteena kaliya ka fakarayna aynu kala doorano in ummadda oo dhan ina jeclaato, ina qaddariso, wax ina tarto, dhibteeda aynu ka nabadgalno, dhibtii cid kale inooga timaadana ay inaga difaacaan iyo in aynu ummadda oo dhan dhib iyo colaad ku wada noolaano. Si kale haddii loo yiraahdo aynu kala doorano ummad dhan oo ina la safan oo danteena ka shaqaynaysa iyo ummad ina la wada col ah oo dabin inoo maleegaysa.
Sh. Ahmed Cabdisamad
alwaqaar@hotmail.com
al
comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.