Home » Faallo »

Dabagal Durista Diin walwaallada: khadar faarax saciid (warfaa)

Mahad Eebbe sarreeye ayaa mutaystay, Ammaan iyo nabdoonaani nebi muxamed dushisa ha daboosho.

Gabalkan qoraalka ahi wuxuu dabagal miyirqaba iyo raadguris rasiin ah ku mashqacin doonaa diirashada culumadu ma daw baa mise waa daalinnimo hor leh?

Qaybta hore waxay dul istaagi doon Duristani ilaha ay ka soo durdurayso , waxa ay daarran tahay iyo dareen ka laga muujiyay.
Waayahan dambe degelada xidhiidhka bulshada iyo xog wadaaga waxaa qarqiyay dhambaallo dhiilaysan, oo lagu dhalliilayo laguna dhalleecaynayo , diiqabeennada diran ee hadh iyo habeenba u tafaxaydan fidinta iyo faafinta farriinta Rabaaniga ah (diinta islam-ka).

Duriddan iyo ceebayntan sida gardarada ah loogu dhabooqayo ehlu diinka waxay kasoo butaacaysaa laba dhinac oo kala fog, kala dan iyo kala mabd’bana ah.

Inta aynu qormadan dhex mayracanayno waxaan inoogu kala suntay , Daabtayaal iyo Diinnacayaal. Bal aan si dulmar ah daboolka uga qaado xaalka labadan qolo e dhugmada iyo dhaayaha oo isku sidkan ammin kooban I amaanaysii.

Daabtayaal: daabashadu waa cillad maqasha caloosha ka gasha xiliga canqar-ka siiba neefka la dambarsaday hadduu yahay madi caanoole ah.

Qoladan aan magaca u soo amaanaystay, iyaga maanka ayaa daabi kagashay, kadib markii fahamku la leexday, oo garaad koodu si aan sax ahayn u tusaalayey dhinacyo badan oo qaar ka mid ah aan carrabaabi doono. Sumaddani (Daabtayaal) waxay liqaysaa oo hoosta gashanaysaa koox diimeedyo badan , siyaasiyiin, qalinlleey, xoogsato, aqoonyahanno, warfidiyeenno iyo dad kale oo tiro badan.

Haddaan dhinac kayara saro oo tusaalayaal fudud kabixiyo.

Koox diimeedyo , sida qaybo kamid ah suufiyada, waxay dacaayad iyo maag ladaba taagan yihiin culumada barakaysan ee carrabkoodu u sakhiranyahay caddaynta diintan dhawrsoon, iyo hoga tusaalaynta toobiyayaasha ugu toolmoon ee lagu dhabayn karo ujeedada eebe wayne kalahaa abuuridda abuurkiisan kakan.

Kooxahani waxay gadoodeen kadib marki lafashiliyay fikrado bukaan socod ah oo ay muddo badan la kacaakufi jireen kuna fara adaygi jireen, sida:
I. Tuugsiga ku talaxtaga ah ee duqaydii iyo odayashii waafog ladduugay lala dul yuururo.
II. Celinta , leexinta, iyo afka-dhawridda tilmaamaha Alle isu tiiriyay amaba ergeygisii Muxamed (ammaan iyo fayobaan halagu foorariyee) uu u tiiriyay.
III. Dawarsiga magaca diinta loogu gabbado ee danyarta lagu xaalufiyo sida siyaarada ,iyo xoolaha lagu qaato quran saarka sida gunaanad-ka iwm.
Qoladani markii ladeedafeeyay warkooda si dhibyarna dhirbaaxadu u leeftay, dunuunuc , eedayn iyo dacaayad itaal daran ayay miciin bideen , sida waa wahaabiyiin, waa gadh dheeryaal gun ah , waa ganacsato manaxayaal ah, waa alshabaab aabayaashood, nebi amman-ka ayay liddi kuyihiin, iyo tobanaan naanaysood oo nacaybka diin walwaalada lagu shaqlay ciil iyo calool xumano loo hayana lagu lingaxay ayay gunti giijis kadhigtaan.

Siyasiyinta qarkood iyagoon dareensanayn,ama ilaashanaya dan gaar ah sida jago ama dugsasho cid ay dani kadhexayso ayay si doqoni magaratao ah aflagaaddo ugu soo maguujiyaan diinfidiyeenada.
Waxa kale oo biyadiid iyo bogaadin la’an ba’an oo kadhan ah diinwalwaalada soo muujista qaar kamid ah la xoogsadayaasha ha’adaha (UN iyo Kuwa kale ee caalamagi ah iwm), warfidiyeeno, aqoonyahano iyo maskax shiillo badan oo ay jiidatay fikarado gaar ah oo aad loo buunbuuniyay sida Xuquuqda bani’aadamka , xoriyada odhaahda/fikirka , xaqdhowrka warfidiyeenadda , xaalka dumarka (Women’s rights) , naaxinta maskaxda iyo kuwo kale oo badan.

Iyagoo ismoodsiinaya in wadaadadu (diinwalwaaladu) arimahan hoos udhigayaan diintana sirgaxayaan ayay culumada la collaytamaan, cay iyo canjarafayna ku camcamiyaan. Daabtayaal waa dad aad xumamadaysan. Xumaddaas iyo shaydaankuna waxay ku cadaadiyaan dabagal eedraadis ah oo diin walwaalada ka dhan ah.
Haddii in yar oo meel kadhac ah ama simbiriiraxasho ah wadaad (diinqabeen) laga helo sidii rati jeellan oo dheged meel bannaana loo dhigay ayay ugu qamaamaan iyagoo niyada ka leh ‘‘reer aan rabay roob maygu eryay’’ sheegista ita ay maqleen oo qudhana kuma kaaftoomaane waxay u dhurtaan ‘’wixii xunba xaawaa leh’’ sidaa darteedna Diinyahanada duuddub ahaan ayay eedo masabid u badan ka rookeeyaan.
Saaxiibadan warkooda marka laysku soo xooriyona waxa dabada ka riixaya qaar kamid ah cariyayaashan hoos ku cad:
• Xafiiltan , rag iskarow, iyo yaan lagaa rayn. waxyna u arkaan hadii ay gacmaha taagaan oo caddeyaan in dooda iyo xujada lagu daandaamiyay in ay tahay doqonnimo iyo nacasnimo sagxadeeda ugu hoosaysa.
• Ilaashi dan gaar ah iyo ku ibtilaysnaanta magaca, mansab-ka, xoolaha iwm.
• Fahm guracan oo ay isu dardaarmeen, aw-gooda iyo ardaygooduba, una arkaan Daw-ga lama dhaafaanka ah.

Daabtayaal iyo warkooda aynu kadiga rogano, dhankaas iyo diinnacayaal arrinkoodana aynu isudabagalno e bal soo yara durug oo dareenkana aad u fiiq.
Diinnacayaal: iyagu waa duul xumaan rug ah oo ku ambaday togag hummaag aqoon ku sheeg ah oo lagu harawsaday. sida falsafad fadaraysan oo aan fiirinaynba wixii caqliga ka soo hadhay, iyo kuwo kale oo afmagaabsi iyo dhuuni ku doorsaday diintoodii.

Sannifaad, kohasho , iyo diindhibsi ayaa margiyada jaray,taasina waata dhaxalsiisay inay cid kasta oo war Rabbi weelaynaysa ama werinaysaba ay ka yalaalugoodaan, baydad iyo firdhashona la fiigaan. Waxa ay qoraan bugaag bannaf ah iyo qormooyin hoodh ah oo muujinaya mililka iyo daamurka dubaaqooda haraaciyaya, had iyo goorna waxay ku lebbistaan diinyas iyo ilaah dafir aan lala gabanayn , geedna laysugu soo toosinayn.

Waxay ku nuuxnuuxsadaan in diinta islamku tahay mid nuxur beel ah , maskaxda iyo maanka qofkana dhadhinaysa.
Waxay ku maadaystaan in diin walwaaladu yihiin maangaabyo iyo mafekerayaal isubaxay oo aan qiimayn Karin dhacdooyinka iyo dhaxalka ay reebi karaan (cause and effect relationship), awoodna aanay ulahayn inay ka warceliyaan waydiimo badan oo laxidhiidha nolosha cusub.

Diintirayaashani waxay isku taxallujiyaan , maan iyo maalba kubixiyaan kala fogaynta bulshada iyo diin fidiyeenada lagu kalsoonyahay, markaasay warar been iyo ban ka abuur ah ku tumaatiyaan milgaha iyo sharafta wadaadada (Diin walwaalada).
Ayaan xumadooda se waxay la kulmaan bulsho miiggan oo ku xeel dheer xurmaynta iyo katala qaadashada diinyahanada dambarsada xogta ku duugan kitaabka iyo sunnaha.
Diindurayaashan derderani waxa aanay si dhab ah u dhugan sooyaalka somalida ee ku suntan diindugsashada iyo boholyowga xad dhaafka ah ee ay uhayaan ehlu diinka.
Soyaalka hadday dhaayo badqaba ku dhuganlahayeen, waxay dheehan lahayeen , bulsho qumman oo bidix iyo midigba laga maray, horraanta iyo haneedkaba laga istaagay, xoog iyo xeeladba lagu deyay, silooga xayndaabo dhegaysiga iyo dhug u yeelashada dhawaaqa hogaamiye diineedada hanuunsan , balse tag iyo maaroba loo waayay.

Intaa haddaan dacal isugu duwo, bal aan aan u daadego daraf kale.
Diin walwaalkan aan warkiisa dudubinayaa tolow muxuu yahay? Muxuu gala? muxuuse gudaa? Diin iyo Diin walwaal se maxaa ka dhexeeya?

Warcelinta waydiimahaas iyo dheeraad kaleba waan dul istaagi doonaaye adiga ha iga daalin Jaalle.
Diinwalwaal qeexiddiisu ma qallafsana, waa Diinqabeen Rabbi yaqaan ah oo waqti badan ku bixiyay ka jibba keenidda warka eebe xagiisa inooga yimid.
Fadhi , fiirsi iyo falanqayn badan ayuu uhuray ruugidda dhaabadaha waawayn ee fariinta Eebe ku dul wareegto, intaa kadibna wuxuuu utafaxaydtay fidinteeda iyo gaadhsiinteeda.
Waa dayrka laga dugsado duufaanta diin xumada/la’anta, waa fardoolayda weerara ujeedooyinka fog fashistaha , waa darka diinatan malabka ah loogu arooro, waa furayaasha falsamida iyo dhaqan fiicnaanta, waa dhayo fiiqan oo bulshadu ku aragto bayhoof-ka soo fool leh.
Eebe tuugsiga iyo ku qanacsanaanta addoomo u ahaanshihiisa ayay bogaadinta iyo baanashada layaabka leh ku heleen.
Bilaash looma daba yaacin
Bilan diin magayno ah
Biyo dahab ka muuq dheer
Buurdhaab ka culusoo
Badhaxla’ bay cuskanayaan
Barakada kitaabkiyo (qua’ran)
Barashada sunnaha sare
Taas bay badhaadhaha
Barwaaqada ku gadheen. Khadar Farax (warfaa)
Hadaba diin iyo Diin walwaal cidda kala saartay ma farshay cabtay? Ma is yeelyeel bay ka tahay? Ma hunguri xumo iyo caada qaatanimo ayaa jiidatay? Mise lays kulama yabee waa ka aqoon gaabni iyo ogaal cidhiidh?.Xirfadle kasta takhasuskiisa waa lagu tixgeliyaa, lagana talaqaataa hidii uu tilmaan bixiyona si tuhun la’an ah ayaa loogu tallabsadaa, quraan ruugtuna kama duwana.
Iyana waa yaabe mid Diin barashadeed iyo baristeed toona wakhti ku bixini goormuu culumadii cunaha iskaga duubay?
Qof wakhtigiisii ku dhameeyay barashada siyaasad silloon, saykolojiyad segegeran, amaba aqoon kale oo samaan iyo xumaanba yeelan karta , goormuu isu dhigay diin toosiye toolmoon oo tiisu uun sugan tahy?
Ma annagaa waalal mise cadan baa laga heesayaa?
Diin walwaaladu iyagu haba isqabtaane, (maxaa yeelay aag aqooneed kii lagu ogaa ayay ku dhex sugan yihiine ) balse habawsane maskax maydh lagu disay intuu culumadan bulsha wayntu ka marag kacday aqoontooda iyo samatalisnimadooda xagaxaganayo, ma hawlqabad kale ayuu waayay mise masayrka colaadu ku ladhantahay ayuu isku celin kari la’ yahay?
Cadhadaada lagodgal , ciil baxna hafilan intaad kitaabka (qura’nka) iyo kitaabjecesha sannifsantahay.
Sh.Umal iyo diinqabeenada lasafan ee kale toona haysku dhererin, Bal dadku wax ay kuugu bogaan kuuguna raxleeyaan adiguba soo bandhig.

Hadaad ku doodo Dadku waa wax magarato jibbaysan, oo qiiro iyo qarracan idiguba inaad harawsato maxaa kaa hortaagan?
Ugu dambayn si damqasho, tolliimo iyo udiir naxba ku jiro waxaan ugu guubaabin lahaa diinnacayaasha inay kasoo noqdaan gebiga ay isku maqiiqayaan, diintan suubanna dood iyo dagaal gacani toona celinmayso e ay isdaba qabateeyaan EEbe waynena waa aargooste run ahe ay ka dhawrsadaan
Wixii dhacdhac iyo silikayn ah ee aan qalinku ila seeraaray Rabbi hayga dhaafo wixii aan saxaynna isagaa i tusay iguna ilhaamiyay.
Allaa mahad leh.
Waxa qoray khaddar faarax saciid, (Warfaa)
Email: Dalmartogdheer@gmail.com

khadar faarax saciid

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.