Home » Warar »

Midowga Afrika oo dhisay koox baarta tacadiyadii kufsiga ahaa ee ciidankoodu gaystay

WARSAXAAFADEED

Midowga Afrika (AU) oo Dhisaysa Koox Baarta Eedaymahii Six Xun Uga Faa’iidaysi iyo Tacaddi Galmo (SEA) ee Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM).

 

untitledMogadishu, Somalia, 17 October, 2014: Guddoomiyahah Guddiga Midowga Africa (AU), Marwo Dr. Nkosazana Dlamini-Zuma ayaa manta amartay howl-galinta guddi baarayaal ah oo u kuur gala eedaymahii Six Xun Uga Faa’iidaysi iyo Tacaddi Galmo (SEA) ee lagu eedeeyey shaqaalaha Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), eedaymahaas oo ay ku soo saartay Hay’adda Human Rights Watch warbixin cinwaankeedu yahay “Xoogga ay Raggaa Nagu Haystaan – Si Xun Uga Faa’iidaysi iyo Tacaddi Galmo ee Ciidamada Midowga Afrika ee jooga Soomaaliya taas oo lagu faafiyey Nairobi, Kenya 8di September, 2014.

Koox baarayaal oo ka kooban afar, oo ay ku jiraan laba haween ah, kana socdaan Ghana, Tanzania iyo Zimbabwe lehna tababar, aqoon, xirfad iyo waayo aragnimo, ha ahaato mid ah heer qaran, gobol ama caalami taas oo ay isticmaali doonaan marka ay gudanayaan mas’uuliyadan aad u muhiimka ah.

Kooxda Baarayaasha waxay baaritaano ku samayn doonaan eedaymaha gaarka ah ee Si Xun Uga Faa’iidaysi iyo Tacaddi Galmo ee ka dhanka ah shaqaalaha AMISOM gaar ahaan Guutooyinka Ugandha iyo Burundi iyo sidoo kale shaqaalaha madaniga ah ee AMISOM iyadoo la rabo:

In la ogaado xaqiiqooyinka la xariira eedaymahaan si go’aan looga gaaro haddii eedeymaha SEA ay dhaceen iyo in kale; iyo,
In la ogaado, haddii ay dhaceen, muddada falakaas ay dhaceen iyo talaabooyinka uu hoogaanka AMISOM qaaday kuwaa oo ama ka qeyb-qaatay ama ka hor-tagay falalka lagu eedeeyey in ay dhacaan.
Kooxda Baarayaasha waxay shaqadooda u gudan doonaan si madax banaan, xirfadaysan oo hufan. Kooxda Baarayaasha waxa ay wax ka qaban doonaan baahida dhibanaasha la sheegay iyo kuwa markaatiga noqon kara iyo sidoo kale rabitaanka dhammaan kuwa ay quseyo si loo helo runta kusaabsan eedaymahaan.

Gudddoomiyaha waxay wadashaqeyn buuxda ka codsanaysaa dhaammaan dhinacyada muhiimka u ah e baaritaanadaan, taasoo ay ka mid tahay in si shardi la’aan ah lagu gaaro dhammaan dadka iyo goobaha fududeyn doona in baaritaanadaan la sameyo.

Guddoomiyaha waxay jeclaan lahayd in ay ku celiso in Midowga Afrika ay ka go’an tahay in uu xoojiyo dadaalka loogu jiro la dagaalanka Six Xun Uga Faa’iidaysi iyo Tacaddi Galmo noocyada kala duwan ay leedahay, gaar ahaan saamaynta ay ku leedahay dhibanayaasha iyo qoysaskooda. Sidaa aawgeed, Guddoomiyaha waxay sidoo kale abuurtay koox qiimayn samaysa oo ka kooban qubaro Jaamacadeed iyo kuwa u dhaq-dhaqaaqa Xuquuqda Haweenka oo qibrad gaar ah u leh dhibanayaasha tacadiyada galmada ilaalintoo iyo fulinta sharciga iyo nabadda iyo amaanka, kooxdaas oo sidoo kale qiimayn buuxda ku samayn doonta in ay go’aamiso xadka, dabeecadda, iyo soo noq-noqodka SEA ee ka dhaca AMISOM, haday jirto, si ay ugu war-geliso una bixiso siyaasad hagta AMISOM iyo talaabooyinka la qaadi lahaa, AMISOM kaliya ma’ahane dhammaan howl-galadda ee nabadda lagu taageerayo (PSOs).

Kooxaha Baaritaanka iyo Ukuurgalka waxaa laga filaa in ay soo gaba-gabeeyaan howshooda 30ka November 2014 markaa oo ay kooxaha warbixintooda u gudbin doonaan Guddoomiyaha. Waxii ka soo baxa iyo talo soo jeedinta waa la faafin doonaa iyadoo la adeegsanaayo wadooyinka ku habboon ee Midowga Afrika iyadoo tix-gelin gaar ah la siinayo ilaalinta dhibanayaasha, xuquuqda dadka lagu eedeeyey in ay tacadiyadaas gaysteen iyo waliba arimaha lagama maarmaanka u ah how-galadda AMISOM.

____________________________________
For more information, please Contact; Eloi Yao and Colonel Ali Aden Houmed, Spokespersons,
Cell phone: (Somalia) +252 699 525 773 OR +252 699 758 567; (Nairobi) +254 702 155 126; Email: amisommediacentre@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.