Home » Maqaallo »

Dadka af soomaaliga ku hadla: hadal dalab leh!

Beryahaan dambe waxaa af soomaaliga kusoo kordhay erey-bixino cusub oo aan loo fiirsan macnaha ay xambaarsanyihiin, cidda bixisay iyo ujeeddooyinka laga leeyahay midna, waxaana ka mid ah: DADKA AF SOOMAALIGA KU HADLA oo la dhigay booskii (meeshii) Soomaali ama Soomaaliweyn ama shacabka Soomaaliyeed iwm.

Dadka soomaaliyeed waa dad wadaaga wax kasta oo ummad mideeya, sida diinta, dhalashada, dalka, afka, dhaqanka, taariikhda, danaha iyo aayahaba. In dadka noocaas ah ee wax walba ka midaysan loo muujiyo inay yihiin dad luqadda kaliya isu keentay waa hadal dalab leh oo ay caddahay in TIMIR LAF KU JIRTO.

Marka bulshadu weydo meel ay u noqoto (marjic) ama hay’ado ilaaliya daneheeda, una difaaca xuquuqdeeda la yaab maaha in la marinhabaabiyo ama la mooro-duugo, waxaana ugu daran in miskaxda laga wareemo oo bulshada la gaarsiiyo heer ay gacmeheeda ka keensato xargihii lugu xiri lahaa ama middidii lugu qali lahaa, waxaana caddayn u ah in dad waaweyn oo aan lugu tuhmayn khiyaano loo soo dhuumiyey erey-bixino lugu gawracayo, sida midda aynu hada ka hadlayno.

Walaalnimada iyo midnimada shacabka soomaaliyeedna ku baabi’ mayso duruufta gaarka ah ee keentay inay dowlado kala duwan hoosyimaadaan ama iyaguba maamululo kala gaar ah samaystaan, mana ku waayayaan magaca soomaalino iyo xiriirkii qotada dheer ee ka dhexeeya.

Dowladaha carbeed iyaga oo maamulo kala duwan loo sameeyey oo dowlado kala ah ma isticmaalaan erayga ah: dadka af carabiga ku hadla ee dowlad walba magaceeda carabnimadu way ka muuqataa, ku abtirsigeedana looma muujiyo mid luqadda kaliya ku gaar ah.

Gabagabadii erey-bixintaani waxay xambaarsantahay duluc fog oo dhib ina ku ah dad, dal iyo diinba, duni la is wada wanjalayo oo xariiga la isaga boodayana waynu joognaa ee aynu feejignaano gaar ahaan arrimaha khuseeya aayaha ummadda oo yaynaan noqon dad isku rida xukun iyaga dhibaya ama gacmohooda isku mirjiya.

Sh. Ahmed Cabdisamad
alwaqaar@hotmail.com
axmeed

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.