Home » Warar »

Dhagayso: Xukuumadda oo ku baaqay in la joojiyo dagaal beeleedka ka socda Hiiraan

Muqdisho, 15, October, 2014….Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Guddi heer Wasiirro ah u magacowday Colaadaha iyo dagaal beeleedyada ka jira deegaanka Deefow ee gobolka Hiiraan, waxana ay Xukuumaddu ugu baaqday kooxaha uu khilaafku ka dhexeeyo inay si deg-deg ah u joojiyaan dagaalka oo ay wadahadal ku xalliyaan khilaafkooda.
unnamed (1)

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Amniga Qaranka Mudane Khaliif Axmed Ereg iyo xubno guddiga Wasiirro ah oo wadajir Saxaafadda ula hadlay ayaa sheegay markii ay soo noq-noqdeen dhowr jeer dagaalka Deefow in Xukuumaddu ay magacowday guddiga heer wasiirro ah oo soo afjara dagaalladaas.

“Anoo ku hadlaya magaca Xukuumadda Federaalka waxaa si tiiraanyo iyo murugo leh uga muujinaynaa colaadda iyo dagaallada soo noq-noqotay ee labada beelood ee walaalaha ah ku dhex martay degaanka Deefow ee gobolka Hiiraan. Anigoo uga tacsiyaynaya dadkii ku waxyeeloobay dagaalkaas” ayuu yiri Wasiirka Amniga Qaranka oo intaasi raaciyay in dhinacyada dagaallamaya ay colaadda si deg-deg ah u joojiyaan.
unnamed

Mudane Khaliif Axmed Ereg ayaa intaas ku daray “Dhammaanteen waxaa aad noo damqay inaan maqalno dagaalka dhiiggu ku daatay ee dhex maray labada beelood ee walaalaha ah. Sida kaliya ee lagu xallin karo khilaafka ka jira deegaanka waa wada-xaajood, waxaanan xasuusineeynaa in dagaal naf lagu waayo uusan marnaba xal noqoneeyn”.

Ugu danbeyn, ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Amniga Qaranka ayaa amray Hay’addaha Amniga ee dowladda Federaalka ee ka howlgala gobolka in ay kala dhex galaan beelaha iyagoo kaashanaya Odayaasha dhaqanka iyo Ciidamadda midowga Africa ee AMISOM.
unnamed (3)

Halkan hoos  Codka Wasiirka

Wasiirka-Amniga-Qaranka-Mudane-Khaliif-Axmed-Ereg.mp3″
—DHAMMAAD—-

Ahmed-nur Mohamed
Warbaahinta Xafiiska R.W
Mogadishu-Somalia
Email1: media@opm.gov.so
Email2: axmednuur59@gmail.com
Tel: +252-6988-88022
Tel: +252-6155-02546
Twitter: @SomaliPm

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.