Home » Warar »

Halkaan ka Akhriso Wararkii ugu Dambeeyey ee Soomaaliya.

Somalitalk  15-10-2014

 

Ergeyga QaramadaMidobay oo Golaha Ammaanka uga war bixiyay xaaladda Somaliya islamarkaana Walaac ka muujiye Khilaafka Madaxda Dowladda.

Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay oo ka qayb galay shirkii Golaha ammaanka QaramadaMidoobay shalay ay ku yeesheen New-york oo golaha ammaanka ayaa ka war bixiyay Xaaladda Soomaaliya.

kayNicolas Key Ergeyga ayaa ugu horeynba ka hadlay Dilkii Hoggaamiyihii Shabaab kowdii September loo gaystay taasoo wixii xilgaas ka dambeeyay isbedel uu ku dhacay Shabaab isla markaana Ciidamada Dawladda iyo kuwa Amiosm ay horumaro ka sameeyeen dhinaca degmooyin ay hore uga arrimin jireen dagaalyahanada Shabaab.

Ergeyga ayaa ka hadlay baahiyaha jira xiligan isagoona farta ku fiiqay in Ciidamadu u baahan yihiin sidii ay horeba u sheegeen Diyaaradaha loo adeegsado dhinaca Sahanka, Sahayda iyo is gaarsiinta taasoo weli ah mid taagan. Soomaaliya ayuu yiri Ergaygu waxay ka soo kabanaysaa xaaladihii muddo ka hor ka jiray isagoona si gaar ah farta ugu goday inay si weyn hoos ugu dhacday Khatartii Shabaab muddo ka hor ay ku haysey Soomaaliya. Nikolas Key ayaa walaac ka muujiyay Khilaafka Siyaasadeed ee mar mar soo kala dhax gala mas’uuliyiinta taasoo uu sheegay haddii aan loo helin xal kama dambays ay suurta gal tahay in ay lugta jiiddo horumarka dhinaca  siyaasadda iyo Weliba in ay qabsoomaan Doorashada Madaxweynaha ee Soomaaliya 2016.

Ergeyga Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa soo hadal qaaday Nidaamka samaynta Maamul Goboleedyada kuwaasoo haatan uu sheegay in ay marayaan meel aad u wanaagsan isla markaana waqtiyada soo socda la filayo in ay guulaystaan. Isla markaana Sanadka 2016kala gaaro Higsiga Soomaaliya oo ah in ay ka dhacdo Doorasho. Mr Key ayaa soo celiyay codsigiisii ahaa in beesha Caalamku ay bixiso Dhaqaalihii ay hore ugu yaboohday si dib u dhiskaDalka Soomaaliya loo horumariyo.

Mid ka mid ah la Taliyayaasha Madaxweyne Xasan Shiikh oo eedeyn loo soo jeediyay.

Muuse Xaaji Maxamed oo ka mid ah la taliyayaasha Qaaska ah ee Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay inuu gacan saar la leeyahay Dagaalyahanada Xarakada Shabaab isla markaana Hub fara badan uu u gudbiyay. Eedeyntan oo ka soo baxday Guddiga la socodka Cunaqabataynta Hubka ee saaran Soomaaliya iyo Eritireya war ka kooban in ka badan Afar Boqol oo bog ayaa sheegtay in Muuse Xaaji uu hub u gudbiyay Dagaalyahanada Xarakada Shabaab.

Warbixinta oo sii hadashay ayaa sheegtay in ay hayaan caddeymo muujinaya xiriirka ka dhaxeeya sarkaalkan iyo Xarakada Shabaab kuwaasoo muujinaya Hubka loo gudbiyay Dagaalyahanada Shabaab kuwaasoo sii maray gacanta la Taliyaha Madaxweynaha Soomaaliya.

Hay’adda Qaramada Midoobay ee Cunqabataynta Saaran dalalka Somaliya iyo Eritireeya ayaa marar kala duwan sheegay inuu jiro Hubka soo gaara gacanta Dawladda Federaalka Soomaaliya in ay u sii gudbaan dhinacyo kale. Dhawaan ayay ahayd markii la sheegay in qalabka warbaahinta Shabaab lagu soo ba dhigay Hubkii Keydka Ciidanka Soomaaliya taasoo fadeexad ku noqotay Xukuumadda uu hoggaaiyo Xasan Shiikh Maxamuud.

. Col. Barre Hiiraale oo Maamulka Axmed Madoobe ku eedeeyay inay jabiyeen Heshiiskii hore loo gaaray.

Col. Barre Aadan Shire oo haatan ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa eedeyn kulul u soo jeediyay Maamulka uu hoggaamiyo Axmed Madoobe isagoona ku eedeeyay inuu jabiyay heshiiskii hore loogu gaaray Magaalada Kismaayo. Korneylka ayaa sheegay in Ciidamo ka amar qaata Maamulka Axmed Madoobe iyo kuwa Amisom ay Madaafiic ku garaaceen saldhig Ciidamadoodu ay ku lahaayeen duleedka degaanka Buulo Gaduud halkaasna ay ku dhaawacmeen seddax Askari oo ciidankoodaka tirsanaa dad rayid ahina ay ku dhinteen duqeyntaas ay halkaa ka gaysteen Gobolka Jubada Hoose.

Barre Hiiraale ayaa intaa ku daray in ay qaateen heshiiskii ay u soo bandhigtay Xukuumadda kaddib markii ay u yimaadeen Wafddi ka socday Dawladda oo uu hoggaaminayay Wasiirka arrimaha Gudaha sidaasna ay Ciidankoodii xareeyeen iyaguna u soo gudbeen dhinaca Muqdisho iyagoona ka dhul sugayay heshiiskaas dhamaystirkiise hase yeeshee Axmed Madoobe uu buriyay heshiiskaas.\ Col, Hiiraale ayaa intaa ku daray in Ciidankooda ku sugnaa duleedka Buulo Gaduud uu ahaa saldhiggii Ciidanka sidaa darteedna ayu suurtoobi weydey mar qura inay xareeyaan Ciidankaas sidaa darteedna fariisinkoodii la garaacay taasna uu ku sheegay in ay tahay mid ku tala gala ah oo Ciidamada Keenyaanka iyo kuwa Axmed Madoobe ay halkaau weerareen.

.
Muran xooggan oo soo kala dhax galay Maamulka Gobolka Banaadir iyo Wasaaradda Maaliyadda.

Waxaa circa isku sii shareeraya Murankii u dhaxeeyay Maamulka Gobolka Banaadir iyo Wasaaradda Maaliyadda ka gadaal markii Maamulka Gobolku eedeyn kulul u soo jeediyay Wasaaradda isagoona ku eedeynaya in Wasaaraddu qabanayso hawlihii ay ahayd in Dawladda Hoose ay qabato. Eng. Axmed oo oo la taliye u ah Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo arrintaa sii faahfaahiyay ayaa sheegay in Cashuurtii ay ahayd in ay qaaddo Dawladda Hoose in ay sharciyeeysatay Wasaaradda Maaliyadda meel walbana u taagan tahay in Cashuurihii Berriga xitaa ay iyadu qaaddo.

La taliyaha ayaa intaa ku daray in Dawladda hoose ay joojisay Cashuurtii laga qaadi jiray Suuqa Bakaaraha ka gadaal markiila arkay kooxo kala duwan oo lebis kala duwan gashan oo halkaas Cashuur ka qaadaya kuwaasoo badankooda ah Wasaaradda Maaliyadda. Arrintan ayuu sheegay in Maamulka gobolka Banaadir uu gaarsiiyay Mas’uuliyiin ka tirsan Xukuumadda gaar ahaana Ra’iisulWasaaraha Soomaaliya balse lagu balamay in arrintaasi xal ayka gaari doonto xukuumadda.

Hadalka la taliyaha ayaa imaanaya xilli Maalintii shalay Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir XasanMaxamed Xuseen (Muungaab) Siminaar uu furayay uu ku sheegay in dhibaato ay ka taagan tahay Cashuurta laga qaado ganacsatada Soomaaliyeed isagoona Wasaaradda Maaliyadda ku eedeeyay in hawl aan hawsheeda ahayn faraha ay la gashay.

Toddoba Maxbuus oo ku xirnaa Xabsiga Beled-weyne oo Xabsigii ka baxsaday.

Guddoomiye ku xigeenka dhinaca amniga iyo Siyaasadda ee Maamulka Gobolka Hiiraan  ayaa ka warbixiyay Maxaabiis ku xirneyd Xabsiga Dhexe ee Magaalada Beled-weyne ee GobolkaHiiraan. Maxamed Ibraahim Cabdullaahi Guddoomiye ayaa xaqiijiyay in Maxaabiistaasi ay ka baxsadeen Xabsigaas kuwaasoo isugu jiray kuwo ku xukuman Dil iyo Xabsiyo kaladuwan kuwaasoo uu sheegay in ay u suurta gashay inay halkaa isaga baxsadaan

Guddoomiye ku xigeenka dhinaca ammaanka iyo Siyaasadda ee Gobolka Hiiraan ayaa meesha ka saaray warar sheegayay in Maxaabiistaas si ula kac ah loo siidaayay isagoona sheegay in baxsashadooda ay u sahashay Galaasyo ay haysteen oo ay ku qodeen qolkii ay ku xirnaayeen illaa ugu dambayntiina ay halkaa ka baxsadeen.

Xabsiga Magaalada Beled-weyne ayaa ka mid ahaa dhismayaashii xiligii hore la dhisay dayactir fiicana aan helin iyadoo haddana dhismaha ay sii daciifiyeen Roobab badan oo magaalada ku da’ay. Maxamed Ibraahim ayaa dhinaca kale Inkiray inay jiraan Ciidamo aan maamulka ka amar qaadan oo Gobolka ka jira isagoona sheegay in ay jireen Maleeshiyo tababaran kuwaasoo loogu tala galay la dagaalanka Shabaab haatana ay ka mid yihiin Ciidamada Dawladda

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

 E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

 E-Mail  amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.