Home » Warar »

Ra’iisul Wasaare Cabdiweli oo Canbaareeyey Qaraxa ka dhacay Magaalada Muqdisho

Warsaxaafadeed ka soo baxay xukuumadda FS:

Garoowe, 12, October, 2014……. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa si kulul u canbaareeyey weerarka argagaxiso ee lagu bartilmaameedsaday dad rayid ahaa oo ku sugnaa maqaaxi laga cunteeyo oo ku taalla waddada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho. Ra’iisul Wasaaraha ayaa weerarkan ku tilmaamay mid fulaynimo ah oo aan qiil loo samayn karin, kana baxsan dhammaan dhaqanka diinta Islaamka iyo damiirka bani aadantinimada.

raisalwasaareRa’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in weerarada noocan ah ee lagu bartilmaameedsanayo dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan ay soo gaabinayaan cimriga kooxaha nabad-diidka ah ee gumaadka ku haya dadka Soomaaliyeed, waxana uu ugu baaqay dadka Soomaaliyeed inay hal meel uga soo wada jeensadaan la dagaalanka dadka caadeystay daadinta dhiigooda.

Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa tilmaamay in weerarkan lagu soo beegay xilli ay dadka Soomaaliyeed ku jireen xuska sannad-guuradii lixdanaad ee maalinta calanka Soomaaliya, sidaa awgeedna ay tallaabadani ka tarjumeyso ujeedooyinka gurracan ee kooxaha nabad-diidku ku doonayaan inay ku dhaawacaan dareenka dadka Soomaaliyeed si ay uga niyad jebiyaan rajada nabadda iyo dawladnimada ee aadka u sarraysa, isagoo caddeeyey in weerarada noocan ah aanay qaranka Soomaaliyeed ka leeexinayn waddada horumarka iyo dawladnimada.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu tacsi u diray dhammaan dadkii ku dhintay weerakan lagu qaaday dadka rayidka ah, waxan uu Illaah uga baryey inuu janadiisa ka waraabiyo isagoo intii dhaawacantayna u rajeeyey iney ka bogsadaan dhaawaca.

“Waxaan canbaaraynayaa weerarkan waxashnimada ah ee lagu bartilmaameedsaday dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan. Waa dhaqankii lagu yaqaanay nabad-diidka waqtigiisu dhamaaday ee muddo dhibataynayey dadka Soomaaliyeed ee muslimiinta ah.Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh waxana uu raaciyey

“Weerarkan bahalnimada ah waxaa lagu soo beegay xilli aynu faraxsanayn oo aynu xusaynay Calankeenna sharafta badan oo ah haybteenna Soomaalinimo iyo astaanta qaranimadeena. Waxaan hubaa in weerarkan uusan inaka leexin doonin jidka horumarka, nabadda iyo dawladnimada”.

DHAMMAAD

Abdirashid Muse
Warbaahinta Xafiiska R.W
Garoowe-Somalia
Email1: media@opm.gov.so
Email2: abrashidmuse@gmail.com
Tell: +252616318823
Twitter: @SomaliPm, @AbdirashidMuse

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.