Home » Maqaallo »

Cadow iima aha

Ninkii jecel Ilaahay iyo rasuulkiisa, diinta islaamkana rumaysan oo qadarinaya waa walaalkay igu leh xuquuqda walaalnimada xataa haddii uu i nicibyahay ama i colaadiyo ama uu nicibyahay kooxdayda ama tolkay ama deegaankayga, waxaana u arkayaa inuu yahay walaalkay igu gafay oo u baahan in gafka iyo qaladka laga saxo sida dambiyada iyo gafafka kale looga saxayo.

Laakiin waxaa cadow ii ah ninkii la collooba Ilaahay, rasuulkiisa iyo diinta islaamka oo kula dagaalamaya qawl ama ficil ama labadaba xataa haddii uu I jeclayahay ama jecalyahay tolkay ama kooxdayda ama deegaankayga. Qofka muslimka ahna Ilaahay agtiisa gar ku heli maayo inuu la safto ama u hiilliyo cid Rabbi iyo diintiisa colaadisay inay isku koox yihiin ama isku qoys yihiin ama isku deegaan yihiin awgeed; waayo cid kasta Alle ayaa kaaga xaq badan.

Sidaa darteed ma habboona in loo fahmo raddinta iyo u jawaabida dadka diinta meel kaga dhaca inay ka dhalatay colaad gaar ah oo cid ama qof loo qabo. Tan kale ma fiicna in qofkii ku xiga dhalasho ahaan, koox ahaan ama fakar ahaan khaladkiisa laga indhalaabto, kaad arrimahaas ku kala duwantihiina wax yar iyo weynba lugu raddiyo.

Waxaa kale oo muhiim ah in aan la isku qaldin qof jecel Ilaahay, diintiisa iyo islaamka oo qalad ka dhacay iyo qof u bareeray inuu diinta ama qayb ka mid ah axkaamteeda weeraro. Waxaan iyana habboonayn in qof diintii Ilaahay colaadinaya loola safto qolo hebla ku xumee ama kaga aargudo. Sida aan luguugu oggolayn inaad nacdid NABI CIISE iyo SAYID CALI adiga oo ku xumaynaya Kirsishtaanka iyo Shiicada ayaan luguugu oggolayn inaad nacdid wax diinta ka mid ah adiga oo ku xumaynaya qolo hebla ama qolo hebla.

Gabagabadii ha ogaadeen dadka diintaan jecel ee daacadda u ah in aysan cadow isu ahayn ee iyagu isku saf yihiin, dadka diinta kasoo horjeeda oo Ibliis u horreeyana ay isku dhinac yihiin, loona baahanyahay inay dadka diinta jecel isu kaashadaan difaaceeda iyo koryeelideeda xataa hadday masalooyin isku khilaafsanyihiin.sax
axmeed
Sh. Axmed Cabdisamad
alwaqaar@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.