Home » Warar »

Mu’asasada Al-Minhaaj oo soo gabagabaysay dawro ah “Tababarka Tababarayaasha”

waxaa xalay kusoo gababoobay magaalada bosaaso ee gobolka bari tababar
ka socday labadii maalimood ee u dambaysay hoolka shirarka ee mu’asasa
al-minhaaj, tababarkaan oo loo qabtay qaar ka mida ardayda wax ka
barata jaamacadaha magalaada boosaaso ayaa waxaa soo qaban qaabisay
mu’asasada al minhaaj ee dacwada iyo hormarinta, waxaana soo
jeedinayay tababare cabdifitaax cajab oo ah tababare kasoo baxay
canadian training center oo uu lahaa dr.ibramin al-fiqi kuna yaalla
dalka masar.

tababare cajab ayaa wadanka dib ugu soo laabtay sannadkii hore kadib
fasixiisii waxbarasho ee uu uga yimid wadanka masar,
markii uusoo gaaray magaalada bosaso ayuu bilaabay tababarro uu u
qabanayay qaybaha kala duwan ee bulshada, tababaraddaas oo kala
duwanaa ayaa wuxuu ku kala qabtay qaar ka mida magaalooyinka waawayn
ee puntland sida bosaso ,qardho,garowe iyo kuwo kale, haddii alle
idmana waxa kale uu mari doonaa qaybaha kale ee wadanka bilaha nagu
soo fool leh.

tababarkan xalay kusoo gabagaboobay magaaladda boosaaso ayaa waxa uu
daah fur u yahay tababarro kale oo uu tababaruhu ku qaban doono
magaalada boosaaso dhawaan inshaa’allaah.

barnaamijkan ayaa noqday mid ay bulshadu aad usoo dhaweeyeen kana
faa’iidaysteen intii uu socday.

Mu’asasada Al-Minhaaj oo soo gabagabaysay dawro ah “Tababarka Tababarayaasha”

Dr.AbdiRahman Hassan's profile photo
dr.abdirahmandiiko@gmail.com
unnamed (2)
unnamed (1) unnamed (3) unnamed (4) unnamed (5) unnamed (6)
unnamed (7) unnamed

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.