Home » Maqaallo »

Lixdan (60) jirka Calanka Soomaaliya.

images5EQO4PUU“Calanyihow cisada eebbahey ku cimri weynaahe
Cawo dhalad ilaahey ninkuu ku cawimuu siiyo
Caadada adduunkaa ma dhibo cayshka nololeede,
adna curashadaaadii na daa culus dhadhaabeede
cambarkaan lahayn lagama rogo caari meel kale e”
Xaaji Maxamed Axmed Liibaan (Axyaa wadhani)

1950kii Soomaaliya qaybteeda koofureed waxaa ka hergalay xukunkii daakhiliga ahaa (Maxmiyad) ee uu kor ka xukumaayay Guumaysigii Talyaaniga ayada oo lataliyaal u ahaayeen dhowr wadan oo ay kamid ahaanyeen Masar (Egypt), Filibiin (Philippine) iyo Kolombiya (Columbia). Afar sana (4) Kadib guumisiga iyo Kalkaaliyaashi shisheeye ayaa waxay unkeen gole isugu jiray Talyaani, Carab iyo Hindi, kuwaas oo loo xilsaaray in ay soo suubiyaan shaqaooyin kala duwan oo ay kamid ahaayeen, Dastuurkii Soomaliya lagu dhaqi lahaa, Calanki Soomaaliya yeelan laheed iyo dhamaan astaamaha kale duwan ee qarankau yeelan laha.

Soomaalidii u halgamaysay gobanimadoonka ayaa codsaday in lagu daro golaha maado ay iyagu xaq uleeyihiin aaya katalinta dalkooda, nasiib wanaag waxaa golahii kamid noqday oo soomaaliya umatalay xubno kasoday ururkii Midnimmada Xirfadlayaasha Shaqaalaha Soomaaliyeed (Somali Labor Trade Union) kuwaasi oo ka socday Ururkii Gobanima doonka iyo uummada Soomaaliyeed guud ahaan.

Ururkii Midnimmada Xirfadlayaasha Shaqaalaha Soomaaliyeed waxay iska soo dhex xuleen shaqsi aad u aragti dheer oo dhab ugaranaaya dalka iyo dadka soomaaliyeed waxa ay mustaqbalkooda ubaahanyihiin waa Muxamed Cawaale liibaan. Allaha unaxariistee Muxamed Cawaale liibaan ayaa ugu danbayn kamidnoqday gudigii wuxuuna si deg deg ah ula wareegeen masuuliyadii oo dhan habeena badana usoo jeeday siduu ukeeni lahaa Calan ummada Soomaaliyeed ee gumaysiga kala ooday isu keenilahaa tilmaan ifaysana ubixinlahaa.

Allaha unaxaristee Muxamed Cawaale liibaan oo ahaa shaqsi ay soomaalinadu ku wayneed ayaa ummadiisa unaqshadeeyay Calan aad u qurux badan oo jiilkasta u tilmaamaaya waxaa looga bahanyahay iyo baadi goobka soomaaliya. Inkastoo gumaysigi iyo acwaantoodi ka hor timid marki hore Muxamed Cawaale liibaan (AUN) waxaa si aftahanimo iyo xeelad ku dhisantahay ugu qanciyay gumaysigii iyo intiikalaba in calanka qura ee kuhaboon Soomaaliya uu yahay midkuu isaga suubiyay wuxuuna hor dhigay daliilo cadcad oo uu fijirkiisa kutaageeraaya waxaase xusid mudan in wadanigu uu suubiyay xeelad aad u sareysa oo aheed in Maalin Talaada ah 12 oktoobar sanadkii 1954 calanka uu si quruxbadan ugu soo sawirtay Xabadkiisa taasi oo cidkaste kayaabisay waxayna aheeda xeelad uu wanigu u isticmaalay taageerayaashiisi iyo mucaaradkiisaba taasi oo ku qasabtay guumaysitiyaashi in ay aqbalaan.

Calanka Soomaaliya ayaa leh midab iyo muunadba micna wayn ku fadhiya, waxaa uu midabkiisu yahay buluug khafiif ah (midabka cirka) taasi oo astaan u ah Badda wayn iyo hawada sare ee cirka ka sareeya dhulaka soomaaliyeed, sidoo kale waxaa uu wadanigu dhaxda kaga asteeyay xidig shan geesood ah oo uu cirka ka soo dhanbashay micnaheedana kala jooday shanta (5) Soomaaliya ee gumaysigu kala jarjaray kuwaas oo kala ah Koofurta Soomaaliya, Waqooyiga Soomaaliya, Soomaali Galbeed (Soomaali Abbow)(Reserve area) wali waxaa maamula Ethopia, koofur Galbeed Soomaaliya /NFD(North Frontier District ), wali waxay hoostagtaa Kenya iyo sidoo kale Dowlada Jabuuti (Republic of Djibouti) oo ah Dowlad Madax banaan.

Ummada Soomaaliyeed ayaa siwayn usoo dhawaysay curinta Calankood ay in mudda ahba sugaayeen, dabaaldag ay farxad ku dheehantahay oo loo kala harin ayaa maasheeyay dhamaan gayiga soomaaliyeed intii uu warku gaaray, waxaana calanka lagu xardhay wadooyinka Xarumaha Dowladda, rugaha Ganacsiga iyo Guryaha waxaana afka furtay abwaanadii soomaaliyeed ayaga u kala harin waxayna ooda ka qaadeen Gabayo, Heeso, Geeraar, Jiifto iyo dhamaan waxii sugaan ay dareenkooda ku cabiri kareen. Waxaana calanka loo bixiyay Magacya badan oo ay mid ahaayeen Buluugle, Maandeeq, Curad, Samma-wade iyo kuwa kale oo badan waxaana ugu danbayn loo suubiyay hees Qaran oo loo yaqaano heesta Calanka waxaa qaaday Allaha Unaxaristee Abwaan Cabdullahi Qarshe:

qoloba calankeedu waa caynoo
innaga keenu wa cirkoo kale oo
an caadna lahayne caashaqa
xidigyey cadi waad na ciidamisee
carrada kaligaa adow curadee
cadceedda sideeda caan noqo
cishadad dhalataad calooshayadii
sidii culaygii cidaad marisee
Allow ha ku celin cawoy dhaha

Calanka ayaa dhiiri galiyay soomaalidii Gobanimadoonka astaan midaysana unoqday waxayna dhararsadeen lixdanka oo ay ku hiranaayeen in gumaysiga gayiga soomaaliyeed ka huleela. Waqti yar kadib ayay aheed markii calanadii guumaysiga dhulka ladhigay Calanka soomaaliyeedna lasaaray waa 26dii june iyo 1dii July 1960kii taasoo aheed marki ugu horaysay ee si xor ah ciida soomaaliyeed calanka uga dulbabada.
Waxaa sidookale heesa, amaan iyo duco utiriyay abwaanada Soomaaliyeed oo hogaamini jiray halganka ummada soomaaliyeed waxaan waqtigaas siwayn loo xusuustaa Allaha unaxariistee Cabdullahi Suldhaan Timacade, waa gabaygiisi lamagac baxay “Kaana siib Kanna saar” waxaan dhagaha ummada soomaaliyeed siwayn usoo jiitay Sadarkiisi ahaa:
Calankaannu sugaynaye
Sahankiisa ahaynow
Seermaweydo hillaacdayow
Sagal maanta darroorayoo
Siigadii naga maydhayow
Saq dhexaannu ahayne
Kii soo saaray cadceeddow
Samada kii u ekaaye
xiddigaa mid la siiyayow
Saaxirkii kala guurraye
Sarreeyow ma-nusqaamow
An siduu yahay eegno e
Kaana siib Kanna saar
Inkastoo Halyay wuu calankaan soo curiyay geesiyaal badana ku garab joogeen Abwaana farabadana amaaneen basle arrinta ugu naxdinta wayn uguna nasiibka xun ayaa ah in wadanigi sameeyay Calanka Allaha unaxariistee Muxamed Cawaale liibaan uu sanadkii 2001 dii ku geeriyooday asaga oo Qoxooti ah Dalka Canada aadna ooga calool xun xaalada calanka iyo waliba dalkiisa iyo dadkisa ku suganyihiin. Marna ma uusan filayn calanki dhibka badan uu usoo maray si dhibyar loo baylihindoona waxaana ladhihi karaa ciilkaas iyo calool xumadaas wuu la god galay waxayna inkaar iyo uquba kutahay jiilka soomaaliyeed ee nool
Sikastoo ahaataba Calankeena maanta oo ah Oktoobar /12/2014 ayuu Lixdan (60) Jirsaday hadana maanta waxaa uu yaalaa dhulka waxaana lasamaystay Calamo kale oo ku dhisan Qabyaalad iyo tacasub meelaha qaarna waxaa uu kayahay mamnuuc ama kontarabaan waxaana lahilmaamay qaayihi uu lahaa iyo halgankii loo soomaray sidoo kale waxaa uu magan uyahay cadowgiisi soo jirineenka ahaa oo had iyo jeer doonaaya in uu cagtooda hoosteeda ahaado waxaana hubaal ah hadii uu calanka Soomaaliya sidaan sii ahaado uu ku danbayn doona in lawaaya ama dhalan rogma.
Ummad aan Calan mideeya laheen waa ummad aan summad laheen, ummad aan Summad laheena waa ummad aan jirin. Calankeena waa summadeena nalagu aqoon sado waxaa ku xiran magaceena iyo sharafteena si midaas loo ilaaliyo waxaa loo baahanyahay in aan illashana Calankeena qaayaha iyo quruxda badan …….Calankayga Nuurow Allahayow ku Nabad gali!
Adam Hajji Hussein (Dhamase)
Columbus, Ohio
Adama411@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.