Home » Warar »

Ra’iisul Wasaare Cabdiweli iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo si diirran loogu soo Dhoweeyey Garoowe

unnamedGaroowe, 10, October, 2014……. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed oo ay weheliyaan xubno ka tirsan GolihiisaWasiirada iyo Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa safar shaqo oo muhiim ah uu maanta uga bilaabmay magaalada Garoowe ee xarunta Dawlad Goboleedka Puntland. Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa gegada diyaaradaha ee Garoowe waxaa ku soo dhoweeyey madaxda ugu sarraysa Puntland oo uu ugu horreeyo Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, xubno ka tirsan Golayaasha Maamulka, wax-garad, haween iyo shacab aad u tira badan.

Ra’iisul Wasaare Cabdiweli ayaa ka mahadceliyey soo dhoweynta diirran ee loogu soo sameeyey Garoowe, waxana uu sheegay inay ka markhaanti kacayso sida ay dadka Puntland ugu heellan yihiin midnimada dalka iyo xoojinta dawladnimad Soomaaliya iyagoo wax badan ku biiriyey geedi-socodkii loo soo maray Dawladda Federaalka Soomaaliya.Mudane Cabdiweli ayaa tilmaamay in Xukuumadda uu hoggaamiyo ay muhiimad weyn siinayso gaaritaanka Dawlad Goboleedyada, maamullada iyo gobolada uu dalku ka kooban yahay si loo adkeeyo xiriirka iyo wada-shaqaynta oo la doonayo inay ku dhisnaadaan is-ixtiraam, daacadnimo, daah-furnaan iyo u adeegidda danta guud ee qaranka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa caddeeyey in uu filayo in safarkan uu ku joogo Puntland uu meesha saari doono gaabis ku yimi xiriirka iyo wada-shaqaynta Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland. Mudane Cabdiweli ayaa tilmaamay in Puntland ay mar walba ka mid ahayd horseedka dadaalada loogu jiro nabadda iyo dawlad-dhisidda ee Soomaaliya, sidaa awgeedna loo baahan yahay in kaalintaasi ay mar kasta qaadato.

“Waxaan marka kowaad u mahadcelinayaa Madaxda iyo shacab weynaha sharafta badan ee Puntland ee maanta aniga iyo waftigayga nagu soo dhoweeyey magaalada Garoowe. Soo dhoweyntan aad noo fidiseen waxay ka markhaanti kacaysaa sida ay idiinka go’antahay midnimada Soomaaliya iyo wada jirka dadkeeda.

“Xukuumadda aan hoggaamiyo waxa ay ku shaqayneysaa aragti cad oo ah ka adkaynta midnimada iyo wadajirka dalka Soomaaliya, waana in ay arrintani ku salaysnaataa is-ixtiraam, daacadnimo iyo in cid walba ay hesho xuquuqda ay leedahay iyadoo waajibaadka qarankana loo sinaanayo”

Dhinaciisa, Madaxweynaha Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Ra’iisul Wasaaraha ku soo dhoweeyey Puntland, waxana uu tilmaamay in Puntland ay dooneyso in Dawladda Dhexe wax ka qabato tabashooyinka ay qabaan.

DHAMMAAD

Abdirashid Muse
Warbaahinta Xafiiska R.W
Garoowe-Somalia
Email1: media@opm.gov.so
Email2: abrashidmuse@gmail.com
Tell: +252616318823
Twitter: @SomaliPm, @AbdirashidMuse
unnamed (1)

unnamed (2)

unnamed (3)

unnamed (4)

unnamed (5)

unnamed (6)

unnamed (7)

unnamed (8)

unnamed (9)

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Ra’iisul Wasaare Cabdiweli iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo si diirran loogu soo Dhoweeyey Garoowe "

  1. waxaa dhamaaaday khilaafkii u dhexayn jirey dawlada federaalka somaliya iyi puntland, waxaa kaloo soo iftiimaya soomaali halmeel u wada socota. inshaa allaah