Home » Warar »

Madaxweyne Xasan Shiikh oo booqasho ku tegey degmada Cadale

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa maanta booqasho hal maalin ah ku tegey degmada Cadale oo ka tirsan Gobolka Shabeellada Dhexe,
DSC4754
Madaxweynaha oo ay socdaalkiisa ku wehliyeen xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Xildhibaanno degaanka ka soo jeeda iyo Taliyayaasha Ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo Nabad Sugidda iyo mas’uuliyiin kale, waxaa si diirran u soo dhoweeyay dadweynaha degmada Cadale oo ay horkacayaan Guddoomiyaha Shabeellada Dhexe Cali Guudlaawe Xuseen.Iyo Guddoomiyaha Degmada Cadale Muxuddiin Suudi Macallin Cali.

Madaxweynaha oo meel fagaare ah dadweynaha kula shiray waxaa uu warbixin ka dhegeysteen mas’uuliyiinta dowladda ee degmada iyo Gobolka, ka hor inta aanay u warbixin odayaasha dhaqanka ee degmada Cadale.

Madaxweynaha oo dadweynaha kula hadlay fagaaraha showrida ee degmada Cadale, waxaa uu kula dardaarmay in ay nabadda hantaan gacanna siiyaan ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo ciidanka AMISOM. Wuxuu ku boorriyaya in kheyraadka dabiiciga ah ee degmada siiba kan badda laga faa’iideysto. Wuxuuna Madaxweynuhu sheegay in loo baahan yahay in wiilasha Shabaab ka tirsan hadday ka tanaasulaan mabaaddii’da Shabaab loo baahan yahay in la soo dhoweeyo oo aan lagala hor imaan gocosho waxyaabo hore u dhacay.

Madaxweynuhu wuxuu kulan gooni ah la qaatay saraakiisha Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM ee hoggaaminaya dagaalka ka dhanka ah Shabaab ee aaggaas, wuxuuna ku boorriyay in shacabka laga xoreeyo Shabaab, loona gargaaro oo la dhowro xuquuqdooda si loo hanto kalsoonidooda.

Ugu dambeyntii Madaxweynuhu wuxuu socod ku dhex maray suuqa magaalada iyo xeebta isaga oo la fariistay lana sheekeystay qaar ka mid ah ganacsatada wadooyinka wax ku iibiya.

Cadale waxaa al Shabaab laga saaray kowdii bishan Oktoobar oo maanta toban ah.

Dhammaad

For more information please contact:
Shador Haji Mohamud
Office of the Somali President
shadorhaji@presidency.gov.so
Twitter: @thevillasomalia/@Shador_Haji

Halkaan hoose ka daawo sawiro iyo warbixin dheeraad ah oo kusaabsan safarka Madaxwaynaha.

http://radiomuqdisho.net/madaxweynaha-oo-maanta-tagay-degmada-cadale-daawo-sawiradda/

Xigasho: RadioMuqdishu

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Madaxweyne Xasan Shiikh oo booqasho ku tegey degmada Cadale "

  1. Ciid C.lahi says:

    Masha Allah Illahay ha dhowro Madaxweynaha Qaranka Umadda Soomaaliyeed. Waa halyeeyga Qarniga 21-aad., Waayo manta Soomaaliya waxaa u iftiintey NABAD IYO HORUMAR taas oo qofkasta oo SOOMAALI AH nacaawdeeda ama udgoonkeeda dareemi doono waqti kooban gudaheeda insha SOOMAALIYA waxay noqoneysaa dal ka kamid dalalka uGu horumarsan ee Africa. MArkaan Africa ka xaqiijisinayo Booska koobaad hadana waxaa inoo suuro gali doonto inaan La tar tarano dalal badan oo Asiada dhexe ah Sida Malaysia,Indonesia,Hong kong iwm..

    LAAKIIN ; waxaa loo baaahan yahay in Soomaalida dhamaan Gacmaha is qabasadaan, una tashadaan in Dalkooda iyo dadkoodka si wada jir ah oo DAACADNIMO IYO WADANIYAD ku jirto u caawiyaan Dalka iyo Dib u dhiskiisa iyo WELIBA GOOBAHA muhiimka u ah jiritaanka umadda SOOMAALIYEED. , si ay SOOMAALIYA u noqoto dal NABADOON.

    DOWLADNIMADDA waa Dugaal dhab ah; WAA dalad umadda oo dhan ay ka hargeli karta QORAXDA, IYO ROOBKA. haddii aan dowladi jirin. marka Soomaaliya noqda dad DOWLADNIMADDA iyo NABADDA u hiiliya. Qof kasta oo Soomali ah DAlkiisa waxa uu ka heli doonaan nolol tii uGu fiicneyd. waxaana ii muuqata in laga baxaaayo DHIBAATADDA IYO DAYACNAANTA BAAHSAN EE SOOMALIDA KU QABSATEY QURBAHA.

    waad mahadsan tihin soomalitalk sida sharaf leh ee aan inoogu soo gudbiseen Booqashad madaxweyne Mudan Xassan Sheikh Maxamuud.
    Cadale waa Magaalo runtii qadiimi ah, waxayna u muuqataa iney heli doonto fursidii ay waqti ku hamineysay.

    Qaabka hadda ay ku socoto in lala Mataaneyo magaaloooyinka waa weyn ee Soomaliya, kuwa dibadaha ama dowladdaha xiriirka soke iyo mid saaxiibtinimo lah leh SOOMAALIYA. waxa qorshe aad u wanaagsan oo runtii si laba jibaareysa xawaaraha DIB U DHIS ee dalka. maadaama ay dowladahaasi iyo shirkadahoodaba qeyb ka qaadanayaa dhisidda HALBOWLAYAASHA IYO DHAMAAN GOOBAHA DANTA GUUD EE UMADDA.

    Nabad, Horumar iyo Baraawqo..

    Wabilaahi Towfiiq