Home » Warar »

Halkaan ka Akhriso Wararkii ugu Dambeeyey ee Soomaaliya.

Somalitalk 11-10-2014:

Madaxweynaha DFS oo gaarey Barawe iyo Xarakada Alshabaab oo sheegatey in ay weerareen Diyaaradii uu lasocdey

Madaxweynha Dowlada Federaalka Xasan Shiikh Maxamuud iyo wafti uu Hogaaminayo oo si diiran loogu soo dhaweeyey Magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeelada Hoose ka dib markii dhawaan ay halkaa la wareegaan Ciidamada Dowlada iyo kuwa Amisom , intiii aysan soo Caga dhigan Garoonka ayaa waxaa lagu waramey in Diyaarada lagu weerarey Qoriga Lidka Diyaaradaha taasoo qalqalgelisey Madaxdii Diyaarada Saarneyd iyadoo markii Dambe Diyaarada u dhaqaaqdey dhinaca Xeebta halkaasoo ay ku degtey Madaxweynha oo la hadley dad isugu so baxay soo dhaweyntis. Dhanka kale Madaxweynaha DFS ayaa waxaa uu shaley gaarey Degmada Cadale ee Gobolka Shabeelada Dhexe halkaasoo si diiran loogu soo dhaweeyey.

Shabaab oo lagu eedeeyay Af-duub ka dhacay Gudaha Kenya.

Wararka ka imaanaya Gobolka Xeebta ee Dalka Kenya ayaa sheegaya in Rag Hubaysan oo loo maleeyay in ay ka tirsan Xarakada Shabaab in laba Gaari ay ka afduubteen degaan hoos yimaada Demada Laamo ee Gobolka Xeebta. Kun yaala Xadka Soomaaliya iyo Kenya. Labadan Gaari oo la af duubtay ayaa waxaa la socday Shan ruux oo qaad siday taasoo sida la sheegay loola soo dhaqaaqay dhinaca Soomaaliya. Laba ka mid ah raggii qaadka watay ayaa la sheegay in Qoorta laga jaray meydkoodiina halkaa looga tagay iyadoo Qaadkii iyo labadii Gaariba la soo galiyay dhinaca Soomaaliya. Saraakiil u hadashay Ciidamada ammaanka ee halkaa ku sugan ayaa sheegay in afduubkan ay gaysteen dagaalyahano ka tirsan Xarakada Shabaab isla markaana labadii Gaari ee la af duubtay loola dhaqaaqay dhinaca Soomaaliya in kastoo aysan garanayn halka rasmi ahaan lala beegsaday.

Qareeno ugu baaqay Xukuumadda in Xoriyadooda dib loo siiyo Wariyayaal ku dhawaad laba Bilood ku xiran Muqdisho.

Illaa Lix Qareen oo u doodaya Wariyayaashii Idaacadaha Shabeelle iyo Sky oo ku dhawaad Laba bilood u xiran Dawladda federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay sidii Maxkamad loo keeni lahaa Wariyayaashaas ama Xuriyadooda dib loo siin lahaa. Avv. Cali Xalane oo kulan ay yeesheen qareenadaas kaddib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in illaa laba goor ay booqdeen goobta ay ku xiran yihiin o Wariyayaasha xaaladooda Caafimaadna aanay wanaagsanayn sidaa darteedna ay qalad tahay in intaa la hayo. Mar uu ka hadlayay in wax caddeeyma ah oo wariyayaashaas loo hayo in dembiga lagu soo oogay loo hayo ayuu sheegay inaysan jirin wax caddeyma ah welina ay xukuumaddu sheegayso in baaritaano ay waddo.Avv. Xalane ayaa intaa ku daray in Xarigga wariyaashan lagu salaynayo Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed laakiin uusan jirin xeer saxaafadeed ee muujinaya Maxkamadda la hor geynayo iyo sharciga loo cuskanayo midnaba.

Maamulka Degmada Xamar-Weyne oo gacanta ku soo dhigay Gaari siday walxaha Qarxa.

Guddoomiyaha Maamulka Dawladda ee Degmada Xamar-weyne ayaa ka warbixiyay Hawl gal Ciidamada ammaanku ka sameeyeen gudaha degmadaas. Cabdulqaadir Maxamed Cabdulqaadir Guddoomiyaha ayaa sheegay in hawl galkaas lagu soo qabtay Tira dad ah iyo Gaari siday walxaha qarxa haatana gacanta ay ku hayaan. Guddoomiyaha Degmada Xamar-weyen ayaa hoosta ka xarriiqay in dadkii hawl galkaa lagu soo qabtay badi la sii daayay ka gadaal markii lagu waayay tuhunkii loo haystay hse yeeshee ay iminka gacanta ku hayaan Gaariga siday walxaha qarxa iyo Ninkii Darawalka ahaa ee Gaarigaas waday dhawaana Maxkamadda ay u gudbin doonaan.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.