Home » Warar »

Halkaan ka Akhriso Wararkii ugu Dambeeyey ee Soomaaliya.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa oo ka digey in Shirka Baydhabo lagu sameeyo Faregelin

Muqdishu: Wararka ka imaanaya Magaalo Madaxda Gobolka Bay ee Baydhabo ayaa sheegaya in uu soo baxay Khilaaf u dhaxeeya Guddiga Farsamada Maamul u samaynta Gobolada Koofur Galbeed iyo Odyaasha dhaqanka ee Ergooyinka ah. Warka ayaa waxaa uu intaa ku daray in qaar ka mid ah Odoyaashii Ergada ahaa in ay bilaabeen in ay isaga baxaan Fadhigaas iyagoona ka cabanaya fara gelin lagu samaynayo hawlahooda iyo qorshayaasha ay ku soo xulayaan Ergooyinkii Shirka. Xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa oo ka mid ah xildhibaanada Barlamaanka Soomaaliya oo sida aadka ah ugu dhuun daloola arrimaha Guddigan Farsamada ayaa xaqiijiyay Cabashada Odoyaashaas dhaqanka gaar ahaana Odoyaasha ka soo jeeda Gobolka Shabeelaha Hoose ee halkaa ku sugan. Xildhibaanka ayaa uga digay Guddiga Farsamada in ay joojiyaan fara galinta ay ka cabanayaan Odoyaashaas oo uu sheegay haddii ay sii socoto in caqabad ay ku noqon doonto habsami u socodka Hawlaha Guddigaasi halkaa u joogo. Porf. Maxamed Cumar Dhalxa ayaa intaa ku daray in loo baahan yahay in Odoyaashaasi loo madax banaaneeyo wixii ku saabsan soo xulidda Ergooyinka, meel marinta Dastuurka iyo dhamaynta wixii khilaaf hoosaad ah ee jira.dalxa

Guddoomiye Muungaab “Way Dhamaatay Xiligii Direyska Ciidanka Dhac loogu gaysanayay Shacabka Muqdisha”..

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir oo xalay ka qayb galay Xaflad ka dhacday Degmada Hawl-wadaag ee magaalada Muqdisho looguna magac daray is dhax galka Bulshada ayaa khudbad uu halkaa ka jeediyay kaga hadlay is bedelada ka dhacay magaalada Muqdisho.Xasan Xuseen Muungaab ayaa ugu horeynba ku tilmaamay degmada Hawl-wadaag in ay ka mid tahay degmooyinka xiligan ugu Nabadda wanaagsan isla markaana Degmadaasi ay ka gudubtay xiligii Cabsida iyo kala qoqabka. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada ayaa amaanay guud ahaan degmooyinka Gobolka Banaadir oo haatan ay ka socdaan hawlo dib u dhis iyo nabadeyn ah . “Wey dhamaatay xiligii Direyska Ciidanka dhac iyo Cabsi gelin loogu gaysan jiray Shacabka Muqdisho” ayuu si farxad leh u sheegay Mungaab isagoona intaa ku daray in dib dambe aysan u dhici doonin in Direyska Ciidanka Dawladda lagu waxyeeleeyo shacabka isagoona arrintaa ku amaanay Maamulada degmooyinka

Xaaladda Degaanka Laan Xiireey oo saaka deggan kaddib Dagaal Beeleed Shalay halkaa ka dhacay

.Xaaladda Degaanka Laan Xiireey oo hoos yimaada Degaanka Xeraale ee Gobolka Gal Gaduud ayaa wararka saakay halkaa naga soo gaaraya waxa ay sheegayaan in ay deggan tahay isla markaana ay soconayaan dadaalo fara badan oo lagu doonayo in lagu dhameeyo. Shalay gelinkii dambe ayaa waxaa halkaas Dagaal culus ku dhax maray laba Malliishiyo beeleed ka gadaal markii ay isku qabsadeen Barkad biyood halkaa ku taala taasoo keentay in hal qof uu ku dhinto dagaalkaas seddax kalena ay ku dhaawacmaan. Saraakiisha Ciidamada, Maamulka Gal-Gaduud kan Xeraale Odoyaal iyo Waxgarad degaanadaas ka soo jeeda ayaa arrintaa ku baxay si ay u qaboojiyaan dagalkii halkaa ka dhacay. Sedaxdii qof ee dhaawaca ahayd ayaa la gaarsiiyay Goob Caafimaad oo ku taala degaanka Xeraale halkaasoo iminka lagu dabiibayo.

 

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Cuntada ayaa hore digniin uga soo saartay suurta galnimada Daadad ku soo rogmada dhulka Dooxooyinka ee ku yaala Gobolada ku yaala Puntland. Sarkaal ka tirsan Maamulka Puntland oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in iyagoo ka faa’ideysanaya digniintaas Hay’adda Caalamiga ah ay soo saartay in iyaguna haatan ay bilaabeen barnaamijyo wacyi gelin iyo digniin isugu jira. Cali Yuusuf Jaamac sarkaalkan ka tirsan Maamulka Puntland ayaa intaa ku daray in durbaba degaano fara badan oo ka mid ah Maamulkoodu uu haatan ka bilowddeen xiliga Deyrta oo Roobab badan ay ka da’een degaanada garacad, Jarriibin iyo dhinaca Gobolka Nugaal. Digniinta ay bixinayaan Saraakiisha maamulkaas ayaa waxaa loogu sheegaya in ay ka fogaadaan Dhulka Dooxooyinku ay maranaa una baxaan dhinaca dhulka Taagga ah si ay uga bad baadaan haddiiba Togaggu soo rogmadaan waxyeeladooda.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.